Guuxa Dhagaha Laga Maqlo: Sababaha Keena, Noocyadiisa Iyo Sida Dabiibo

guuxa dhagaha, xanuunka dhegta,

Guuxa laga maqlo dhagaha (Tinnitus) waa dhibaato caan ah saameysana dad badan. Guuxa laga maqlo dhagaha ma ahan xaalad caafimaad ee waa astaan salka ku haysa xaalado kale sida dhagoolnimada la xiriirta gabowga, dhaawaca dhegta ama cillad ka jirta habka wareega ee dhiiga.

In kastoo xaaladaan ay tahay mid dhib badan, inta badan kama dhigna iney tahay xaalad halis ah. Arintaan ayaa ka sii darta marka qofku uu sii duqoobo. Arintaan waxaa lagu khafiifin karaa dawooyinka qaar ama daweynta xaaladaha caafimaad oo ay salka ku hayso.

Astaamaha

  • Guux la maqlo
  • Dhawaaq daciif ah la maqlo
  • Dhawaaq sida gujiska oo kale ah
  • Dhawaaqa aamusinta sida Shhhh

Tayada guuxa waa mid kala duwanaan karta mararka qaar, waxaana suurta gal ah in laga maqlo mid amaba labada dhegood. Mararka qaar guuxa wuxuu noqon karaa mid aan caadi aheyn oo faragelin ku sameyn kara wax u fiirsashada qofka. Guuxa laga maqlo dhegaha waa mid loo maqlo si joogta ama si goos goos ah.

Waxaa jira laba nooc oo guux ah

  • Subjective tinnitus. Guux aad adiga kaligaa maqleysid, noocaan ayaa ah midka ugu caansan ee dadka inta badan ku dhaco, waxaa sababi karo dhibaatooyin ka jira qeybaha kala duwan ee dhagta, waxaa kaloo sababi kara dhibaatooyinka dareemayaasha maqalka ama qeybta maskaxda u qaabilsan iney fasirto fariimaha kaga imaanaya dhagaha.
  • Objective tinnitus. Guux uu dhaqtarku maqli karo marka uu ku wiisiteynaayo. Noocaan waa mid dhif ah, waxaana sababa dhibaatooyinka weelasha qaada dhiiga, ama cillad ka jirta lafta dhexe ee dhegta ama murqaha oo aan si fiican isugu soo ururi karin.

Maxaa sabaha guuxa laga maqlo dhagaha?

Waxaa sababi karo xaalado dhawr ah ama kaga sii dari kara. Inta badan lama awoodo in farta lagu fiiqo waxa sababay.

Sababta ugu badan ayaa ah dhaawac soo gaara unugyada gudaha ku jira ee dhegta. Waa unugyo aad u yaryar ka sameysan xaad kuwaas so laxanleh ula dhaqdhaaqa cadaadiska hirarka dhawaaqa. Arintaan ayaa kicineysa unugyada maqalka iney diraan fariimo danabeysan, kedib maskaxda ayaa fariimahaan u bedesha dhawaaq.

Waxyaabaha caanka ah ee sababa waxaa ka mid ah

  • Dhagoolnimada lala xiriiryo gabowga. Dadka intooda badan waxaa sii xumaada maqalkooda marka ay da’dooda ka weynaato 60 sano.
  • Qofka oo joogo meela buuq badan. Codadka dheer sida kuwa laga soo saaro qalabyada sida heesaha, rasaasta laga rido qoriga.
  • Dhukayga oo maqalka xiro. Dhukaygu wuxuu nadiifiyaa kanaalka dheg, hadii dhukaygu uu noqdo mid adag, waxaa imaan karo dhagoolnimo
  • Lafaha ku jira qeybta dhexe ee dhagaha oo adkaada.
  • Waxyaabaha kale ee sababa ee aan caanka aheyn waxaa kamid ah: Cudurka Meniere’s , Cillada TMJ, dhaawaca soo gara madaxa ama qoorta iyo acoustic neuroma

Dawooyinka sababi kara waxaa kamid ah:

  • Qalajiyaasha: polymyxin B, erythromycin, vancomycin iyo neomyacin
  • Dawooyinka kansarka: Mechlorethamine iyo vincristine
  • Dawooyinka kaadida badiya: Bumetanide, ethacrynic acid ama furosemide
  • Dawooyinka loo isticmaalo duumada
  • Dawooyinka qaar ee loo isticmaalo niyad jabka
  • Aspirin doos badan laga qaato

Halista keeni karta

  • Buuqa xad dhaafka ah
  • Gabowga
  • Ragga ayaa kaga badan dumarka
  • Sigaar cabidda
  • Cudurada ku dhaca wadnaha iyo xididada

Dhibaatooyinka la xiriira

Guuxa laga maqlo dhagaxa waxay si adag u saameyn kartaa tayada nolosha, in kastoo ay dadka ukala saameyso siyaaba kala duwan, dhibaatooyinka la xiriira waxaa kamid ah:

  • Daal
  • Walwal
  • Hurdo xumo
  • U fiirsashada oo adkaata
  • Dhibaatooyinka xusuusta
  • Dabeecad xumo

Sidee looga hortagi karaa?

  • Waxaa looga hortagi karaa guuxa dhagahta iyadoo dhegta laga nadiifiyo dhukeyga s uusan u xerin.
  • Xifdi maqalkaaga haddii aad ka shaqeyso meel buuq badan adigoo iska ilaaliya dhawaaqa iyo codadka dhaadheer.
  • Daawooyinka u qaado sida dhakhtarka kuugu qoray.
  • Waxaad guuxa ku yarayn kartaa adigoo ka fogaado buuqa, daalka iyo diiqada inkastoo guuxa joogtada laftirkiisa uu keeni karo niyad jab iyo nolol nacayb.
  • Xakamee cadaadiska dhiigga, yareynta cunidda cusbada iyo cabista kafeega.
  • Jooji sigaar cabbista.
  • Iska yaree isticmaalidda Aspirin-ka.
  • Dawooyinka aad qaadanayso kala tasho dhakhtarkaaga, maadaama daawooyinka qaar ama ay maqalka tiraan.
  • Guuxa dhagaha wuu iska baabi’i karaa daawo la’aan, marmarka qaarne wuxuu calaamad u noqon karaa dhego-beelis.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *