Wajiga Saliida Leh: Sababaha Keena Iyo Waxyaabaha Ugu Haboon Ee Lagu Dabiibo

wajiga saliida leh, dufanka leh

Jirkeennu waxa uu soo saaraa saliido dabiici ah oo Alle ugu talo galay inay ilaaliyaan oo ay subkiyaan maqaarka. Balse haddii saliidahaas si xad dhaaf ah loo saaro jirku waxaa uu noqdaa mid dufan badan. Tani waa natiijada wajiga saliida leh. Sida oo kale, waxa ay saliida badani keeni kartaa in ay gufeysmaan daldaloolada. 

Sababaha keena wajiga saliida leh: 

Arrimo kala duwan ayaa ka qeyb qaata jirka saliida leh, waxaa ka mid ah dhaxal, cunnooyinka, walwalka, cimilada iyo isbedellada hormoonnada, balse sababta ugu badan ee keenta jirka saliida leh waa qanjirada saliida soo saara ee loo yaqaanno “Sebaceous glands” shaqadoodu ay oo badata taas oo sababta inay saliid xad dhaaf ah ay soo saaraan. 

Jirka saliida leh wuu ka howl badan yahay noocyada kale ee jirku ka waxa uu u baahan yahay daryeel joogto ah iyo dulqaad. Jirkani waxaa uu yeeshaa burooyin madmadow (blackheads), findoob iyo finan waa wayn oo dheecaan leh. 

Qaladka ugu horreeya ee sameeyaan dadka wajiga saliida leh, waa maydhista badan ee wajiga, tani waxay kaxeysaa saliidii dabiiciga ahayd ee jirka, xaaladdana way sii xumaysaa. Sida oo kale, waa inaan la badsan isticmaalka alaabaha la isku qurxiyo. Tani waxay dhaawacaysaa maqaarka. 

Hab wanaagsan oo loo daryeeli karo jirka saliida leh waa isticmaalka waxyaabaha dabiiciga ah. Waxaa jira alaabo dabiici oo aad ka heli karto jikadaada kuwaas oo kaa caawin kara maareynta jirka saliida leh. 

Waxyaabaha dabiiciga ah ee uroon wajiga saliida leh: 

Dacarta 

Dacarta waxaa lagu yaqaannaa inay dejiso hurka maqaarka oo ay subkiso. Waxa ay maqaarka ka nuugtaa saliida dheeraadka ah, sidaas awgeed waxa ay caawisaa la tacaalidda jirka saliida leh. Maadooyinka liddiga ku ah bakteeriyada ee ku jira dacarta waxa ay dilaan bakteeriyada keenta finanka waxayna daweeyaan finanka. Dacartu waxa ay leedahay maadooyinka liddiga ku ah hurka “anti-inflammatory” kuwaas oo dejiya hurka maqaarka islamarkaana daweeya raadadka findoobka. 

Liin dhanaan: 

Waxa ay hodan ku tahay fitamiin C, waxaa liin dhanaamta ku jira aashitada “citric” taas oo caawisa dheellitiridda pH-ta maqaarka. Liin dhanaantu waxa ay nuurisaa maqaarka waxa ayna daweysaa haaraha. Liin dhanaantu waxa ay leedahay walxaha sunsaarista kuwaas oo la dagaallama dhaawaca waxa loo yaqaanno “free radicals”, caafimaadka maqaarkana ilaaliya. 

Malabka: 

Malabku waxa uu caawiyaa nadiifinta maqaarka. Waxa uu leeyahay liddiga bakteeriyada, waxa uu saacidaa bogsashada maqaarka wuxuuna ka hortagaa finanka. Fitamiin C-ga ku jira malabka waxa uu kobciyaa soo saarista barootiinta “collagen”. 

Sida oo kale, waxa uu leeyahay awood lur-bi’in, waxa uu dejiyaa hurka maqaarka. Waxaa intaas dheer, waxaa ku jira, macdano kala duwan iyo asiidhada “amino” kuwaas oo faaido u leh maqaarka.

Huruuda:

Huruuda waxa ay leedahay maadooyinka liddiga ku ah bakteeriyada, taas oo caawisa ka takhalusidda bakteeriyada keenta finanka. Waxa ay yareysaa hurka maqaarka. Huruuda waxaa ku jira walxaha sunsaarista kuwaas oo maqaarka ka ilaaliya dhaawaca xididada xorta ah (free radicals) iyo dhakhso u duqoobista. Huruudu waxay aad ugu fiican tahay daweynta haaraha, sida oo kalena waxa ay maqaarka ka qaadaa wasakhda waxayna caawisaa yareynta daldaloolada maqaarka. 

Qajaarka: 

Qajaarka waxa u kaxeeya saliida dhaafka ah ee maqaarka iyo wasakhda. Waxa uu caawiyaa adkeynta daldaloolada waxaana uu yareeya waxyaabaha keena in maqaarka uu dhaawac ku samaysmo. Qajaarku waxaa ku badan biyaha sidaas awgeed kor qalleylka ayuu yareeyaa. fitamiin C-uu hodanka ku yahay qajaarku, waxa uu ilaaliyaa dheelitirka saliidda maqaarka. 

Saliid saytuunta: 

Saliidani maqaarka ayay qoysaa sidaas awgeed waxay caawisaa xakamaynta saliidda xad dhaafka ah. Waxaa ku jira maadooyinka sunsaarista oo ilaaliya caafimaadka maqaarka. Saliid saytuunta waxaa kale oo ku jira maadooyinka liddiga dulinka, kuwaas oo daweeya cilladaha jirka saliida leh sida finanka iyo nabraha. 

Babaayga: 

Waxaa ka buuxa fitamiin A iyo fitamiin C, oo la dagaallama xididada xorta ah, caafimaadka maqaarkana ilaaliya. Maadada “papain” ee ku jirta babaayga waxa ay iftiimisaa maqaarka. Sida oo kale, babaaygu waxa uu kaxeeyaa saliida badan ee maqaarka wuxuuna dib u furaa daldaloolada maqaarka.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

sida ilkaha loo cadeeyo,

Sida Ilkaha Loo Cadeeyo Iyo Waxyaabaha Ugu Fiican Ee La Isticmaalo

Dhoolla caddeyntu waa qeyb shakhsiyadaada ka mid ah balse haddii ilkahaagu ay jaalle ama huruud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *