Dhiiga Caadada Oo Si Daran U Qulqula: Sababaha Keena Iyo Sida Loo Dawayn Karo

Kadib xiliga qaangaarka gabar walba waxaa ay la kulantaa dhiiga caadada celcelis ahaan 21-35 beri-ba mar, waana xaalad caadi ah.

Habab badan ayay soo martaa caadadu waxaana ka mid ah in maskaxda laga soo daayo hormoono si ay umaamulaan hormoono kale oo laga soo daayo ovary-ga minka ee haweenka. Ugxamaha lagasoo daayo ovary-ga hadii ay waayaan shahwada ragga mudo 24saac kusiman waxaa baa’baya ugxanta taasoo keenta in minkii loo diyaariyey bacrimintu ay ku dhacdo hungo uuna joojiyo nafaqadii uu ku wada darbiga minka taaso keenta in dhiig iyo xinjiro ay isku aragto gabadhu 3-7 beri. Dhiigaas waxaa lagu qiyaasaa 35mililitir.

Menorrhagia waa markii uu dhiiggu caadadu aad uga sareeyo cadadkiisa caadiga ah, waxaana laga dareemi karaa tampon-ka ay gabadhu xirantahay, taaso keeni karta inay iska badasho saacadii ama labadii saacadood hal tampon. Sidoo kale waxaa macquul ah in habeenkii ay ka kacdo hurdada iskana badasho tampon, in xinjiro badani la socdaan dhiiga, iyo in dhiiga caadadu uu qaato watqi kabadan intii horey loogu yaqiiney.

Badnaanta dhiigani waxay keenaysaa calaamado cusub oo gabadha kusoo baxa sida daal, dhiigyari (anemia), nafaqo daro, neefsashado oo yaraata, walwal ku yimaada xiliyada caadada iyo in ay saamayn ku yeelato shaqadeeda maalinlaha ah.

Maxaa sababa dhiiga caadada inuu aad u badato?

isu dheelitirnaanta hormoonada kala duwan ee ku shaqada leh inay ugxanta u diyaariyaan bacrimin ayaa la ogaaday inay tahay sababta ugu weyn ee ku lug leh marxaladan, gabdhaha da’da yar iyo dumarka caadagowska ku dhaw ayaa ugu badan isu dheelitirnaan la’aanta hormoonada ee keenta menorrhagia. Burooyinka aan kansarka ahayn ee kasoo baxa minka, uurka aan ku talaalmin gudaha minka, infekshinka ku dhaca minka, kansarka ku dhacda minka, iyo dawooyinka qaarkood ayaa iguna ah sababo kale oo marxaladaan ku imaan karto.

Sidee loo daweeyaa dhiiga caadada oo si daran u qulqula?

Ma ahan wax adag in la daweeyo marxaladaan, daaweyntiisuna waxay ku xiran tahay hadba waxa sababa oo meesha laga saaro, tusaale hadii ay sababtu tahay buro kasoo baxday minka waxaa lagu daweynkaraa qaab qaliin ah, hadii ay tahay infekshin waxaa lagu daweyn karaa qaab daawo ah, waxaana lagama maarmaan ah inaad booqato dhakhtar hadaad isku aragto calaamadaha menorrhagia

Talo:

Cilladan waxay keeni kartaa dhiigyari, waxaa muhiim ah inaad is nafaqayso. Ceeb maahan inaad waxii dhib ah aad la qaysabto dhakhtarka, walwalka iyo baqdinta badani waxay keenaan xanuuno kale ee haka xishoon inaad la wadaagto dhakhtarka waxii cillada oo jira.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *