Xanuunka Kala Goysyada Ee Roomatiisamka: Sababaha Keeno Iyo Dawayntiisa

Tufta ama roomatiisamka (Rheumatoid arthritis) waa xanuun caabuq joogta ah oo ku dhaca kalagoysyada gacmaha iyo cagaha, waxuuna ugu danbayn saameeyaa labada lafood ee kulmiya.

Xanuunka tufta waxuu yimaadaa kadib markii uu difaacu jirku si iskiis oo khalad ah u weeraro xubno kamid ah jidhka (kalagoysyada) taasoo keenta inuu dhaawac gaadhsiiyo kala goysyada sidoo kalena abuuro caabuq (inflammation).

Tuftu waxay saamayn kartaa qaybo kale oo kamid ah jirka sida maqaarka, indhaha, sambabada, iyo xididada. Inkasta oo oo tuftu imaankaro da’ walba waxaa ugu badan dadka lakulma dadka da’doodu kasarayso 40 sano. Xanuunkani waxuu ku badan yahay Dumarka.

Waa maxay astaamaha xanuunka kala goysyada (tufta)

Calamaadaha tufta waxaa ka mid ah; daal, xanuun laga dareemo kala-goyska, damqasha kalagoyska ah, kalagoyska oo barara, kalarka kalagoyska oo noqda mid casaan ah ama casaan xigeen ah, qandac ama diirimaad laga dareemo kalagoyska, kalagoyska oo adkaaga khaasatan marka la isku laabayo, dhaqdhaqaaqa kalagoyska oo yaraada, qandho iyo caatoobid.

Marka uu xanuunku bilowga yahay waxuu saameeyaa kalagoysyada faraha, calaamadihiisuna waxay ku kooban yihiin iyagu un. Balse markii uu ku fido kalagoysyada kale sida kuwa jilbaha xusullada iyo canqowyada iyo garbahaba waxuu calaamadihiisu gudbaan heer ka dareen badan markuu bilowga ahaa.

Dhakhaatiirtu si toos ah uma fahansana qodobada aasaaska u ah in difaacu jirku uu weeraro seedaha kalagowska uuna badalo muuqaalkooda iyo shaqadoodaba, balse waxaa lala xariiriyaa qodobo dhawr ah sida jinsiga, da’da iyo macquul ahaanshaha in qaar kamid ah qoyskiina ay lahaayeen xanuunkan.

Dumarka ayaa kaga badan raga sidoo kale da’da ugu badani wiaa markii la dhaafo 40sano.

Khatarta ay keeni karto tufto ayaa ah mid aan la dhayalsan Karin waxaana kamid ah, in laftu ay noqo mid si sahlan ku jabi karta (osteoporosis), hadii ay ku dhacdo kalagoyska gacanta waxay saamayn ku yeelan karta neerfaha gacanta kaasoo inta badan usahla gacanta shaqadeeda daruuriga ah. Tuftu waxay sababi kartaa xanuuno ku dhaca wadnaha iyo sambabadaba.

Daaweynta xanuunka tufta

Majirto daawo toos ah oo ay leedahay tuftu, waxaase la kontoroolaa astaamaha iyo caabuqa ay keeni karto si looga feejignaado inuu dhaawac soo gaaro kalagoysyada jirka. Hadii uu si xun u dhaawacmay kalagoysku markaas waxaa la isticmaalaa qaab daaweyn ah.

Talo:

Samee jimicsi waxuu xoojinaa murqaha guud ahaan iyo gaar ahaan kuwo u dhaw kala gowsyada waxuuna siinayaa awood, marwalba oo aad xanuun ka dareento murqaha ama kala goysyada biyo (qabow ama qandac ah) ku shubo baaldi dhexgalo meesha aad xanuunka ka dareeno una daa 20-30 daqiiqo.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *