Sababa Keena Sanboorka, Waxyaabaha Kiciya Iyo Sida Guriga Loogu Dabiibo

Sanboor (allergic rhinitis) waa nooc kamid ah xasaasiyadaha, waxaa sababa xasaasiyad kiciye aan inta badan dhib u laheyn jirka. Sanboorku waa falcelin aan caadi ahayn oo uu jirka la sameeyo walxa aan dhibaato u kuhayn jirka. Manka ayaa ah xasaasiyad kiciyaha ugu badan ee sababo samboorka.

Maxaa sababa sanboorka?

Marka jirkaaga uu la sameeya xiriir xasaasiyad kiciye, jirku wuxuu soo daayaa maado la yiraahdo histamine oo ah kiimiko kamid ah kuwa difaaca jirka uu isticmaalo, kiimikadaan waxay sababeysaa astaamaha sanboorka lagu garto.

Xasaasiyad kiciyaasha waxaa kamid ah:

  • Cowska
  • Busta
  • Dhogorta xoolaha
  • Calyada bisadda
  • Caaryada

Inta lagu guda jiro xilliyada qaar ee sanadka, waxaa laga yaabaa in uu bato sanboorka, sida xiliga qaboobaha iyo guga.

Astaamaha samboorka

Astaamaha iyo calamaadaha caanka ah ee lagu yaqaano sanboorka waxaa ka mid ah

  • Hindhiso
  • San xiran
  • San dareer
  • San cuncun
  • Qufac
  • Cunno cuncun
  • Indho cuncun
  • Ilin dareer
  • Madax xanuun badan
  • Daal

Inta badan waxaa la dareema kuwo kamid ah astaamaha kor ku xusan isla marka uu jirka la kulmo xasaasiyad kiciyaal. Calaamadaha qaar sida madax xanuun soo noqnoqda ama daal waxaa la dareemaa marka uu jirka marar badan la kulmo xasaasiyad kicye. Qandho ma ahan astaan lala xiriiriyo samboorka.

La hadal dhaqtar hadii astaamaha samboorka aysan hagaagin todobaadyo gudahood.

Halista in samboor uu yimaado

Xasaasiyad waxey saameyn kartaa qof walbo, hasa yeeshee waxaa unugul inuu ku dhaco qof tolkiisu ay qabaan xasaasiyado.

Waxyaabaha kale ee kicin kara ama kaaga dari kara samboorka waxaa ka mid ah:

  • Sigaar cabid
  • Kiimikooyinka qaar
  • Jawiga qabow
  • Huur
  • Dabeyl
  • Hawo wasakheysan
  • Barafuuno
  • Catarro

Dawooyinka samboorka

Waxaa loo daweeyaa qaabab kala duwan sida

  • Dawooyinka loo yaqaano antihistamin
  • Dawooyinka fura sanka
  • Dawooyinka lagu buufiyo sanka

FG: fadlan la tasho dhaqtar inta aadan bilaabin qaadashada dawo.

Sidee looga hortagaa xasaasiyadaha?

Sida ugu wanaagsan ee looga hortago iney soo baxaan astaamaha xasaasiyada waa inaad maareysaa inta uu san jirkaaga u jawaab celinin six un.

Saliida xabad sowdada iyo Sanboorka:

Cilmibaaris lagu sameeyay 68 qof oo sanboor qabo ayaa waxaa looga daaweeyay saliida xabad sowdada, iyadoo weliba sanboorkii kaga buuray badankood, meesha awal ay qaadan jireen daawooyin dhowrkii maalmoodba weliba qaarkood ay waxyeello daawada ku reebtay.

Cilmibaaristu waxay sheegtay in saliida xabad sowdada subax kasta sanka duleeladiisa min hal dhibic lagu dhibciyo iyadoo gadaal loo neefsanayo, waxaana la wadayaa muddo 6 usbuuc ah, tan oo aad kaga reysan doontid ilaahay idinkii daawo sanboor.

Ilmaha yar ha ku dhibcinin saliida xabad sowdada ee labada farood foodooda saliida mari, kadibne waxaad ku aadinaysaa labada dul ee sanka, waxaana ilmaha amraysaa inuu neefsado, hadduu yar yahay oo uusan amarkaaga qaadan karin, ku hay sidaa muddo 1 daqiiqo ah isagaa si aayar ah u neefsan doono, waa muhiim in ku daaweynta ugu yaraan la wado 6 usbuuc si wax looga garto, kuna dadaal hal maalin in aadan illaawin.

Xigashada Cilmibaarista: http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/23855426

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *