Noocyada Madax Xanuunka, Midka Ugu Daran Iyo Hababka Looga Bogsado

madax farad, noocyada madax xanuunka

Madax xanuun iyo madax farad (headache and migraine)

Madax xanuunka:

Madax xanuunku waa xanuun qofku dhibsanayo oo madaxa laga qabto kaasoo sababi kara cadaadis badan oo madaxa kaa fuulaya.

Wuxuuna badanaa noqdaa xanuun meel dhaxaad ah saamaynta ugu badan wuxuu ku yeeshaa labada dhinac ee madaxa.

Meelaha khaaska ah ee uu madax xanuunku ku dhaco waxaa kamid ah, qaybta hore ee madaxa, dhafoorada iyo qaybta gadaale ee luqunta ama qoorta. Madax xanuunku wuxuu badanaa qofka hayn karaa 30 daqiiqo ilaa hal isbuuc.

Noocyada madax xanuunka:

Nooca ugu badan ee madax xanuunka waxaa layiraahdaa “tension headache” waa nooc kamid ah madax xanuunka oo ku dhaca qaybta gadaale ee madaxa waxaana sababa shaqada badan iyo cadaadiska badan.noocyada kale ee madax xanuunka waxaa kamid ah

Cluster headaches: noocan wuxuu ku dhacaa hal dhinac oo madaxa ah lakin maahan mid badanaa dhaca calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah sanka oo biyo ka yimaadaan, indhaha oo biyo kayimaadaan iyo sanqada oo xirmata.

Sinus headaches: noocan waxaa badanaa lagu qaldaa madax faradka ama migrainka calaamadahiisa waxaa kamid ah qandho, qufac, iyo Hawa mareenka oo xirma.

Madax faradka (Migrain):

Madax faradku (dhanjafku/goonjabku) wuu ka yara duwanyahay madax xanuunka caadiga ah wuxuuna leeyahay xanuun saaid ah iyo cadaadis madaxa ka fuula qofka bukaanka ah.

Calaamadaha lagu garto waxaa kamid ah:

  • Xanuun indhaha gadaashooda ama dhagaha gadaashooda aad ka dareemaysid
  • Xanuun daran oo dhafoorada kaa qabta
  • Araga oo khalkhala
  • Iftiinka iyo codadka oo qofka dhibaya
  • Mar marka qaarkood araga ayaa si kumeel gaar ah kaaga tagi kara
  • Matag mar mar ah wuu jiri karaa
  • Madax faradku wuxuu kaga duwan yahay madax xanuunka caadiga ah wuxuu leeyahay xanuun saaid ah oo qofku uusan wax shaqo ah qaban karin. xanuunka madax faradku wuxuu badanaa dadka ku qasbaa inay isbitaalka aadaan siay xaalkooda wax uga ogaadaan.

Madax faradka wata xanuunka daran wuxuu kaloo leeyahay xasuus yari bukaanka haleesha iyo dulqaadka oo ka yaraada bukaanka kaasoo sababa in bukaanku u adkeesan waayo hadalada dadka iyo jabaqda kale ee agagaarkiisa ka dhacaysa.

Farqiga ugu wayn ee madax xanuunka iyo madax faradka waa cadadka xanuunka ee bukaanku dareemo iyo cadaadiska uu wato xanuunkaas.

Farqiga kale ee ay ku kala duwanyihiin waa meelaha khaaska ah ee ku kala dhacaan.

Talo:

Maadaama madax faradku uu yahay xanuun saamayn wayn ku yeesha nolosha qofka bukaanka ah waxaan kula talinaynaa dadka qaba xanuunka inay ilaaliyaa xiliyada hurdada.

Hurdada oo kaa yaraata ama xiliyada hurdada oo aad isku khaladid waxay sababi kartaa madax farad ama waxay kasii dari kartaa xaalada aad horay ugu jirtay.

Fadlan isku day inaad hurdo kugu filan hesho.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *