Sababaha Keena Cudurka Aragga Lumiya ee Gulukooma (Glaucoma) Iyo Sida Ugu Haboon Ee Looga Hortegi Karo

Gulukooma waa cudur ku dhaca indhaha oo keeni kara aragga oo luma. Dareemaha Iftiinka  waxay macluumaad muuqaal ah u diraan maskaxda, cadaadis saarma dareemaha iftiinka ee kuyaala xaga danbe ee isha ayaa dhaliya araga oo luma, cadaadiskaan ayaa marka hora ka yimaada dheecaan isha buuxiya taas oo waxyeeleysa aragtida dhinacyada oo ay ku xigto aragga xaga hore oo luma. Waxaa laga yaabaa in laga hortagi karo arag lumis oo dheeraad ah hadii waqti hore lala tacaalo .

Maxaa sababa Gulukooma

Xagga danbe ee isha waxaa si joogta ah loogu sameeyaa dheecaan cad, dheecaaankaan ayaa buuxiya geesaha isha iyo dhexdeeda  waxaa kor u kaca cadaadiska saran isha marka ay xiranto wadada ay uu mari lahaa dheecaankaan taas oo keeni karta in dareemaha iftiinka ee isha ay wax gaaran amaba dhaawacmaan.

Waxa dhabta ah ee ka danbeeyo sababaha cadaadiska keenaya lama oga ilaa hada. Si kastaba ha ahaatee, dhaqatiirta waxa ay baaraan qodoba dhowr ah oo ay ka mid yihiin

Astaamaha Gulukoomada

Gulukooma waxa ay leedahay noocyo kala duwan taas oo keenayso calaamado iyo astaama kala duwan. Waxaa jira laba nooc ee ugu weyn Gulukoomada

Gulukooma furan (open-angle glaucoma) badanaa ma laha calaamado ilaa marka heer sare gaarto mooyee. Si tartiib ah ayuu cadaadisku waxyeelo u gaarsiiyaa dareemaha iftiinka mudo dheer ka dib. Taasi waxay saameysaa labada indhoodba laakiin waxaa Laga yaabaa inaad marka hore calaamado ku aragtid Hal il.

Gulukooma xiran (angle glaucoma-xiro) waxay leedahay cadaadiska oo dhakhso sare u kaca iyo calaamado dhakhso u yimaada. Arag lumis oo joogto ah ayaa ku dhici kara maalin gudaheed sidaa daraadeed waxaa si weyn muhiim u ah inaad heshid daryeel caafimaad Isla markiiba.

Maadaama Gulukooma furan ayna lahayn wax calaamado iyo astaan ah marka laga reebo arag lumis tartiib tartiib ah, sidaa darted waxaa haboon in aad si joogta ah u sameysid baaritaan indhaha ah oo aad ula socoto wixii isbedel ah ee ku yimaada aragga. Calaamadaha qaar ee lagu arko Gulukooma waxaa ka mid ah

  • Xanuun indhaha oo daran
  • Isha oo gaduudata
  • Lallabbo
  • Aragga oo qasma
  • Aragti ceeryaamo

Sidee Looga Hortagi Karaa Gulukooma

Habka ugu fiican ee looga hortagi karo waxna looga qaban karo nooc kasta oo Gulukooma ah waa in daryeel caafimaad oo ku aadan indhaha aad si joogto oo sanadle ah u samayso. Ballan la dhigo dhaqtarka indhaha  si loo ogaado waxa iska badalay araggaaga iyo hadii uu dhawac soo gaaray indhahaaga.

Cuntooyinka ka hortagga gulukooma:

 Daraasad lagusamaysay wadanka Jarmalka ayaa caddaysay in caado ka dhigashada cuntooyinka caafimaadka u fiican, oo ay ka mid yihiin badarka noocyadiisa, khudradda noocyadeeda iyo kalluunku ay u fiican yihiin caafimaadka indhaha.

Daraasaddu waxa ay sheegtay in khudradda cagaaran, sida koostada iyo barakooliga, ay ku jiraan maaddooyin shabakadda aragga ka ilaaliya bukaanka iyo burburka, halka khudradaha ay ka mid yihiin, Kaabashka, kaarootada iyo baytaraafku ay u fiican yihiin in ay dejiyaan caabbiga gudaha ee isha, taasina ay xakamayso khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka Guluukoomadu (Glaucoma).

Dhinaca kalana waxa ay daraasaddu caddaysay in sigaar nuugistu ay khatar ku tahay caafimaadka aragga, maadaama oo uu dhaawac gaadhsiiyo dareenwadaha aragga, sidaas awgeed qof kasta oo balwadda sigaar nuugista leh waxaa la gudboon in uu sigaarka iska daayo, isaga oo u danaynaya caafimaadka indhihiisa.

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *