Wadnaha Iyo Shaqadiisa & Cudurrada Halista Ku Ah

wadnuhu waa xubin ka sameesan muruq, shaqadiisuna waa inuu bamgareeyo dhiiga si ay xubnaha kala duwan ee jirka ay u helaan nafaqada iyo ogsijiinta ku jirta dhiiga, wadnuhu wuxuu dhiiga raacsiiyaa xididada dhiiga,wuxuu gaarsiyaa xubnaha jirka nutriishanka iyo ogsijiinta ay ubaahan yihiin, wuxuuna kasoo qaada wasaqda ay soo saaraan xubnaha marka ay isticmaalaan ogsijiin iyo nafaqada.

wadnuhu wuxuu ku yaalaa kala barka xabadka, wadnaha waxaa looqeybiyaa laba qeyb , qeybta kore oo la dhaho Atrium, iyo qeybta hoose oo loo yaqaano Ventricles, qeybta kore waa halka uu kasoo galo dhiiga wadnaha, dhiiga wada wasaqda iyo midka wada ogsijiinta waxay kasoo galaan wadnaha qeybta kore, qeybta bamgareysa dhiiga waa qeybta hoose, waxay na ukala bamgareysaa sambabada si looga saaro wasaqda, iyo jirka intiisa kale si loogaarsiiyo ogsijiinta.

Dhiiga wuxuu uqulqulaa haldhinac oo kaliya marka wadnaha uu caafimaad qabo, sababtoo ah wadnuhu wuxuu leeyahay waalal(valves) ka hortaga in dhiiga uu dib ulaabto.

wadnuhu wuxuu dhiiga ay ku yartahay ogsijiintu u bamgareeya sambabada si looga saaro wasaqda oo loogu badelo ogsijiin, kadib dhiiga ogsijiinta leh wuxuu ku soo laabtaa wadnaha.

Xiliga jirku uu nasan yahay garaaca wadnuhu wuxuu garaa 72 jeer, jimicsiga iyo dhaqdhaqaaqa waxay kor uqaadaan heerka gaaraca wadnaha. Cudurada ku dhaca wadnaha aya ah sababaha ugu badan ee loo dhinto.

Wareega dhiiga ee wadnaha

Unugyada wadnaha waxay si lamid ah unugyada kale ee jirka ay ugu baahan yihiin ogsijiinta iyo nafaqada kujirta dhiiga, in kastoo shaqada wadnaha ay tahay inuu bamgareeyo dhiiga, hadana unugyada uu ka sameysan yahay hadii aysan helin dhiig kufilan, waxaa caafimaad xuma lasoo darsaysaa wadnaha, oo si tartiib tartiib ah udhinta, wadnaha waxay wax yeelada ugu badan ka soo gaartaa marka ay xirmaan xididada siiya dhiiga, inta ugu badan na waxaa sababta dufanka ama maadada kaalsiyamta (calcium).

Garaaca wadnaha

Garaaca wadnaha waxaa maamula unugyo khaas ah oo ku yaala Atriyamka midigeed, waxaana loo yaqaanaa SA Node waa halka ay kabilaabato laxanka garaaca wadanaha. unugyadaan waxay sii daayaan koronto ugudbi karta unugyada kale ee dariska la ah, si dhamaa unugyada wadnaha ay korontadu si isla mid ah u wada gaarto. korontadaas ayaa dhexmarta dhamaan unugyada wadnaha, marka ay unugyada so gaarto koronta waa ay isku soo uruuraan, Korontada waxaa loo soo daayaa si laxan leh.

Heerka garaaca wadnaha

Wadnaha dhalaanka wuxuu garaacaa 120 jeer daqiiqadi, heerkaan waa mid si tartiib ah hoos ugu soo dhaca ilaa qaangaar nimada, xiligaas oo uu wadanaha garaaco inta udhexeysa 60-100 jeer daqiiqadi, jimicsiga, dhaqdhaqaaqa, iyo shaqada dheefshiidkuba waxay saameyn ku leeyihiin garaaca wadnaha, inta ugu badan ee uu wadnaha bani aadamka garaaci karo ayaa ah 200 ilaa 220 jeer daqiiqadi.

Saameya yaasha

Wadnaha waxaa saameyn ku leh nidaamka isxukuma ee maskaxda ee loo qeybiyo Fariimaha maskaxdu soo dirta ee ah Iska caabinta ama ka cararida khatarta (sympathetic nervous system) ama  fariimaha maskaxda soo deyso ee  nasniinada iyo soo kabashada ee loo yaqaano (parasympathetic nervous system).

Nidaamaka SYMPATHETIC wuxuu kor uqaadaa heerka garaaca wadnaha halka nidaamka PARASYMPATHETIC uu hoos udhigo garaaca wadnaha, PARASYMPATHETIC la’aantiisa wadnaha wuxuu garaaci lahaa 100 jeer daqiiqada.

Muhiimada caafimaad ee wadnaha

Wadnaha waa xubin muhiimad weyn ku fadhiya, sidaa darteed wuxuu halis ugu jiraa iney ku dhacaan cuduro badan, 30% dhimashada dadka ee sanadadkii 2008 waxaa sababay cuduradada wadnaha, waxaana udhinta inta badan wadamada horumaray, dhaqaatiirta daweysa cudurada wadnaha waxaa loogu yeeraa CARDIOLOGISTS.

Cudurada halista u ah wadnaha waxaa ka mid ah cayilka, dhiig karka, kolesterolka, hasa yeeshee kala bar dadka uu kudhaco wadna xanuunku heerka kolestaroolkooda waa mid caadi ah, guud ahaan waxaa la aamin sanyahay wax yaabaha sababa cudurada wadnaha iney ugu horeeyaan jimicsi la’aan iyo cunto aanan isku dheeli tirneen.

Cudurka xididada wadnaha waa mid oomiya unugyada uu kasameysan yahay wadnaha,  waana midka ugu badan ee sababa xabad xanuunka.

Akhriso: 7 Arrin Oo Laga Qaadi Karo Wadne Xanuun

Dhawaaqyada wadnaha

Wadnaha wuxuu sameeyaa dhawaaq caadi ah oo ka tarjuma inuu wadnaha fiican yahay, waxaa lagu dhageystaa Stethoscope, dhawaaqa uu sameeya wadnaha wuxuu udhawaaqa sida LAB-DHAB-LAB, dhaqaaqyada wadnaha waxaa sababa walaal ka (valves) wadnaha ee xirma marka dhiiga uu soo galo ama uu kabaxo wadnaha.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *