Xaddiga Sonkorta Laga Qaadan Kara Maalintii Iyo Waxa Ka Dhalan Kara Haddii Aad Loo Badsado

Sonkortu waa mid ka mid ah ilaha uu qofku ka helo tamarta, laakiin badsashadeedu waa albaabka cudurrada khatarta ah oo dhan, sida ugu haboonina waa in la iska daayo isticmaalkeeda, gaar ahaan marka uu miisaanka qofku ka weyn yahay inta loo ogolyahay caafimaad ahaan.

Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, sanduuqa caalamiga ah ee cilmibaadhisaha Kansarka, mac-hadka Maraykanka ee daraasaadka Kansarku iyo xarumo iyo xeeldheereyaal kala duwan oo caafimaad ayaa ku taliyey in xaddiga ugu badan ee sonkorta uu qofku maalintii isticmaalayaa ay noqto 25 giraam, taas oo u dhiganta 5 – 6 maqladaha yaryar ee shaaha ah. Waxa kale oo ay ka digeen isticmaalka cabitaananda sonkortu ku samaysantahay, sida sharaabka soodhaha leh iwm.

Sonkortu waxay xidhiidh la leedahay Xanuunnada ay ka mid yihiiin; xiiqda, macaanka, miisaanka badan, wadne xanuunka, xaaladaha nafsiga ah, macaanka, dhiigkarka, wadne istaagga, dhiigfuranka maskaxda / faaligga, xiiqda, suuska Ilkaha, iyo sida oo kale toddoba nooc oo ka mid ah Kansarka, sida Kansarka naaska, kansarka qanjidhka ragga ee Prostate ka iyo kansarka ganaca.

Kamaal Marjaan

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *