Fuuq Baxa: Astaamihiisa, Sababaha Keeno Iyo Sida Looga Hortago

Fuuq baxa (dehydration) waa xaalad timaada marka uu jirkaaga lumiyo in ka badan xaddiga dareere ee aad qadatay. Sida ugu badan oo uu jirkaaag ku lumiya dareeraha waxaa ka mid ah dhidid xad dhaaf ah. Qofka caadiga ah waxa uu u baahan yahay in ku dhow 3 litir oo biyo ah maalintii .Inkastoo qofka  dhaqdhaqaaqiisa badan yahay iyo dadka ka shaqeeya goobaha heer kulkooda saareeyo ay u baahanayaan in ka badan intaas.

Marka jirka uu lumiyo biyo fara badan ,unugyada iyo xubanah jirka waxay kagabaan shaqadoda taas oo keenaysa inay xaalad caafimaad qofka lasoo daristo.

Waa Maxay Astaamaha Fuuqbaxa?

Dadka qaar waxay u nugul yihiin fuuq baxa sida :

  • Dadka ka shaqeeya meelaha heer kulkooda sareeya
  • Qofka xanuun la iil daran
  • Dadka dagan meel dhulka ka sareyso
  • Carurta iyo dhalaanka

Fuuqbaxa inkasta uu yahay xaalad ka dhalata jirka oo lumiyay dareere ka badan inta qofka uu qadanayo, ama xaalad faragelin ku sameysa habsamida xakameynta dareeraha jirka.

Astaamaha qaar ee fuuqbaxa waxaa ka mid ah:

  • Hurdo badan
  • Afka oo qalala
  • Haraad badan
  • Kaadida oo yaraata
  • Maqarka oo qalala
  • Wareer
  • Madax xanuun
  • Qandho
  • Dhididka oo yarada
  • Shuban badan
  • Calool istaag

Maxaa Sababa Fuuq baxa?

  • Gubasho
  • Hawad kulul ama in aad goob her kulkeeda dareeyo in aad waqti joogto
  • Xalad xanuunada qaar sida sokorowga
  • Jimicsiga jirka oo keena dhidid fara badan
  • Dawooyinka qaar sida ku wa dhiig-karka.
  • Dhiig bixid
  • Matag, hunqaaco iyo shuban.

Sidee Looga Hortagi Karaa Fuuqbax?

Hadii aad jirantahay badi biyo cabidaada, gaar ahaan hadii aad hunqaacayso amaba shubmayso si joogta ah, hadii aadan ceshan karin dareeraha la xariir dhaqatarkaaga.

  • Hadii aad jimicsatid amaba aad ciyaarto ha ilaawin intaadan bilaawin inaad cabto 1 ilaa 3 galaas oo biyo ah.
  • Ku dhiira geli caruurta inaya cabaan biyo ku filan
  • Iska ilaali/amaba ka fogoow  huurka iyo heerkulka sare
  • Hadaad ku aragta astaamaha fuuqbaxa qof ay hayso amaba aad adiga is ka dareemto ha ilaawin inaad si dhaqsa ah biyo ku cabto amaba aad qofkaas la gaarto biyo.

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *