Maxaa Ka Dhalan Kara Moobilka Oo Markasta Hoos Loo Fiiriyo?

Teknolojiyada waxay noqotay mid cajiib ah oo hadana cabsi badan. Daraasad ayaa tilmaameysa halka uu gaarsiisan yahay dhibka uu jirkeena u leeyahay in maalinti oo dhan la fadhiyo. In kastoo ay shaqada teleefonka ay ahayd mid wicitaan un loogu tala galay, xiliga aan joogno waa la casriyeeyay oo waxaa loo badan telefono caaqil ah ama kambuyuutaro yar, kuwaas oo si dhekhsa ah nagu xiriiriyada wax kasta oo aan jeclaano.

Madaxa dadka waa mid hoos ujeeda oo indhaha ku haya labtob ama telefonada caaqilka ah. Dadka waxay sii luminayaan awooda ay ku wadi karaa wada hadal iyo iney fiiro gaar ah u yeeshaan wax kale.

Ma ogtahay in aad hoos u fiirisid aaladaada ay ka dhigan tahay sida in canug 7 jir ah uu madax kaaga fadhiyo adigoo istaagsan.?

Marka aad qoraysid fariin ama aad ka jawaabeysid email, ma ogtahay inaad u dulqaadaneysid 20 kiilo oo cadaadis ah.

Si aad u ilaalisid joog wanaagsan, waa in dhagahaaga ay la siman yihiin garba haaga. Sidaan waxay hoos u dhigeysaa cadaadiska jirkaa xitaa iney hoos udhigto hormoonka kortisol. Hasa yeeshee joog xun wuxuu cadaadis saarayaa laf dhabarka, taas oo dhameyn karata murqaha iyo kala goys yada dhabarka.

Xalka ugu fudud waa in aad meel ku tuurtid mobeelka, laakin maadaama aysan taa macquul ahayn, waxaad isku dayi kartaa inaad mobeelka hortaada keentid, yacni heer ku aadan indhahaaga, inta aad qoorta soo laabi lahayd.

Sidoo kale waxaa arintaan ay taabaneysaa isticmaalka labtobka iyo alaadaha kala duwan ee aan isticmaalno maalin kasta.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *