Asbaabaha Keena Finanka Iyo Siyaabaha Looga Hortago

Maqaarka wuxuu leeyahay godad yaryar, godadkaan yaryar ee maqaarka ayaa waxaa xiri kara saliidda uu soo saaro jirka, sidoo kale waxaa xiri kara bagteeriyo iyo wasakh. Marka ay godadka maqaarka xirmaan waxaa kaa soo baxaya qofka finan. Finanku waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee qabsada maqaarka. Inkastoo ay finanku ahayn xaalad nolol iyo geeri u dhaxaysa lakiin waxay noqon karaan xaalado kasii dara, waxayna sababi kartaa  arintaan dhibaato maskaxeed. Finanka oo ka soo muuqda wajiga waxay hoos udhigi karaan kalsoonida qofka, muddo kadib waxayna sidoo kale keeni kartaa in maqaarka qofka lagu arko sumada ay reebeen finanka. Nasiib wanaag waxaa jira dawooyin wax ku ool ah oo ka hortagi kara nabarrada maqaarka.

Waa maxay astaamaha lagu garto finanka?

Finanka waxaa laga heli karaa meel kasta oo jirkaaga ah. Inkastoo badanaa ay ka soo baxaan wajiga, qoorta, xabadka, iyo garbaha. Haddii aad leedahay finan, waxaad dareemeysaa in muuqaalka finanka ay caadi ahaan yihiin caddaan ama madow. Dhulluxyo madax madow iyo dhulluxyo madax cad. Dhulluxyada madaxa madow waxay u furan yihiin dusha sare ee maqaarka. Dhulluxyada madaxa cad way ka xiran yihiin dusha sare ee maqaarka. Dhulluxyada cad iyo dhulluxyada madow ayaa ah noocyada ugu badan ee finanka.

Maxaa sababa finan?

Finanka waxay soo muuqdaan markii daloolada jirka ay xiraan saliid, bakteeriyo iyo wasakh. Majiro wax qaas ah oo keena finanka, isbedelka hoormoonka sida kuwa waqtiga baaluqa iyo uurka, ayaa la aaminsan yahay iney door ka ciyaaraan. waxaa jira khuraafaad badan oo ku aadan sababta keenta amaba keeni karta finanka iyo nabroada kasoo baxa wajiga. Inta badan waxaa la eedeeyaa cunnooyinka sida shukulaatada iyo kuwa saliida leh. Finanka madax madow iyo kuwa wasakh ah kuli waxay soo baxaan markii duleelada maqaarka ay xirmaan, Walwalka iyo walaacu ma keenaan finan, laakiin way kaga sii dari karaa.

Sidee baa guriga loogu daryeeli karaa?

Waxaad isticmaali kartaa mudaawaad badan si nabraha loo baabi’iyo. Waxaad sameyn kartaa arrimaha hoose:

  • Nadiifi jirkaaga maalin walba oo ku nadiif saabuun khafiif ah si aad u saarto saliida xad dhaafka ee saran dusha maqarka.
  • Ka foogoow koofiyadaha iyo duubabka dhagan
  • Yareey amaba ka dhowr gacantaada wajiga
  • Si joogto u nadiifi tintaada
  • Ha taaban finanka maadama ay tani sababi karto faafida bakteeriyada iyo saliida

Sidee baa loogaga hortagaa finanka?

Way adag tahay in laga hortago amaba la xakameeyo faafida finan ka, laakin waxaad qaadi kartaa tillaabooyinka hoos ku xusan si aad uga hortagto finan ka:

  • Ku dhaq wajigaaga labo jeer maalintii wax aan lahayn saliid
  • Ku nadiifi maqaarkaaga biyo diiran intaadan sariirta aadin
  • Qubeys jimicsiga ka dib
  • Ka fogoow dharka ku dhaga jirka

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *