Maadada Caffeine-ta Oo La Iska Badiyo Waxaa Ka Dhalan Kara….

Kafeega waxaa ku jira maada la yiraahdo caffeine oo kicisa ah lagana helo cunnooyin badan iyo cabitaano. Waxaa inta badan loo isticmaalaa sidi qofka uu usoo jeedi lahaa. Maadada caffeine waa dawo laga helo cabitaano badan.

Inta loogu tala galay in aan maalinti la dhaafsiin waa 400 mg, waxaa dhici kara ka badinta caffeine hadii qofku uu ka cabo caffeine tira badan. In kastoo dadka ay ku kala duwan yihiin xadka uu jirku ka isticmaali karo maadadaan, ayaa waxey ka dhigeysa arin adag sida loo ogaan lahaa xadka saxda ah ee aan la dhaafsiin marka la cunaya ama la cabayo cunna ay ku jirto maadada caffeine.

Hadii la iska badiyo maadada caffeine, waxey noqon kartaa arin halis ku ah nolosha qofka, hasa yeeshe dadka inta badan waxey dareemaan astaamo aan farxad gelineyn. Astaamaha ayaa ah kuwo iska taga marka jirka laga saaro maadada caffeine ka ah.

Sababaha iyo halista in la iska badiyo caffeine

Caffeine la iska badiyo waxey dhacdaa marka qofku uu cuno ama ka cabo cabir xad dhaaf ah, dadka qaar Ayaan dhib ku qabin iney cabaan cabir xad dhaaf ah. Arintaan ayaa ah arin aan fiicneyn maadaama caffeine badan uu sababi karo xaalado caafimaad, sida garaaca wadnaha oo khalkhala iyo qallal.

Hadii aadan inta badan cunin ama cabin wax uu ku jiro caffeine, jirkaaga wuxuu noqon karaa mid unugul astaamaha caffeine, sidaa darteed waxaan kugula talineynaa inaadan cunin ama cabin wax ka kooban maadada caffeine, ama inaad joojisid cabiddiisa mar hadii aad dareentid astaama aadan ku dareemin raaxo sida wadna garaac badan.

Astaamah la arko marka la iska badiyo caffeine

Waxaa la dareemi karaa astaama kala duwan marka qofka ay soo wajahdo xaaladaan, waxaana ka mid ah:

Astaamaha kale ayaa ah kuwo khatar ah, hadii aad dareentid horay usii tag xaruun caafimaad, astaamahaas waxaa ka mid ah:

  • Neefsashada oo aad ku dhibtootid
  • Matag
  • Muuqaal dhalanteed
  • Wareer
  • Xabad xanuun
  • Dhaqdhaqaaqa murqaha oo aadan xakameyn karin
  • Qallal

Caruurta ayey xaaladaan u gudbi kartaa hadii hooyada naaska nuujineysa ayaa cabto kafeey badan, sababtoo ah maadadaan waa mid caruurta usii mari karta caanaha naaska, astaamaha ay caruurta dareemaan waxaa ka mid ah hunqaaco iyo murqaha oo adkaada ama fidsama xiliyada qaar.

Sida loo daweeyo

Daweynta waxaa looga gol leeyahay in jirka laga saaro maadada caffeineka ayadoo la maareynayo astaamaha ay wataan, waxaa dadka la siiyaa wax la yiraahdo activated charcoal si looga hortago in caffeine siyaada ah ay sii gasho gudaha dheef shiidka.

Hadii qofku jirkiisu uu horay wax badan oo caffeine ah ugu jireen waxaa la siiyaa walxaha sahla saxarada ama lagu dhaqo caloosha oo loo yaqaano gastric lavage.

Ka soo kabsashada

Iska badinta caffeine ayaa inta badan ah arin la daweyn karo ayadoo aanan wadanin saameyn caafimaad oo waqti dheer qaadata, hasa yeeshee arintaan ayaa ah mid kaga sii dari karta hadii qofku uu u qabay qaar kamid ah xaaladaha caafimaadka.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *