Xaaladda Wareerka Ee Loo Yaqaano Vertigo

Wareerka vertigo waa midka mid ah cabashada ugu badan ee loo soo gudbiyo xaruumaha caafimaadka. Xaaladaan waa dareen ah qofku inuu dareemo in hareerihiisa uu dhaqdhaqaaqayo isaguna taagan yahay ayadoo aysan jirkin wax dhaqdhaqaaq ah, bukaanada waxey inta badan ku macneeyaan dareen wareer wato.

Maxaa sababo xaaladaan wareerka

Waxaa jiro laba qeyb oo xaaladaan ah, waxeyna kala yihiin. Peripheral vertigo oo ah marka ay cillada ka jirto gudaha dhegta ama dareemaha loo yaqaano vestibular nerve, waa neerfaha isku xira gudaha dhegta iyo maskaxda.

Central vertigo waxey dhacdaa marka uu dhib ka dhaco gudaha maskaxda, gaar ahaan qeybta loo yaqaano cerebellum. Qeybta cerebellum waa qeybta maamusha isuduwidda dhaqdhaqaaqa iyo balansiga qofka.

Kudhawaad 93 boqolkiiba waxaa xaalada sababo peripheral verigo oo ka dhalata.

  • Benign paroxysmal positional vertigo. BPPV waa wareer ka dhasha bedelka booska madaxa, waxaana sababa maadada la yiraahdo calcium crystals oo dhax sabeeysa kanaalka semicircular oo ku yaalo gudaha dhegta
  • Miniere’s disease. Waa cillad ka dhacda gudaha dhegta, waxeyna saameysaa isuduwida iyo maqalka
  • Acute peripheral vestibulopathy. APV waa caabuq ku dhaca gudaha dhegta oo isla marki sababa wareerkaan
  • Waxaa yaabaha dhifka ah ee sababa weaxaa ka mid ah perilymphatic fistula, cholesteatoma erosion iyo otoscelerosis

Waxyaabaha sababi kara central vertigo waxaa ka mid ah

  • Faalug
  • Buro ka soo baxda qeybta la yiraahdo cerebellum ee maskaxda
  • Goonjab

Astamaaha wareerka vertigo

Calaamadaha digniinta ah

Calaamadahaan waxey wadan karaan dhibaatooyin halis ah

  • Vertigo oo si kama ah ku timaada ayadoo wax isbedel ah uu san qaabka istaaga qofka ku sameyn
  • Vertigo wadata astaamaha maskaxda sida dhaqdhaqaaqa murqaha oo aan laisu duwi karin
  • Vertigo lala xiriiriyo dhagabeel

Dhibaatooyinka lala xiriiriyo xaaladaan

Waxyaabaha siyaadiyo halista waxaa ka mid ah

  • Xanuunada ku dhaca wadnaha, gaar ahaan kuwa ku dhaca dadka da’da ah
  • Infekshan ku dhacay dhegta dhawaanahaan
  • Taariikh hore oo ah dhaacwac maskaxda soo gaaray
  • Dawooyinka qaar sida kuwa loo isticmaalo walwalka iyo waalida

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *