Health

Maxaa Ka Dhalan Kara Hadii Dhegta Dhukayga Laga Nadiifiyo?

dhukayga dhegaha

Dadka qaar ayaa maalin kasta dhegahooda ka saara dhukayga (ear wax)  iyagoo u arkaya inay nadaafadda ka mid tahay. Dhukaygu ma ahan wax nadaafad darro ku yimaada mana ahan jeermis. Dhukayga waxaa sameeya qanjirrada dibada ee dhegta. Faa’iidooyinka dhukaygu u leehay dhegta waxaa ka mid ah: Boorka, cayayaanka, bakteeriyada iyo jeermisyada kale ayuu ka hor istaagaa inay gudaha u galaan ama dhaawac gaarsiiyaan …

Read More »

Aqoon Fiican U Yeelo Qalliinka Jilibka Lagu Beddelo

bedelida jilibka

Bedelidda jilibka waa qalliin yareyn kara xanuunka soona celin kara shaqada kala goyska jilibka. Dhakhtarka wuxuu soo goynayaa qeybaha dhaawacmay ee lafaha iyo carjawda bowdada, shanshada iyo isha lowga, wuxuuna ku bedelayaa kala goys macmal ah oo laga sameeyay bir iyo caag daraja sare. Bukaanka iyo dhakhtarka waxey dooran karaan mid ka mid ah naqshadaha badan ee kala goyska macmalka …

Read More »

Ma Suurtagalbaa In Maskaxdeennu Ay Daweyso Xanuunnadeenna Nafsiga Ah?

Waxaa jira hab dabiib ay xeeldheereyaasha cilminafsigu ku daweeyaan xaaladaha nafsiga ah, oo ah wada sheekaysi toos ah oo dhex mara dhakhtarka iyo bukaanka, iyada oo ay ujeedadu tahay in dhibaatada jirta lagu xalliyo in la beddelo hab fikirka iyo hab dhaqanka qofka buka. Habkan oo cilmigu uu afka Ingiriisiga ku magacaabo, ‘Cognitive Behavioural Therapy (CBT)’ waxa uu ka duulaa fahamka …

Read More »

Cunnooyinka Ugu Fiican Ee Dejiya Dhiig-Karka

In badan ayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadku ay soo saartaa warbixinno ka digaya khatarta ay kicista dhiiggu ku keento wadnaha, halbawlayaasha dhiigga, maskaxda iyo kilyahaba, waxayna hay’adda WHO ku baaqdaa in qofku uu raaco hab uu mar kasta ku dejinayo dhiiggiisa, iyada oo talooyinka ay soo jeediyaanna ay ka mid tahay in la joojiyo sigaar cabbista, jimicsi la …

Read More »

Cudurka Xasuusta Dila Ee Loo Yaqaanno Alzheimer’s Disease

cudurka xasuusta maskaxda

Cudurka xusuusta iyo guud ahaan unugyada maskaxda dila ee loo yaaanno Alzheimer’s disease khubarada caafimaadkuna aalaa u soo gaabsadaan labada xaraf ee ugu horreeya labada qaybood ee magaciisa oo ah AD, waa cudur hawlgab ka dhiga shaqada maskaxda oo si tartiib-tartiib ah u dila unug-neerfeedyada maskaxda. Qormadan oo ay faafisay oo aynu  afsoomaali usoo rognay si uu akhristayaasha uga dhigno …

Read More »

Muhiimadda Caafimaad Ee Maadada LYCOPENE Iyo Cuntooyinka Laga Helo

Xabxabka, tamaandhada, saytuunka, liin bambeelmada, cambe babaayga iyo inta badan ee khudradaha uu midabka gudahoodu casaanka ama basaliga yahay, waxaa ku jirta maaddo lagu magacaabo “Lycopene”. Maadaddani waxa ay si awood badan u burburisaa mariidka (sunta cuntooyinka ka samaysanta) oo haddii ay jidhka ku badato sababi karta cudurka macaan, wadne xanuun, noocyo kansarka ka mid ah iyo xanuunka dila unigyada …

Read More »

Astaamaha Walwalka Shilka Kadib (PTSD) Iyo Dadka Halista U Ah

Walwalka shilka kadib, walwalka badan, argagax, cabsida,

Walwalka shilalka kadib (Post-Traumatic Stress Disorder) waa shay badanaa dadka ku dhaca markay shil galaan kadib. Shilkaas ayaa noqon kara mid gaari, diyaarad, mooto, ama wax kale oo qofkaas ku sababay inuu dhaawacmo ama naftiisa khatar galiyay. Waxay kaloo xaaladan dhici kartaa hadii qofka ehelkaaga ah ama kuu dhaw uu shilkaas haleelo. Waxyaalaha kale ee qofka ku sababi kara inuu …

Read More »

Caanaha La Karkariyay Miyay Ka Caafimaad Badan Yihiin Caanaha Kale? Kuwee Se Fiican In La Cabo?

Caanahu waa cunno dhamaystiran oo ay ku jiraan nafaqooyin iyo macdano jirku uusan ka maarmi karin. Waxay hodan ku yihiin kalsiyaam, barootiin, kaarbohaydareetyo, fitamiinno, macdano iyo dufanno, waxayna jirka u leeyihiin faa’idooyin kala duwan oo ay ka mid tahay ilaalinta miisaanka jirka iyo sare u qaadista caafimaadka lafaha.  Caanaha la karkariyay miyay ka caafimaadka badan yihiin caanaha kale? Sii akhri …

Read More »

Sida Looga Helo Jawaab Sax ah Dhakhtarka Baritaanka Kadib

Waxaad gashaa xafiiska dhakhtarka adigoo rajeynayaa inaad kala soo tagtid jawaabo waafi ah oo ku qanciya, laakin mararka qaar ma ahan mid dhacda. Daraasado badan ayaa sheegaya in dad badan aysan helin jawaab sax ah oo ku aadan baaritaankoodu waana arin walaac badan dhalineysa. Nasiib wanaag waxaa jira waxyaaba badan oo bukaanada ay sameyn karaan kuwaas oo kor uqaadi kara …

Read More »

Waa Maxay Dhibaatooyinka Mustaqbalka Fog Ee Xanuunka Sonkorowga?

Xanuunka sonkorowga, macaanka, xanuunka sonkorta

Dhibaatooyinka mustaqbalka fog ee xanuunka sonkorowga ayaa si tartiid ah u kobcaya. Hadii qofku uu la nool yahay sonkoroow waqti dheer, uusan xakameynta sonkorta ku jirta dhiig, waaxaa badata khataraha dhibaatooyinka. Ugu dambeynti dhibaatooyinka xanuunka sonkorowga ayaa noqda kuwo naafeeya bukaanka ama ku keena halis nololeed. Dhibaatooyinka imaan kara waxaa ka mid ah: Cudurada xididada iyo wadnaha. Sonkorowgu wuxuu fududeeyaa …

Read More »

Dhaqaatiirtu Maxey Ku Sheegeen Cabbista Shaaha Cadayska Ah

cabbista shaaha cadayska ah, shaah, cadays

Caafimaad miyaa ku jira shaaha cadayska ah? Hadii aad jeceshahay cabidda shaaha, badanaa waxaad u cabtaa si aad ugu kifaaxdid waana mid dadkoo dhan ka simanyihiin marka laga reebo dadka qaarkood oo shaaha caafimaad ahaan u caba. Dadka caba badankoodu waxay ka dhigteen caado, halka qaarkoodna uuna u yahay balwad aysan waqti badan ka maqnaan karin. Inbadan oo dadka shaaha caba …

Read More »

Sirta Caafimaad Ee In Dhinaca Midigta Loo Seexdo Iyo Qodobo Muhiim U Ah Hurdada

Aqoonyahanno ka tirsan jaamacadda Cleveland oo ku taalla gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa baadhitaan cilmi oo ay dhowaan sameeyeen ku ogaaday in dhinac u seexashadu ay u fiican tahay caafimaadka. Waxa ay cilmi baadhayaashu sheegeen in dadka ay caadada u tahay inay u seexdaan beerka ama dhabarku ay halis ugu jiraan dhaawac iyo xanuun ku dhaca laf dhabarta. Culimada …

Read More »

Walwalka Badan: Dhibaatooyinkiisa Iyo Hababka Loo Maareeyo

Walwalku  waa xaalad caadi ah oo timaada marka uu bato culeyska iyo damaaciga naftu ku doonayso waxyaabo badan oo ay u aragto muhiim. Walwalku wuxuu yimaadaa marka waxyaabaha naftu doonayso inay ka gun gaarto uu ku adkaado ama heer quus ah ka istaagto qofka. Warbixino lagu daabacay qaar ka mid ah jornaalada caafimaadka ayaa sheegaya, inbadan oo kamid ah bulshada wadamada …

Read More »