Siyaabaha Looga Hortago Hargabka

Waa cudurrada faafa oo waxyeela u geysta habdhiska neefsashada,waa cudura hawada lagu kala qaadokuna faafa qufaca iyo hindhisada.

Hargabku caadi ahaan waxa ay saameeyntiisa ku kooban tahay neef mareenka (sanka &cunaha) hargabka waxa uu saameeyn karaaa sambabada iyo xaaladaha daran wuxuu keeni karaa dhimasho, gaar ahaan dadka waayeelka ah, carruurta yar-yar, iyo kuwa nidaamka difaaca jirka uu liito.

Waa Maxay Astaanta Hargabka?

Hargabka waxa uu leeyahay astaamo iyo caalamado uu la wadaaago durayga (IFILO). Astaamaha ay wadaagaan waxaa ka mid ah:

  • Madax xanuun
  • Qufac
  • Cabur
  • Iyo dhuun xanuun

Astaamaha hargabka uu kaga duwan yahay duriga waxaa ka mid ah:

  • Qandho bilaa sabab ah
  • Murqo iyo kala goys xanuun

Sidee Hargabka Looga Hortagi Karaa?

Sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo hargabka waa nadaafad wanaag.ku dadaal in aad gacmahaaga si joogta ah aad u nadiifiso waxay taas caawinaysaa in gurigaaga uu noqdo mid ka banana fayrus in xad macquul ah.

Markaad caburan tahay amaba qufacaysid waxaa wanaagsan inaad wadato wax kaa duwa wasakhda,isla markaana iska fogay marada aad isticmaasho.

Ka fogow dadka qaba calaamadaha iyo kuwa ay ka muuqato astaanta hargabka.waqtiga hargabka uu ka socdo magaalka isku day inaad ka fogaato goobaha ay dadka ku badan yihiin.

Waxaa haboon in aad iska tallasho hargabka. Tallaalka waxa uu kaa difaacaya sedexda fayrus ee hada jira oo keena hargabka.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *