Xanuunnada Ka Dhalan Kara Dharagta Xad Dhaafka Ah

Dharagta xad dhaafka ah waa arin khatarteeda leh, halisna gelin karta noloshaada. Dadka la nool cilladaan waxey had iyo jeer ay si qarsoon ugu dhuuntaan cunnada ayagoo si xad dhaaf ah isu dherjiya. Marka ay is dherjiyaan waxey isku dayaan iney is matajiyaan mararka qaar. Dadka qaar waxaaa suurta gal ah iney joogta ka dhigtaan iney is hunqaaciyaan ama ay dharagta kedib sameeyaan jimicsi xad dhaaf ah.

Dharagta xad dhaafka ah waxaa loo qeybiyaa laba qeybood oo kala ah:

  • Purging bulimia: Dheregta kedib in la is matajiyo iyo in lagu xad gudbo dawooyinka jilciya saxarada.
  • Nonpurging bulimia: In qofku isticmaalo qaabab kale si uu uga hortago inuu cayilo, sida in uu maalma badan soomo, cunto khaas ah ku taxnaado ama jimicsi xad dhaaf ah.

Hasa yeeshee dabeecadahaan waa kuwo mararka qaar isdaboolaya, isku dayga ah in la saaro energiga cunnada ayaa noqon kara qaabab kala duwan

Hadii aad la nooshahay cillada dharagta xad dhaafka ah waxaa suurta gal ah inaad ku mashquulsan tahay miisaankaaga iyo qaab dhismeedkaaga. Waxaa laga yaabaa inaad si adag isu cambaareysid, sababtoo ah cilladaan waa mid la xiriirta sawirka qofku uu iska haysto.

Waa maxay astaamaha cillada dharagta xad dhaafka ah?

  • Inaad ku mashquulsan tahay qaab dhismeedkaaga iyo miisaankaaga
  • Inaad mar walbo ka baqdid inaad cunnada ku cayishid
  • Inaad aaminsan tahay inaadan xakameyn karin dabeecadahaaga cunneynta
  • Inaad wadid cunnada ilaa aad ka dareentid raaxa la’aan
  • Inaad is qadisid mararka qaar si aad hal waqti wax siyaada ah u cuntid
  • Inaad ku fakertid ama ku dhaqaadid inaad ismatajisid, ama aad sameysid jimicsi xad dhaaf ah
  • Inaad ku xadgudubtid isticmaalka waxyaalaha jilciya saxarada
  • Inaad isticmaashid dawooyinga ama kaalmaatiga la isku caateeyo

Maxaa sababi karo cillada noocaan ah?

Waxa sababa cilladaan lama garanayo. Waxaase jira arimo dhowr ah oo ka qeyb qaadan karo cillaadan waxaana ka mid ah:

  • Dumarka ayaa u badan marka lala barbardhigo ragga
  • Da’da. Cilladaan waxey soo ifbaxdaa qofka marka uu dhalinyaro yahay
  • Dadka la ah qaraaba dhaw dad la nool cilladaha cunnada
  • Arrimaha nafsiga ama shucuuriga ah. Dadka walwalsan ama niyad jabsan
  • Cadaadiska kaaga yimaada facaaga

Khataraha la xiriirta

Cilladaha dharagta xad dhaafka ah waxey sababi karaan xaalado badan oo halis ah, naftana khatar gelin kara, waxaa ka mid ah:

  • Fuuqbax, oo ah arin horseedi karto dhibaatooyin caafimaad
  • Dhibaatooyinka wadnaha, sida garaaca wadnaha oo khaldama
  • Bololka ilkaha
  • Dhibaatooyinka dheefshiidka, sida ku tiirsanaanta waxyaabaha saxardaa jilciya
  • Dumarka, caadada oon imaanin ama isku dhexyaacda
  • Walwal iyo niyad jab

Caawinta qof la nool cillada dharagta xad dhaafka ah

Hadii aad isleedahay qof aad isu dhow dihiin inuu qabo xaaladaan, waa muhiim inaad kala hadashid adigoo ay daacad kaa tahay. Waxaa xaqiiqa ah inaan qof lagu qasbi karin wax uusan rabin laakin waxaad u sameyn kartaa la talin iyo caawimaad.

Maadaama dadka la nool cilladaan ay inta badan miisaankoodu caadi yahay ama wax yar ay cayilan yihiin, waxaa laga yaabaa ineysan u muuqan iney wax ka qaldan yihiin. Waxyaabaha aad ku garan kartid waxaa kamid ah:

  • Waxey inta badan ka walwalayaan iney cayilan yihiin
  • Iney muuqaalkooda ka haystaan fikir aan sax aheyn
  • Marar badan iney cunaan cunno aad ubadan, khaas ahaan cunnooyinka ay dadka qaar ka wareegaan
  • Ineysan jecleyn in meelaha caamka ah ay wax ku cunaan
  • Iney aadaan suuliga wax yar un kedib marka ay cunteeyaan
  • Iney isku dayaan jimicsi xad dhaaf ah
  • Ilkooda iyo ciridkooga oo dhaawac ka muuqada

W/Q: Ibrahim Mohamed

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *