Xanuunka Lafo Burburka: Sababaha Keena, Calaamadihiisa Iyo Sida Lagu Yarayn Karo Halistiisa

lafo beelka, lafo burburka

Lafo buburka waa xanuun ku dhaca lafaha waxaana loo yaqaannaa “osteoporosis”, waxuu sababaa in awooda lafahu ay daciifaan ama ay khafiifaan taasoo keeni karta in laftu ay jabto xataa hadii inyar la qaloociyo. Laftu waa noole sida xubnaha kale ee jirka, waxayna ubaahan tahay unugyo cusub si ay u badalaan kuwii hore, hadii aysan jirin unugya cusub oo badala kuwa duqoobey waxaa dhacaya cilladda loo yaqaan lafa beel. Xanuunkaan waxuu ku badan yahay dumarka.

Maxaa sababa lafo burburka:

Sida aan kor kusoo xusnay marka aysan jirin isu dheelitirnaan u dhaxaysa badalka unugyada duqoobay iyo kuwa cusub ayaa ah sababta koowaad ee xanuunkan, dumarka uu ku yar yahay hormoonka loo yaqaanno estorojin, ragga uu ku yaryahay hormoonka loo yaqaanno testosterone iyaduna waa sababi karaan xanuunka, hadii uu qofka cunin ama qaadan kalsiyam ku filan ama ay ku yaraato iyana waa sabab kale oo uu xanuunkan yeelan karo. Waxyaabaha kale ee uu xanuunkaan ku imaan karo waxaa kamid ah;

  • da’da (markii lasii duqoobaba waxaa sii bata jaaniska uu xanuunkan ku imaan karo)
  • Dadka caatada saaidka ah ama nafaqo daradu hayso,
  • Hadii qaar ka mid ah qoyskaaga ay qabaan iyaduna waa siyaadin kartaa jaaniska aad ku heli karto. Meelaha ugu badan oo uu saameeyo waxaa kamid ah sinta, curcurka iyo laf dhabarta.

Calaamadaha Raadiga:

Bilowga xanuunkan ma lahan wax calaamad ah oo u gaar, ah. Balse marka dhumacda lafaha ay yaraadaan waxaa soo ifbaxa calaamado ay ka mid yihiin,

  • Dhabar xanuun
  • Lafta oo si fudud ku jabta
  • dhererka ama dhumucda lafta oo yaraata.

Daawada:

waxaa jira daawooyin lagu daweeyo xanuunkaan, waxaana hagaagsan inaad dhakhtar booqato markaa dareento xanuunkan.

Talo:

Cun cunooyin isu dheeli tiran si aad uga hortagto nafaqa daro, samee jimicsi waxay daawo aan la dhayal san karin u tahay lafaha iyo jirkoo idil, sidoo kale booqo dhaqtar hadii aad gaartay xiliga dhalma joojinta oo aadna isku aragtid lafa xanuun.

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *