Muhiimadda Fitamiin C Iyo Calaamadaha Lagu Garto Hadduu Jirka Ku Yaraado

Fitamiin C waxaa kaloo loo yaqaannaa “Ascorbic Acid” waxa uu muhiim u yahay caafimaadka cirridka, ilkaha, maqaarka wuxuu jirka ku caawiyaa inuu cunnada ka nuugo birta iyo kalsiyaamta, wuxuu kaloo qeyb muhiim ka ciyaaraa raysashada ama boksoshada nabraha iyo isu keenidda maqaarka, markuu qofka ku yaraado waxa ugu horreeya ee lagu fahmo waa cirridka oo dhiigo wuxuuna keenaa xanuunka yiridka.

Fitamiin C waa sunsaare ka hortagga cudurrada kansarka iyo wadne xanuunka, waxa u dib u dhigaa soo shaac bixidda calaamadaha duqnimada, waxaan uu yareeyaa heerka stress-ka.

Cuntooyinka qaniga ku ah vitamin C waxaa ka mid ah liin macaanta, liin bambeelmada, qaraha, babaayga, farowlaha, barbarooniga cas, broccoli-ga, mooska, tufaaxa iyo cananaaska.

Dadka aanan cunin cunto fiican ama isticmaalo dawooyinka qaar, waxay halis ugu jiraan inuu ku yaraado fitamiin C, sidoo kale waxaa halis ugu jira dadka sigaarka cabbo, kuwa khamriga cabbo, dadka qabo cillada baqdinta in cunnada lagu cayilo (anorexia), kilyo dhaqidda iyo xaaladaha daran ee nafsiga ah.

Calaamadaha fitamiin C yarida:

Kor qallayl:

Epidermis waa dahaarka ugu korreeya ee maqaarka, waxaa ku jira vitamin C badan kaas oo maqaarka ka ilaaliya waxyeellada ay maqaarka gaarsiiyaan fallaaraha cadceeda iyo hawada wasakhaysan. vitamin C wuxuu kaloo ka qayb qaataa soo saarista maadada collagen, sirta quruxda maqaarka in badan waxa ay ku xiran tahay qofka inuu kobcisto maaddadaan, waxay xoojisaa maqaarka, waxayna daahisaa soo shaac bixidda calaamadaha gabowga.

Cirridka oo dhiigo:

Cirridka oo guduuta, barara, islamarkaana dhiigo waa astaan kale oo lagu garto fitamiin C yarida, Fitamiin oo jirka ku yaraada waxay sababtaa in xididada dhiigga ee cirridka ay daciifaan iyo inay balbalaan taas oo keenta in cirridku dhiigo taas ugu dambeyn horseedi kartaa cafimaad darro soo wajahda cirridka iyo in ilkuhu ay dhaataan.

Xanuunka kalagoysyada:

Daraasado la sameeyay ayaa bararka iyo xanuunka kala goysyada la xiriiriyay vitamin C yarida, taas oo keenta in qofka ay ku adkaato inuu socdo.

Daal badan:

Daalka badan ee aan tageynin xittaa haddii aad nasato, waa mid ka mid ah astaamaha digniinta ah ee fitamiin C la’aanta.

Dhiig yarida:

Fitamiin C oo jirka ku yaraada waxay keeni kartaa in birtu ay jirka ku yaraato. Fitamiin C waxa uu caawiyaa in jirkuu uu cunnada ka nuugo birta, haddii fitamiinkani uu jirka ku yaraado waxaa adkaanaysa in jirku uu nuugo iron-ta.

Difaaca jirka oo daciifa:

Difaaca jirkaaga wuxuu u baahan yahay fitamin C si uu si fiican u shaqeeyo. Fitamiinkan oo jirka ku yaraada waxay hoos u dhigtaa awoodda difaaca jirka taas oo sababta inuu qofka u nuglaado infekshannada, Jirka wuxuu u baahan yahay inuu helo fitamiin C ku filan si uu ula dagaallamo infekshannada una dilo jeermisyada cudurrada sababa. Xanuunnada difaac yarida ka dhasho waxaa ka mid ah hargabka iyo ifilada.

Lafaha oo jilca:

Daraasado kala duwan oo la sameeyay ayaa muujiyay in fitamiin yarida ay kordhiso halista lafo burburka. vitamin C waxa uu caawiyaa in jirka uu nuugo macdanta kalsiyaamta oo lagama maarmaan u ah caafimaad qabka lafaha.

Nabraha oo aan si fudud ku bogsan

Dhaawacyada oo aan si fudud u bogsan waa mid ka mid ah calaamadaha ugu horreeya ee lagu garto fitamiin C yarida. Fitamiinka oo jirka ku yaraada waxay hoos u dhigtaa samaysanka barootiinka collegen, waxay adkaysaa bogsashada boogaha iyo dhaawacyada.

Waxay raggu u baahan yihiin 90 mg oo fitamiin C ah maalin kasta halka dumarkuna ay u baahan yihiin 75 mg fitamiin C ah maalin walba.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *