Calaamadaha Kansarka Ilmo Galeenka (Cervical Cancer)

Qeybta u dhexeysa godka xubinta taranka iyo minka waxaa loo yaqaanaa cervix, kansar ku dhaca qeybtaan ayaa sababa in si aan caadi ahayn ay u koraan unugyada ku yaalaha ilmo galeenka, tani waxay sababtaa in uu isbadalo qaab dhismeedka iyo shaqada caadiga ee ilmo mareenka.

Kansarka noocaan ah waxuu kamid yahay kaankarooyinka ugu khatarta badan ee ku dhaca dumarka gaar ahaan xubnaha taranka.

Si lamid ah kansarrada kale ee ku dhaca xubnaha jirka, Xaaladaan ayaa wanaagsan in wax lagu qabto marka uu kansarku bilow yahay, inta kansarka uusan kusii fidin xubno kale oo jirka kamid ah.

Maxaa sababa kansar ku dhaca ilmo galeenka?

Kansar ku dhaca ilmo galeenka waxaa inta badan sababa feyruska loo yaqaano Human Papilloma Virus, kaasoo la isagu gudbiyo galmada. Feyruskaan ayaa leh noocyo badan oo dhamaantood aan wada sababin xanuunkaan. Marka ugu horeysa ee uu feyruskaan ugudbo ilmo mareenka waxaa uu sababi karaa marxalada loo yaqaano “genital warts” oo ah in buro ama boogo yaryari ay kasoo baxaan xubnaha taranka, taasoo ugu danbeyn sababta kansarka ku dhaca ilmo galeenka.

Waa maxaa astaamaha lagu garto kansarka ilmo galeenka?

Bilowga xanuunkaan ama marka uu isbadal yari ku dhacayo qaabta taranka unugyada ee ilmo mareenka inta badan malahan wax astaan ah oo muujinaya curashada xanuunkaan. Marka ay bataan oo heer gaaraan isbadalka unugyada waxaa kuyimaada astaamo kuwaaso isagu jira kuwo khaas ah iyo kuwo lagu khaldi karo xanuuno kale. Astaamaha inta badan la arko marka uu kansarkan soo ifbaxo waxaa kamid ah

  • Dhiig ka yimaada siilka kaasoo ah mid aad ugu tira badan kan xiliga caadada
  • Xanuun laga dareemo qeybta hoose ee ubucda ama miskaha
  • Haweeynada oo aan u adkaysan karin galmada taasoo ah mid aad u xanuun badan
  • Dheecaan isagu jira biyo iyo malax oo ka yimaada siilka lehna ur.
  • Waxaa kaloo macquula in dhiig lagu arko kaadida ama saxarada in kastoo aysan aheyn xaalad lada dareemo.
  • Dhiig yimaad haweeynayda kayimaado kadib marka samayso galmada.

Waxaa la sameeyaa baaritaan loo yaqaano “pap test” kaasoo ujeedadiisu ay tahay in lasoo xoqo ilmo mareenka si loo ogaado isbadalka ku dhacay unuyada uu ilma mareenku kasameysan yahay. Habkaan ayaa ah mid aad loo isticmaala kana caawiya dhakhaatiirta inay kala saaraan calaamadaha khaaska ah ee xanuunkaan iyo kuwa guud ee uu la wadaagi karo xanuuno kale. Hadii uu dhakhtarku arko in xanuunkaan uu yahay bilowga kansarka waxaa uu sii sameeynayaa baaritaano kale kuwaasoo la xiriirta wajiga uu xanuunkaan ku jiro.

Kansarkaan ayaa ah mid taxadarkeeda leh maadaama hadii ay gaarto heer, ay ugu fidi karto xubno badan oo ka mid ah jirka iyadoo ugu gudbinaysa hab wareega dhiiga. Waxaana mar walba la doorbidaa in xanuunkaan la daweeyo marka kaankarada aysan weli k agudbin ilmo mareenka.

Qaabka ugu badan ee loo daweeyo kansarka ilmo galeenka ahaa ah mid la xariirta habka qalilinka, kaasoo laxaqo ama lasaaro unugyada ay saamaysay kaankaradaan, waxaana la raaciyaa daaweyn. Tani waxa ay jaanis fiican u noqon kartaa xanuunka bilowga ah ama dhexdhexaadka ah in la ciribtiro taasoo bukaanku uu ku heli karo baxnaani.

Akhriso: Faham U Yeelo Burada Minka (fibroids)

Talo

Hadaad isku aragto wax calaamad ah oo muujinaya xanuunkaan fadlan booqo dhakhtar, haka xishoon wax caafimaadkaaga dani ugu jirto

Check Also

miraha, hooyada uurka leh, cuntooyinka uurka

Miraha Ama Furuutka Uroon Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *