Astaamaha Balwada Cuntada Iyo Dhibaatooyinka Ka Dhalan Karo!

U

Balwada cuntada waa balwad sax ah oo jirta, waxayna la mid tahay balwadaha daroogada iyo dhamaan maandooriyaasha kale, dadka qaba xaaladaan waxay dareemaan dareen ah iney khasab wax ku cunaan, dareenkaan oo imaada xili aan qofka gaajo hayn.

balwadaan waxay la soo daristaa dadka qaba dhibaatooyin xaga cunnada, sida Anorexia, in kastoo dadka qaar ay mararka qaar si xad dhaaf ah wax u cunaan, dadka qaba balwada cuntada waxay qabaan rabitaan cuno oo joogta ah, waana arin ay ku qabaan dhib xakameynteeda.

Maxaa sababa

cuntada, sida dawooyinka ama khamriga waxay kicisaa soo daynta Dobamin, oo ah kiimico ay masxada soo dayso markasta oo ay maskaxdu dareento farxad, marka la cunteeyo maskaxda waxay soo daysaa Dobamin taasoo ka dhigaysa in cunada iyo farxada ay xiriir ka dhexeeyaan, dadka qaba balwada cuntada marka ay cunteeyaan waxay dareemaan farxad, in kastoo jirka uusan ubaahnayn cunada.

Daraasad lagu sameeyay ayaa lagu ogaaday in balwadda cuntada ay isbadal ku sameyso falgalka masxada, isbedalkani waa mid u dhigma midka ka samaysma balwada maandooriyaasha ama dawooyinka.

qofka leh balwada wuxuu markasta rabaa inuu dareemo farxada la xiriirta cunitaanka ayadoo aysan jirin gaajo ku qasabta inuu wax cuno, dhanka kale waxaa sababi kara balwadaan cunida cuntooyinka aan u wanaagsaneen caafimaadka, sida dufinta badan, cusbada badan, ama sonkorta badan, waxay badiyaan fursadaha qofka uu kula qabsan karo cuntada.

Waa maxay astaamaha balwada cuntada?

inta badan balwadaan ma ahan mid si fudud lagu aqoonsan karo, sababtoo ah anagoo dhan waxaan ubaahan nahay inaan cunteyno, sidaa darteed waxaa adag sida lagu ogaan karo qofka la qabsaday cunida badan iyo qofka caadiga ku ah cuntada. Laakin dadka qaba balwada cuntada waxay qabaan astaama kale oo gaar ah, sida murugada, ka dhargida cuntada markasta, iyo iney isku dayaan iney qariyaan dabeecadahooda cunno, waxaa kaloo ka mid ah

  • Rabista cunada oo joogta aha: sida maxay cunayaan, imisay cunayaan iyo sidey kuheli karaan cuno badan
  • Ka dhergid xad dhaaf ah xiliga la cunteeyo
  • Cunida cuntooyinka fudud oo joog ah sida Sambuuska iyo macmacaanka
  • Cunida habeenki saqdhexe
  • Iney ka qariyaan dabeecada hooda cunto saaxiibadood
  • Rabidda iney cunteeyaan ayagoo dharagsan
  • Cunida iyo baashaalka oo la isla xiriiriyo sida, daawashada TV, ama ku hadlida mobeelka
  • Isku day fashilma markasta oo ay isku dayaan iney xakameeyaan rabida cunta or dharagta xad dhaafka ah

in kastoo balwadda cuntada aysan ahayn mid halis ah, hadana waxay si tartiib tartiib ah u horseedi kartaa qofka inuu noqda mid cayilan taasoo dhalin karta khataro caafimaad iyo xaalado maskaxeed.

Waa maxay dhibaatooyinka balwada cuntada

natiijada balwadda cuntada waxay noqon kartaa mid halis ah hadii aan qofka laga daweyn, khataraha ka dhalan kara waxaa ka mid ah in uu qofka la dhibtoodo cayilka, iyo nafaqa xumo.

cayilka iyo nafaqa xumada waxay horseedi karaan cudurada wadnaha, sonkorowga nooca 2aad, iyo dhibaatooyin xaga dheefshiidka ah sida calool istaag.

Qofka qaba balwada cuntada hadii uu isa soo matajiyo markasta uu cunteeyo, waxay dhaawici kartaa hunguriga, waxay kaloo sababi kartaa fuuqbax iyo bololka ilkaha.

Dadka qaba balwada cuntada waxaa laga yabaa iney is fahmi waayaan lamaanahooda, oo ay markasta farxada lamaanahooda ay ka doorbidaan farxada ay kahelaan cunada, sidaa darteed dhibaatooyinka ka dhalan kara balwada cuntada waxay ka koobantahay mid jireed oo ah caafimaad daro ah iyo mid maskaxiyeed, waxay kaloo saameeyn ku yeelan kartaa dhaqaalaha qofka waa hadii balwada aytahay mid daran.

Sidee loo daweeyaa balwada cuntada

balwada cuntada waxaa loo daweeyaa sida loo daweeyo balwadaha kale, bahda caafimaadka waxay aamin sanyihiim, in maskxda la qabsata cuntada ay u shaqeyso si lamid ah sida balwadaha kale, ayadoon la tix gelineen waxay ay maskxdu la qabsatay.

Waxaa muhiim ah in labadelo dabeecadaha la qabsiga cuntada ayadoo laga taxa daraayo damaca uu qabo qofku.

Cognitive Behavioral Therapy (CBT)

Dadka qaba balwada waxaa qasab ah iney bartaan sida ay u maareyn karaan waxyaabaha kicinaya damaca ah inay wax cunaan, CBT waxay diirada saareysaa in qofka laga caawiyo sida uu ku garawsan lahaa sida wanaagsan ay u maareynkaraan damaca cunada si joogta ah, waxay kaloo CBT baraysaa sida ay uga hortagi lahaayeen waxyaabaha ufududeeya iney damcaan cuntada.

Saykotharabi (Pyschotherapy)

inta badan dadka qaba balwada cuntada waxaa ku kalifa dareeno kale, sida iney cuntada kaga gaashaantaan arima kale oo xal ka sugaaya oo aysan rabin iney ka fakaraan amaba ay xaliyaan, sidaa darteen waxay u cunteeyaan si ay isku dhaafiyaan dareen kaas.

Akhriso: Saameynta Ay Leedahay Dharagta Xad Dhaafka Ah!

Talo:

dadka qaba balwada waxaa laga rabaa iney is baraan dabeecado u qalma damaca cuntada ee dabiiciga ah, waxaa kaloo qasab ku ah iney ucunteeyaan si ay gaajada udeyso, oo aysan ucunteyn si ay isku dhaafiyaan dareeno ama walwal, sababtoo ah qofka waxaa dhib ku ah inuu iska joojiyo balwadaan oo ay sababtu tahay cunada waa shey aan la iska goyn karin.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *