Caafimaadka Biyaha Qumbaha: 8 Cilladood Oo Ay Ka Hortag Iyo Dawaba U Noqon Karaan

Biyaha qumbaha waa cabitaan dabiici ah oo si dhaqso ah oonka u baabi’iya, jirka qaboojiya tamartana siyaadiya.

Biyaha qumbaha waxaa ka buuxa electrolytes dabiici ah, macdanaha zinc, magnesium potasium iyo fitamiin C iyo fitamiinnada B. Waxaa kale oo biyaha ku jirta aashito loo yaqaanno “lauric acid” taas oo la dagaallanta infekshannada.

Biyaha qumbaha oo maalin kasta la cabo waxa ay ka hortag u noqon kartaa cillado badan oo caafimaad. Waxaan halkaan ku soo aruurinay faaidooyinka caafimaad ee laga helo qumbaha biyihiisa. Sii akhri.

Oonka:

Biyaha qumbuhu waa mid ah cabitaannada dabiiciga ah ee baabi’iya oonka, waxa ay leeyihiin electrolytic jirka waraabiya.

Hoos u dhigista cadaadiska dhiigga:

Biyaha qumbaha waxaa ku jira fitamiin C, potassium iyo magnesium kuwaas oo caawiya kantaroolista heerarka cadaadiska dhiigga. Macdanta potassium waxa ay hoos u dhigtaa cusbada jirka ee sodium-ta. Tani waa mid ka mid ah faaidooyinka waa wayn ee biyaha qumbaha.

Caafimaadka wadnaha:

Biyaha qumbuhu ma lahan dufan, waxa ay yareeyaan heerka kolestaroolka dhiibataada leh waxayna siyaadiyaan kolestaroolka wanaagsan sidaas awgeed waxay ay hoos u dhigaan halista wadne xanuunka.

Miisaan dhimista:

Biyaha qumbuhu waxa ay uroon yihiin miisaan dhimista maadaama kaloorisku ku yaryihiin. Cabitaankan waxaa ku jira dheecaanno caawiya cunno shiidista, dheefsiga dufannada, sidaasna waxay ku caawiyaan miisaan dhimista.

Daweynta madax xanuunka:

In badan oo ka mid ah madax xanuunka iyo xittaa madax faradka (migraines) waxaa kiciya biyo yaraanta jirka. Biyaha qumbuhu waxa ay jirka siiyaan “elektrolytes” waraabiya jirka. Maadaama ay hodan ku yihiin macdanta magnesium taas oo caawisa ka takhalusidda madax faradka la xiriira madax xanuunka.

Aashitada caloosha:

Cabista biyaha qumbuhu waxa ay daweysaa hurka iyo aashitada sababtuna waa maadada “lauric acid” ee ku jirta cabitaankan. Gaasku waxa uu keeni karaa hur waxaana lagu daweyn karaa cabista biyaha qumbaha.

Sonkorowga:

Biyaha qumbuhu waxaa ku yar sonkorta taas oo ka dhigaysa cabitaan uroon bukaannada qabs cudurka macaanka.

Infekshanka kaadida:

Biyaha qumbuhu waxa ay dawo ka yihiin infekshanka kaadida. Sida oo kale, waxa ay milaan dhagaxaanta kilyaha

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *