Calaamadaha Foosha, Noocyadeeda Iyo Hababka Loo Yareeyo Xanuunka…

Hadii aad tahay ugub, waxaa laga yaabaa inaad ka walwalsan tahay maalinta dhalmada. Inta badan na waxay dadka ka fikiraan sida ay ku bilaabmi doonto foosha iyo sida dareeneedu uu yahay, waxaa jira calaamada badan oo ku tusi kara inaad ku jirtid fool, laakin midda la isku haleykaro waa foolqabasho joogta ah.

Halkaan ka akhriso noocyada kala duwan ee foosha oo aad dareemi kartid.

Foosha beenta ah (Braxton- Hicks contractions):

Marka la gaaro bisha 4aad ee uurka, waxaa laga yaabaa inaad dareentid minka oo ciriiri noqonaya mararka qaar. Waa dhacdooyin aan joogta ahayn, fooshaan waa habka jirka uu u diyaarinayo murqaha minka si ay dhalmada u fududaato

Waa sidee dareenka foosha beenta ah

  • Si guud ah bay xanuun la’aan uyihiin
  • Meesha ugu badan ee laga dareemo waa caloosha
  • Caloosha waxaa laga dareemaa iney dhuuqsan tahay

Tan ugu muhiim san ayaa ah foosha beenta ah masii adkaato, mana dheeraato, sidoo kale wax is bedel ah kuma keenaan afaafka hore ee ilmo galeenka.

Inta badan waxaa la dareemaa marka jirka uu ooman yahay, marka si aad u yareysid fooshaan beenta ah

  • Cab biyo kugu filan
  • Booska badalo sida istaagga ku bedel fadhi
  • Jooji waxa aad sameynesid ee u jiifso dhanka bidix

Hadii aad wali sii dareentid foosha beenta ah, la xiriir dhaqtarka

Foosha teerimka ka hor:

Foolqabasho joogta ah oo timaada isbuuca 37aad ka hor waa astaan lagu yaqaano foosha soo degdegta. Joogta waxaa laga wadaa in foolqabasho ay raacsan tahay hannaan, tusaale ahaan hadii foolqabashadu ay imaaneyso 10ki daqiiqaba mar oo ay soconeyso hal saac, waxaa macquul ah in qofku uu ku jiro foosha teermka ka soo hormartay.

Inta lagu guda jiro foolqabashada, caloosha oo idil waxay noqoneysaa mid adag, sidoo kale minkana wuu dhuuqsamayaa, dareemada kale waxaa ka mid ah

  • Dhabar xanuun fog
  • Cadaadis saarma miskaha
  • Cadaadis saarma caloosha
  • Calool majiir

Astaamahaas oo dhan waxay ku tusayaan in aad u baahantahay inaad la xiriirtid dhaqtarkaaga, khaas ahaan hadii ay la socota dhiig kaa imaanaya, shuban ama dareere biyo ah oo kaa imaanaya

Halista horseedi karto fooshaan waxaa ka mid ah

  • Uur qaadis badan (mataano iyo wixi ka badan)
  • Xaalado soo wajahay minka, afaafka hore ee ilmo galeenka ama mandheerta
  • Sigaar cabid ama isticmaalka dawooyinka qaar
  • Walwal heer sare ah
  • Taariikh hore oo dhiciseyn ah
  • Infekshanada qaar
  • Culeyska jirka oo yar ama badan uur qaadiska ka hor
  • Hooyada oon helin daryeelka dhalmada ka hor

Waa muhiim inaad isha ku haysid waqtiga iyo inta jeer oo ay foolqabashadu soo laalaabato iyo astaama kale oo soo siyaada, waa muhiim in dhaqtarka uu ogaado si uu u joojiyo sii socoshada foolqabasha soo degdegtay

Foolqabashada

Mar hadii fool qabasho sax ah ay bilaabato kuma dageyso wixi dajin karay foolqabashada beenta ah, foolqabashada marba marka ka dambeysa wey ka sii dartaa, muhiimaddu na waa iney kala bixiso afaafka hore ee ilmo galeenka

Foolqabasho kacsan

Waa foolqabasho ka adag kuwi hore, afaafka hore ee ilmo galeenkana wuxuu furmaa 4 ilaa 10 sintimitir, waxaa laga yaabaa inaad dareentid xanuun qabasho oo kasoo bilaabma dhabarka oo ugudba lugta iyo caloosha, sidoo kale lugaha waxaa laga dareemi karaa maroojis.

Hadii aad ka shakisan tahay iney ku hayso foolqabasho kacsan waa muhiim inaad la xiriirtid dhaqtarkaaga, guud ahaan foolqabasahada kacsan waxay u dhexeysaa 45 ilaa 60 ilbiriqsi, oo ay u dhexeysa 3 ilaa 5 daqiiqo oo nasiino ah

Marka afaafka hore ee ilmogaleenka uu furmo 7 ilaa 10 sinitmitir, hannaanka foolqabashadu waxay isu badan leysa 60 ilaa 90 ilbiriqsi, oo 30 ilbiriqsi ilaa 2 daqiiqo oo nasiino ah, waxyaabaha kale ee la socda foolqabashada kacsan waxaa ka mid ah

  • Jirka oo kululaada
  • Qarqaryo
  • Matag

Tilaabooyinka lagu yareeyo raaxa la’aanta

  • In la qubeysto
  • In la socdo ama qaabka la badasho
  • Jirka oo la masaajeeyo
  • Iyo waxyaaba la isku maaweeliyo

Gormaa la wacaa dhaqtarka

  • Foolqabasho soo noqnoqota xitaa hadii ay xanuun la’aan tahay
  • Foolqabasho aan ku dageyn nasiino, iyo biyo cabid, ama boos badalid
  • Foolqabasho imaatay ka hor todobaacka 37aad ee uurka
  • Foolqabasha oo ay u dhaxeyso 5 daqiiqo (isbitaalka sii aad)
  • Waxaa foolqabashada la socda xanuun, dhiig, iyo dareere iyo astaama kale ee lagu garo foosha

Talo

Waxaa dhib ah in la xaqiijiyo in foosha ay tahay middii lagu dhali lahaa, ama middi minka uu isku sii diyaarin lahaa, waa muhiim inaad si dhaw ula socotid inta jeer oo ay foolqabashadu imaaneyso iyo waqtiga u dhexeeya

Check Also

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *