Health

Qiimaha Caafimaad Ee Midhaha Sabiibka & Xanuunada Uu Jidhka Ka Caabbiyo

midhaha sabiibka

Sabiibku waa midhaha geedka cinabka oo la qallajiyay, waxa uu yeeshaa mid dahabi ah ama midab madow ah. Sabiibka waxaa laga helaa nafaqooyin kala duwan sida barootiin, faytamiinno, macdano iyo gan. Sabiibku waa midho jidhka u leh faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin, hadaba qormadan waxaan ku bidhaaminaynaa qaar ka mid ah faaidooyinkaas. Caafimaadka wadnaha: Sida ay cilmi …

Read More »

Faa’idada Barida Idaha Iyo Cudurada Lagu Daweeyo

barida adhiga,

Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah: Gooryaanka iyo bakteeriyada caloosha. Hargabka iyo ifilada. Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka. Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka. Xanuunka shoqosha ama idiinyada. Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno “Sciatica” Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda. Gaas …

Read More »

7 Qalad Oo Raggu Ay Sameeyaan Oo Khatar Ku Ah Caafimaadkooda!

caafimaad darro, raga

Raggu waxa ay sameeyaan qaladaad khatar ku ah caafimaadkooda oo ay ka mid tahay in aanay waqti u goynin ama go’aan ku dhiirasho oo dhab ah ku qaabilin waxyaabaha ay ogyihiin in uu caafimaadkooda wax ka tarayo. Tusaale ahaan ninku isaga oo doonaya in uu miisaanka iska rido, ayaa haddana aanu joojinayn cuntooyinka uu ogyahay in ay miisaanka kordhiyaan. Sida …

Read More »

CIRRADA TIMAHA: Sababaha Keena Iyo Hababka Looga Hortagi Karo!

Cirrada timaha, cirro,

Cirrada timaha: Waa hubaal in qof kasta oo noolaadaa uu filanayo in ay imanayso maalin uu madaxiisa cirro ku arkaa. Marar badan cirradaasi waxa ay ku timaaddaa gabowga, laakiin waxaa dhacda marar kale oo aanay wax xidhiidh ah la lahayn da’da qofka. MAXAA TIMAHA MIDABKOODA CADDEEYA (CIRRADA)? Dr. Jill Waibel oo ku xeeldheer cudurrada maqaarka ku dhaca ayaa sheegtay in …

Read More »

Aqoon Uyeelo Cuntooyinka Caawiya Joojinta Sigaar Nuugista

In la iska daayo caadada sigaar nuugistu waxa ay u baahan tahay dadaal iyo maamulis dheeraad ah. Laakiin waxaa jira habab ay dadka u kuurgalay aaminsan yihiin in qofka ay ka caawinayso in uu joojiyo sigaarka. Qoraaga Veronica Muyijo ayaa maqaal ay dhowaan ku qortay wargeyska ‘Confederation’  ee ka soo abxa dalka Spain waxa ay ku xustay noocyo ka mid …

Read More »

Sababta Dumarka Loogu Booriyo Isticmaalka Huruuda Iyo Cudurrada Ay Daawada U Tahay

Huruuda waa geed daweed xambaarsan faa’idooyin aan la soo koobi Karin, waa mid ka mid ah geedaha ugu caansan ee loo adeegsado dawaynta iyo ka hortagga cudurro faro ba’an ku haya aduunka. Huruudu waxaa dhir cunnada lagu darsado oo aad looga isticmaalo wadanka Hindiya iyo dalal kale oo ku yaalla qaaradda Asia, iyadoo lagu carfiyo laguna midabeeyo cunnada. Waxaa huruuda …

Read More »

Caadooyin Qofka Ku Keeni Kara Caafimaad Darro Nafsi Ah, Xidhiidhkiisa Bulshana Burburiya

caafimaad nafsi

Waxaa jira aaminsanaan qaldan, anshax iyo hab-dhaqan aan habboonayn, qaab fikir oo aan sax ahayn iyo caadooyin haddaad qabatinto kugu keeni kara dhibaatooyin caafimaad oo nafsi ah iyo mushkilado bulsho. waxaan  maanta akhristayaasheenna la wadaagaynaa dabeecado iyo caadooyin shakhsi ah oo dad badani joogto u sameeyaan laakiin ay qasab tahay in dhaqso loo joojiyo, haddii kale u dhow in ay …

Read More »

Astaamaha Waa Wayn Ee Kuu Sheegaya Haddii Jirkaaga Ay Sun Ka Buuxdo

Nolosha dunidaan casriga ah waxa ay leedahay faa’idooyin iyo khasaarooyin wada socda. Sunta ayaynu khatar ugu jirnaa maalin kasta, wayna adag tahay in la iska ilaaliyo. Waxaa habboon in marmar la sameeyo qorshe sunsaaris ah. Qoraalkaan wuxuu kaa caawinayaa inaad ogaato caalamadaha kuu sheegaya hadii jirkaagu uu u baahan sun saaris. Suntu waxay la socotaa cunnooyinka aynu cunno, aaladaha elektaroonika …

Read More »

Daryeelka Wajiga Saliida Leh Iyo Waxyaabaha Ku Haboon

daryeelka wajiga saliida leh

Casharkani waxa  uu gaar u yahay gabadh kasta oo jidhkeedu saliid leeyahay, wajigeedu qoyo had iyo jeer, finan yar leh. Jidhkan saliid leh ee aan maanta ka hadlayno ayaa ah jidhka ugu dhibtada badan ee ay dumarku yeeshaan. jidhkan ayaa ah jidh had iyo jeer kadeedan, haddii daldaloolada wajigu xidhmaan qofku wuxuu isku arkaa finan waa wayn oo dheecaan leh. …

Read More »

KANSARKA BEERKA: Sababaha Keeno, Astaamihiisa & Dadka Halista U Ah

kansarka beerka,

Kansarka beerka waa kansar kasoo bilowda unugyada uu beerka ka sameysan yahay ee loo yaqaano hepatocyte. Beerka waa xubin ku yaala qeybta kore ee uurkujirta, wuxuu ka hooseeyaa muraqa kala bara xabadka iyo uurkujirta. Waxaa jira noocyo kala duwan oo kansar ah kuna dhaca beera. Nooca ugu badan ee dadka ku dhaca beerka waxaa la yiraahdaa Hepatocellular carcinoma, kansar kasoo …

Read More »

Faaidooyinta Timirta Caanaha Lagu Radiyo Iyo Qaabka Loo Isticmaalo

timirta caanaha

Timirtu waxa ay leedahay faa’idooyin badan waxayna caawisaa qaybo badan oo ka mid ah jirka aadamaha. Waa il wanaagsan oo laga helo maadooyinka loo yaqaanno “phenolics” iyo “carotenoids” oo ah walxo jirka kala dagaallama wixii sun ku ah. Waxaa kaloo timirta ka buuxo nafaqooyin ay ka mid yihiin xadiid, potassium, selenium, magnesium, copper, fitamiinnada B, fitamiin C, faybar, barootiin, oo ay …

Read More »

Caabuqa Fangaska Ee Faraha Dhexdooda Gala

Nabarada yaryar ee faraha dhexdooda mararka qaarkood ku samaysma ama dadka qaar aad isugu arkaan waa nooc ka mid ah caabuqa uu keeno Fungaska maqaarku waxa aanu ku tarmaa qoyaanka iyo daboolnaanta ama hawo la’aanta, taas oo ah sababta ay faraha luga dhexdooda ugu bataan. Fungaskan oo dad badan ku sameeya nabarro mararka qaarkood ur keenaa waxa uu u faafaa …

Read More »

Haddii Aad Da’da 40 Jir Gaadhay, Qaababkan U Ilaasho Quruxdaada & Midabka Dabiiciga Ah Ee Jidhkaaga

midabka jidhka, quruxda

Qofku marka uu gaadho da’da afartan jirka, gaar ahaan haweenka waxaa ku dhaca isbedello dhinaca abuurta ah oo wejiga u badan. Sababta ugu weynina waa hoos u dhaca heerka hormoonnada qofka ku imanaya. Raadadka ugu horreeya ee arrintani keentana waxaa ka mid ah midabka dabiiciga ah oo isbeddel ku yimaaddo. Shabakadda ‘Step to Health’ oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa …

Read More »

Cillada U Dulqaadasho La’aanta Laktoos (Lactose Intolerance)

cilada caanaha

U dulqaadasho la’aanta laktoos (lactose intolerance) waa cillad ku dhacda dheefshiidka taas oo timaada marka calooshu ay burburin kari weydo sonkorta “lactose” ee ku jirta caanaha.   Dadka qaba cilladan waxaa jirkooda ka maqan dheecaanka “lactase” kaas oo mila sonkorta “lactose” ee caanaha ku jirta si jirku tamar ahaan uga faa’idaysto. Markasta oo qofka uu sii weynaado, dheecaankani hoos ayuu u dhacaa, …

Read More »