Khataraha Caafimaad Ee Ka Dhalan Kara Fadhiga Saacadaha Badan

fadhiga badan,

Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay ka digeen khatar caafimaad oo ka dhalan karta fadhiga saacadaha badan ah, kaas oo khatartaha uu keeni karo ay ka mid tahay asaasaqa (Dementia) oo ah maskaxda oo weyda ama hoos u dhacdo awooddeeda xasuuseed, fikir iyo hawlgudasho ee maalinlaha ahi.

Cilmibaadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro Maraykan ah ayaa muujisay, in qofka oo muddo dheer fadhiya isaga oo aan qaban hawl badan ama xarakaad badani ay keeni karto dhimasho degdeg ah.

Daraasaddan oo uu natiijadeeda faafiyey wargeyska ‘The Sun’ ee Ingiriisku waxa ay sheegtay qofka oo 10 saac fadhiya maalintii, in ay boqolkiiba 8 kor u kacdo khatarta ah in uu ku dhaco cudurka xusuusta dila ee asaasaqa (Dimentia).

Dhinaca kalana ururka xeeldheereyaasha caafimaadka Wadnaha ee Ingiriiska sheegay, dadka da’da shaqada ku jiraa, in ay celcelis ahaan maalintii fadhiyaan 9 iyo badh saac.

Daraasad kale oo uu hore u faafiyey Wargeyska MIND Journal; ayaa lagu sheegay in fadhiga saacadaha badan ahi uu keeno khataro caafimaad darro oo ay ka mid yihiin; Wadne xanuun, dhabar iyo raqabad xanuun, macaanka, xaaladda ah in dhiig ku guntamo xididdada hoose gaar ahaan lugaha (DVT), iyo wareegga dhexda (Caloosha iyo dhinacyada) oo xaydh dheeraad ahi ku ururto, sida oo kalana waxa ay kor u qaaddaa khatarta ah noocyo ka mid ah kansarka.

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *