Health

Waa Maxay Wallac Maxaase Loo Cuni Karaa?

Wallacu waa astaan muhiim ah oo lagu garto marka haweeneydu ay uur qaado. Wallaca waxaa lagu gartaa matag iyo lalabo. Maxaa keeni kara wallaca? Weli lama hayo sabab rasmi ah oo keenta wallaca balse waxay dhakhaatiirtu u malaynayaan inay keeni karaan: Noocyo homoonada ka mid ah oo jirka ku bata sida hormoonka estrogen-ka, hormoonka progestron-ka iyo hormoonka HCG-ga Sokorta dhiiga oo …

Read More »

Faa’iidada Caanaha Naaska Hooyadu U Leeyihiin Ilmaha

Caanaha naaska hooyadu waa quudka ugu horeeya ee uu dhadhamiyo marka uu aadamuhu u soo baxo ifka dunida aynu ku noolnahay guudkeeda, waxa Alle (SW) ugu manno sheegtay inuu ku hannuuniyay ilmaha yari inuu urriyo caanaha naaska hooyadii, hannuunkaasoo aynu ku arki karno indhaheena, waa haddii aynu doonayno in aynu wax ka ogaano. Sidoo kale, mucjisooyinka hannuunkaas waxa ka mid …

Read More »

Daawada Dabiiciga Ah ee Hergabka

Hergabka waxaa sababo fayras calaamadaha lagu gartana waxaa ka mid ah qandho, qufac, cune xanuun, qarqaryo, iyo cabur iyo san-xiran. Hegabka looma qaato antibiotic sababtoo aha waxaa keenaya ma ahan bakteeriya ee waa fayras. Daawooyinka hergabka loo qaato waa kuwo caawiya inay yareeyaan qufaca, ama inay qandhada jabiyaan ama inay joojiyaan hindhisada iyo cuncunka sanka. Hadaba waxaa jira waxyaabo dabiici …

Read More »

Dhareerka Caruurta Ee Siyaadada Ah

Waa Maxay Dhareerka Caruurta? Calyada waxay qabataa howlo lagama maarmaan ah. Waxay muhiim u tahay liqidda cuntada, Waxay caawisaa dheefshiida waxayna nadiifisaa afka waxay ka qayb qaataa korniinka.. Caadiyan caruurtu inta ay ka gaarayaan 4 sano ma koontarooli karaan dhareerka afkooda, waana arrin dabiici ah. Caruurtu way kala dhareer badnaan karaan. Sababaha dabiiciga ah ee keena dhareerka siyaadada ah: Soo …

Read More »

Cuntooyinka Ka Hortagga Wadne Qabadka Sida Aadka Ahna U Nadiifiya Xididdada Wadnaha

Wadne qabadku waa khatar caafimaad, dhimashada ugu badan ee aduunka waxaa sababa xanuunada ka dhasha wareegga dhiigga, wadne Qabadka wuxuu dhacaa markii xididka quudiya muruqa wadnaha uu xannibmo. Socodka dhiigga ayaa ka joogsada qayb wadnaha ka mid ah, Haddii aan isla markiiba la daaweyn, qaybtaan muruqa wadnuhu way dhimataa. Website ka healthycures ayaa waxa uu soo bandhigay cuntada caafimaadka leh …

Read More »

Qalliinka Dhalmada

qalliinka dhalmada

Waa Maxay qalliinka dhalmada (Cesarean Section) ? C- section Waa qalliin lagu sameeyo dumarka marka aysan suurtagal ahayn in cunuggu u soo maro xubinta taranka oo ay si caadi ah u dhalaan. Waxaa lagu sameeyaa hooyada si ilmaha looga saaro riximka ama minka. Qalliinkan meeqa ayuu kala baxaa? Qalliinkan waxaa loo kala qaadaa labo nooc oo kala ah: Mid qorshaysan: …

Read More »

10 Qodob Oo Kaa Yareyn Kara Xanuunka Foosha

xanuunka foosha

Halkaan ka baro 10 qodob oo ka yareynaya stress-ka iyo xanuunka foosha. Raadso “Doula” hadii aad heli karto: doula waa haweeney loo tabaray inay caawiso gabadha xiliga foosha iyo dhalitaanka. U sheeg waxa kasta oo aad dareemayso sida cabsi iwm. Hadii aadan haysan doula aqoon iyo khibrad leh waxa ay samaynayso, waxaad diyaarsan  kartaa qof ehelkaaga ama asxaabtaada ah oo …

Read More »

10-kaan Shay Weligaa Hala Isticmaalin Qof Kale

1- Burushka dawada ilkaha: dawada ilkaha burushkeda waxa ku hadha Jeermiska isticmaalaha burushka markaso hadi aad la isticmaashid qof kale waxaykuu keeni kartaa cudurka af xanunka iyo cirid xanuunka 2-Libista badanaba waxa u badanyihin in dumarka asxaabta ah ay wada isticmalan hal libis marka ay aroos ama meelkale ku deg degsanyihin balse marka qof kale libista marka qofku marsado waxa soo raaca …

Read More »

Waxyaabaha Keena Warwarka & Walaaca (Stress)

Bismilaah mahad oo dhan alle ayaa iska leh waxaan salaamaya dhaaman umadda soomaliyeed meel kastay joogan marka xigta waxan sigaar ahaaned usalaamaya intii magacayga iyo muuqayga garanaysa. Muddo badan ayan ku hawlana baadhitaano ku aadan dhanka wax ka ogaanshaha nafeed ee qof ka bili,aadam ka ah, maaha marki uhoreysay ee aan wax ka qoro aafadaha maskaxeed iyo nafeed ba ee …

Read More »

Caalamadaha Soo Bixidda Ilkaha Caruurta Iyo Daryeelka Ay U Baahan Yihiin

soo bixidda ilkaha caruurta

Gormee ayay ilmaha u bilowdaan in ilkuhu usoo baxaan? Korniinka iyo aasaaska ilkuhu waxay ilmaha u bilowdaan inta uu ku jiro uurka. Inta badan caruurta ilkaha ugu horreeya ee loo yaqaan “ilko-caanoodka” waxay usoo baxaan inta u dhexeysa 3 ilaa 7- bilood. Mar mar dhif ah waxaa la arkaa ilmo ku dhasha iyagoo leh hal ama labo ilig, qaar kale …

Read More »

Malabka Iyo Uurka

Hooyada uurka leh ma cabbi kartaa malabka? Haa, malabka waa la cabbi karaa xilliga uurka. Waxaa laga yabaa inaad maqashay in malabku uusan u fiicanayn ilmaha, waana run. Malabka waxaa ku jirta bakteeriyo jeermis u keeni karta ilmaha yaryar madaama calooshoodu aysan awood u lahayn inay iska difaacdo oo ay la dagaalanto bakteeriyadaas.  sidaas darteed dhakhaatiirtu waxay ku taliyaan in malabka …

Read More »

Tallaabooyin Qofka Ka Caawinaya Inuu Iska Ilaaliyo Dhiig-karka

Saynisyahanno Ingiriis ah ayaa ku guulaystay in ay soo ururiyaan tallaabooyin dhowr ah oo qofka ka caawinaya in uu yareeyo fursadaha uu ku heli karo cudurka dhiig-karku. Iyada oo sida la og yahay uu dhiig-karku fara baas ku hayo dunida, tirokoobyada u dambeeyeyna muujinayaan in saddexdii ruux ee kasta ee dunida ku nool uu mid ka mid ahi qabo cudurka …

Read More »

Fitamiin D Yaraanta Dumarka Soomaaliyeed

Fitamiin D waxa uu kaalin wayn ka ciyaaraa isku haynta xubnaha jirka iyo caafimaadka guud,  Helitaanka Vitamin D ku filan qofka waxuu ka caawiyaa koritaanka lafaha iyo ilkaha. Sidoo kale Fitamiin D-gu waxa uu xoojiyaa difaaca jirka. Fitamiin D  Yaraanta waxaa laga qaadaa cudurro dhowr ah sida: lafo jileec (osteomalacia) iyo lafo beel (osteoporosis). Isha ugu muhiimsan ee laga helo …

Read More »

Xaqiiqooyinka Cudurka Jadeecada (Measles)

Jadeecadu (Measles) waxa ay ka mid tahay cudurada ugu badan ee ubadkeena  haleela iyada oo ka mid ah cudurada sida dhibta yar la isku qaadsiiyo inta badana khubarada caafimaadku waalidka ka codsadaan in laga tallaalo marka ay ku dhacdana goobaha caafimaadka si dedgeg ah loo geeyo. Waa maxay Jadeecadu? Jadeecadu waa cudur lasocda qandho iyo finan kuwaas oo noqon kara halis. Waxaa …

Read More »

Hababka Ugu Wanaagsan Ee Dhaqdhaqaaqa Xiliga Foosha

Heerka Koobaad ee Foosha Heerka koobaad waa bilawga foosha waxana uu socdaa ilaa afka ilmogaleenku si buuxda u furmayo taasoo ah 10 sentimitir. Kani waa heerka foosha ee ugu dheer waxana uu socon karaa 12 ilaa 17 saacadood. Heerkan waxa loo kala qaybin karaa foosha hore, foosha firfircoon iyo kalaguurka. 1. Inta lagu jiro foosha hore, afka ilmo-galeenku waa uu …

Read More »