Maxaa Sababo Kaadida Oo Ku Gubta Ama Ku Xanuujiso, Sidee Se Loola Tacaalaa?

Kaadida xanuunka badan ama gubta bukaanka siiba marka uu qofku kaadinayo, waa calaamad lagu garto infekshin ku dhaca habka kaadi mareenka qofka.

Dumarka ayaa ah kuwa ugu badan ee ay xaaladan lasoo daristo marka la bar bar dhigo ragga, balse taas micnaheedu maahan inaysan raggu dareemin xaaladan, ragga da’doodu wayn tahaay ayaa badanaa ka cabta xaaladan.

Maxaa sababa kaadida oo ku gubta ama ku xanuujiso?

Sidaan horay usoo sheegnayba kaadi xanuunku waa calaamad uu qofku dareemo marka uu kaadinayo, waxaana sababa infekshin ama caabuq ku dhaca kaadi mareenka qofka.

Infekshanka kaadi mareenka qofku waa xanuun dad badan ku dhaca, infekshanku wuxuu ka bilaaban karaa dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay habka kaadi mareenka qofku sida, kelyaha, tuubooyinka kaadida kasoo qaada kelyaha oo keena kaadi haysta, kaadi haysta iyo tuubada kaadida kasoo qaada kaadi mareenka ee keenta banaanka.

Jeermiska keena ama dhaliya infekshanka sababa kaadi xanuunka ayaa wuxuu jirka kasoo galaa tuubada kaadida kasoo qaada kaadi haysta ilaa banaanka. Jeermisku markuu jirka soo dhex galo wuxuu bilaabayaa inuu si tartiib ah ugu fido kaadi haysta iyo tuubada kaadida ka qaada kaadi haysta, kadibna wuxuu usii gudbaa kelyaha iyo tuubooyinka kaadida kasoo qaada kelyaha. Waana markaas marka qofku dareemo calaamadaha kaadi xanuunku kamid yahay.

Marka laga soo tago infekshanka waxaa kaloo jira waxyaalo kale oo sababi kara kaadi xanuunka ama kaadi gubashada. Waxaana kamid ah, dhaawac soo gaara hab-dhiska kaadi mareenka qofka, tuubada kaadida usoo saarta banaanka oo xirmata taasoo sababi karta xanuun aad u daran maadaama qofku uusan kaadin karin, qanjirka ragga oo waynaada ayaa asna sababi kara in kaadi mareenku xirmo ama yaraado taasoo ayana keeni karta xanuun siyaadaa, kaakaro kasoo baxda kaadi haysta ama meel kamid ah hab-dhiska kaadi mareenka ayaa ayana xanuun keeni karta, dhaawac soo gaara neerfayaasha ku teedsan kaadi mareenka ayaa ayana keeni kara in murqaha kuyaal afka kaadi haystu isku soo ururi waayaan isla markaasna kaadi haystu ma awoodayso inay u saarto kaadi badan taasoo xanuun iyo xanfaf u keeni karta bukaanka.

Astaamaha lagu garto infekshanka kaadi mareenka

Calaamadaha lagu garto caabuqa ama infekshanka kaadi mareenka waxaa kamid;

  • Qandho
  • Kaadida oo gubta ama xanuujisa bukaanka
  • Kaadida oo ay adag tahay in uu qofku ceshado waqti badan
  • Dheega ama dhinacyada ama wareega oo qofka xanuuna, siiba kelyaha agtooda
  • Kaadida oo yeelata ur qarmuun
  • Kaadida oo qofka qabanaysa in kabadan intii hore

Yaa u sahlan iney ka cawdaan xanuunkaan?

  • Dumarka ayaa ah kuwa ugu badan ee ay haleesho kaadi xanuunku
  • Dadka qaba cudurka sonkorta ayaa ayaguna khatar badan ugu jira
  • Dadka waawayn ama gaboobay
  • Ragga uu waynaado qanjirka ragga
  • Dumarka uurka leh
  • Dadka dhagxaantu uga jiraa kelyaha,
  • Bukaanada mar walba la galiyo tuubada ama caaga kaadida soo qaada marka qofku isbitaalka jiifo ama uusan si caadi ah u kaaji karin

Sidee baa looga hortaa kaadi xanuunka?

In lagu dadaalo nadaafada ayaa ah tillaabada ugu horeysa ee looga hortagi karo xanuunkaan, sidoo kale waxaa wanaagsan dumarka iney horay suuliga ka aadaan galmada kedib iyo in aysan la seexan habeenki kaadi hays buuxda. waxaa sidoo kale ah arrin wanaagsan inaan waqti badan kaadida la isku celinin.

Kaadi xanuun ka dhashay infekshan waxaa lagu daweeyaa qalajiyaal ayadoo laga fakaraayo waxa sababay.

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *