Caadka Indhaha Fuulo: Sababaha Keeno, Noocyadiisa Iyo Sida Looga Hortegi Karo

Caadka indhaha, aragga, isha,

Caadka indhaha (cataract):

Bikaaca isha waa halka ama meesha iftiinku ka gudbo. Hadaba hadii caad uu fuulo halkii iftiinku kasoo gali lahaa insha waxaa yaraanaya argtida qofka.

Caadka indhuha waa qodobka koowaad ee ka qayb qaata lumidda aragga ama indha la’aanta ku dhacda dadka da’doodu 40 sano ka wayn tahay.

Noocyada caadka fuula isha:

  • A subcapsular cataract: Waa nooc kamid ah caadka indhaha fuula. Caadka noocan ah waxaa lagu arkaa qeybta gadaale ee bikaaca isha. Wuxuu ku badan yahay dadka qaba cudurka sonkorowga iyo dadka qaata dawooyinka loo yaqaan steroids.
  • A nuclear cataract: Caadka noocaan ah wuxuu ku samaysmaa bu’u da ama dhexda bikaaca isha. Noocaan wuxuu ku xidhan yahay gabowga.
  • A cortical cataract: Caadka noocaan ah wuxuu caan ku yahay, shay cadaan ah oo baruurta u eg. Noocaan wuxuu ku samaysmaa geesaha bikaaca isha, balse waxay kusoo faafaan dhexda bikaaca isha.

Maxaa sababa caadka fuula indhaha?

Bikaaca isha ee ku dhex jira indhaha dadka wuxuu u shaqeeyaa sida bikaaca ku jira kaamirooyinka wax sawira, bikaaca isha wuxuu shiishka saaraa iftiinka isha soo gala si argtida loo saxo. Sidoo kale bikaaca wuxuu sahlaa inaan aragno waxyaalaha noo dhaw iyo kuwa naga fog. Bikaaca wuxuu ka samaysan yahay biyo iyo maadada loo yaqaano borotiin. Borotiinku wuxuu ka qayb qaataa in bikaaca isha ahaado mid hufan oo shaqadiisa si sax ah u qaato iyo in iftiinku si fiican usoo dhaafo bikaaca. Balse mar kasta oo dadku sii waynaadaan waxaa ku bata indhahooda borotiinka ku urura bikaaca isha. Waxaas ayaana loo yaqaan caadka indhaha ama cataract.

Hadaba markasta oo borotiinkaas ku sii bato bikaaca isha waxaa yaraada araga qofka.

Aqoon buuxda looma lahan waxa sababa in bikaaca ishu isbadalo, iyo in caad uu fuulo bikaaca. Balse aqoonyahano sameeyay cilmi baaris dheeri ah ayaa sheegay inay jiraan qodobo ama waxyaalo siyaadiya caadka indhaha, marka laga soo tago gabowga. Qodobadaas waxaa ka mid ah;

  • Iftiinka qorraxda ama shucaaca ka dhasha qalabka casriga ah
  • Sonkorowga
  • Dhiig karka
  • Sigaar cabida
  • Qaadashada dawooyinka lagu daweeyo xayrta,
  • Caabuq ama infekshin horay ugu dhacay indhaha
  • Dhaawac soo gaara indhaha

Sidee looga hortagaa xaaladaan?

Guud ahaan majirto qaab la isku raacsan yahay oo looga hortagi karo caadka indhaha, balse waxaa jira waxyaalo yarayn kara caadka indhaha oo ay ka mid yihiin; fitamiin A, fitamin E, Vitamin C iyo saliida kalluunka khaas ahaan mida loo yaqaanno “omega-3 fatty acids”.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *