Astaamaha Qandhada, Sababaha Keena Iyo Sida Guriga Loogu Daryeelo

Qandho  waa heerkulka jirka oo kor uga kaca sida caadiga ah. Qandho kaligeed jiro ma aha. Caadi ahan qandhada waxay calaamad u tahay xaalad aan muuqan, badanaa infakshan ka jira jirka. Qandhada oo la ogaado  waxay sahli kartaa daaweynta iyo dabagal ku haboon calaamadaaha iyo astaanta tilmaamaya meesha uu dhibka ka jiro. Heerkulka jirka wuu is badalaa maalinta gudaheeda – subaxa  way ka sareysa galabta iyo habeenka.

Waa Maxay Astaanta Qandhada?

Waxaa aad dareemeysaa qandhada marka uu heerkulka jirkaaga ka sareeyo  sida caadiga ah, sida adiga caadiga kuu ah waxay ka duwanaan kartaa sida qofkale caadiga u ah amaba way ka sareyn kartaa 37 C.

Astaamaha qaar:

  • Dhidid badan
  • Madax xanuun
  • Qarqaryo
  • Fuuqbax
  • Tabardaro guud
  • Muruqa xanuun

Maxaa Sababa Qandhada?

Inkastoo ay qandhadu  ku xirintahay waxa sababaya, waxaa ka mid ah sabaha keena:

  • Noocyada kala duwan ee infekshanka sida hergabka .infekshan dhagta ama bronkaytis
  • Fayrus
  • Talaal cusub oo caruurta
  • Kansar
  • Dhiig xinjireyn
  • Daawooyinka qaar
  • Gubasho

Sidee Qandho Guriga Loogu Daryeeli  Karaa?

Qandhada oo lagu daryeelo guriga waxa ay ku xiran tahay sida ya u daran tahay.Qando aan wadan astaan kale caadi ahaan uma baahna daaweyn caafimaad biyo cabit iyo nasasho ayaa ku filan.

Markasto ha hilmaamin in aad ka war hayso heerkulka jirka  qaas ahaan markii ay jirto fuuq-bax ,hurdo la’aan ,matag amaba xanuun kale .

Talaabooyinka dareyeelka guriga ee Qandhada waxaa ka mid ah:

  • Hubi in heerkulka qolka qofka uu joogo in ay tahay cadi
  • Qubeyska badi
  • Badi cabida biyaha

Sidee Looga Hortagi Karaa Qandho?

Gacmaha oo la nadifiyo lagana ilaaliyo afka ,sanka iyo indhaha.iyadoo isla markasna laga taxadirnaado waxyaabaha infekshanka keeni kara anaba heerkulka jirka kor u qaadi kara.

Maxaa Ka Filanaysaa Dhaqtarka?

Waxaad la kulmi kartaa dhaqtarka caruurta ,dhaqtarka guud ama ba dhaqtarkaaga qaaska.

Marka aad la kumayso dhaqtarka waxaad ka filan kartaa Su’aala haan oo kale waxaa u fiican in aad ogaato jawaabta:

  • Goormee astaanta ugu horeysay aragtay  amaba dareentay?
  • Maxaad ku cabirtay heerkulka jirkaaga amaba kan canugga?
  • Dawo noocee u qaadatay si aad hoos ugu dhigto heerkulka jirkaaga amaba kan canugga?
  • Astaankale aad dareemeysid miyaa jira?
  • Adiga ama canuga qof xanuunsan miyaa idin la jooga?
  • Adiga ama canuga dalka miyaad ka baxdeen mar dhow?
  • Miyee jireen wax xanuun ama hoos u dhac heerkulka ku yimid markii astaankale aad aragto?
  • Isbadal ama astaan xanuunka siyaadinaya miyaa jira?

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *