Sirta Caafimaad Ee Subagga Caanaha Laga Soo Saaro

Subagga caanaha laga culo waa cunno waxtar ballaaran u leh caafimaadka balse aan lagu baraarugsanayn.

Hadaba waxaan halkaan ku bidhaaminaynaa faaidooyinka caafimaad ee subagga sixinta ah.

Caafimaadka Wadnaha:

Daraasado badan ayaa iftiimiyay in subaggu uu sare u qaado caafimaadka wadnaha. Waxaa la arkay in subaggu uu kordhiyo kolestaroolka wanaagsan islamarkaana uu yareeyo dufanka ku aruura halbowleyaasha.

Dheefshiidka:

Subagga caanaha laga culo waxaa jira aashitada “butyric” taas oo ilaalisa caafimaadka dheefshiidka. Aashitadani waxa ay yareysaa hurka, iyadoo tamar siisa unugyada mindhicirrada, islamarkaana dhiirragelisa soo saarista aashitada caloosha taas oo caawisa cunno shiidista. Aashitadani waxay kaloo dawaysaa calool istaagga.

Adkeynta lafaha:

Xoogaa yar oo subag ah oo aad cunnada ku darsato waxay kaa caawinaysaa inaad hesho xaddigii fitamiin K ee aad u baahnayd. Fitamiin K waa fitamiin muhiim u ah ilaalinta caafimaadka iyo quwaddda ilkaha iyo lafaha.

Caafimaadka indhaha:

Subagga waxaa ku badan fitamiin A oo ah oo sunsaare ilaaliya caafimaadka indhaha. Fitamiinkani waxaa uu ka hortagaa cilladaha aragga lumiya sida caadka iyo xanuunka macular degeneration.

Ka hortagga cudurrada raaga:

Sida aan soo sheegay, subagga waxaa ku badan fitamiin A oo sunta ka nafiiya jirka. Marka la isku daro fitamiinkan sunsaaraha ah iyo aashitooyinka “linoleic” iyo “butyric” waxay subagga ka dhigaysaa maaddo awood badan oo liddi ku ah kansarka taas oo caawisa hoos u dhigista waxa loo yaqaanno “oxidative stress” ee jirka. Labadaan maado waxa ay kaloo caawinayaan ka hortagga cudurro badan.

Si fudud uma gubto:

Subaggu waxa uu adkeysi u leeyahay dabka si fududna kuma gubto taas oo ka dhigaysa mid ku habboon cunno karinta.

Caafimaadka maqaarka iyo timaha:

Subagga waxaa loo adeegsadaa qurxinta jirka waxaa ku jira dufanno nafaqeeya maqaarka islamarkaana iftiimiya maqaarka. Waxaa la aaaminsan yahay in subaggu uu daahiyo soo shaac bixidda astaamaha duqnimada.

Dhinaca kale, subaggu waa uu qooyaa timaha. Waxa uu daweeyaa qalleylka, cuncunka iyo agoolka basada.

Waxa uu u fiican yahay caruurta yar yar:

Caruurta yar yar marka aysan cabbin caanaha naaska, waxay lumiyaan miisaanka. sidaas darteed subaggu waxa uu caawin karaa kobcinta iyo ilaalinta miisaankooda. Sii hal qaado oo subag ah maalintii (qaadada yar ee shaaha) . Waxaa intaas dheer, subagga oo lagu daliigo caruurta waxa ay adkeysaa lafaha waxayna xoojisaa caafimaadkooda.

Xaddii intee le’eg ah ayaa laga isticmaali karaa subagga maalintii?

Dadka caafimaadka qaba waxay ka isticmaali karaan 1 qaado maalintii si ay u dheefsadaan faaidooyinkiisa. Xasuusnow subaggu waa dufan sidaas darteed ha iska badin. Sirtu waa in si nidaamsan loo isticmaalo.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *