Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

indho ololka,

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro badan; oo isugu jira kuwo fudud iyo kuwo khatar caafimaad calaamad u ah. Sida lagu sheegay warbixin ay arrintan ka qortay shabakadda Aljazeera, iskaashatadani waxa ay sababaha indho ololka u qaybisay sidan:

SABABAHA FUDUD ee indho ololka

Sababaha fudud ee ay Iskaashatadu sheegtay in ay keeni karaan indha xanuunka waxaa ka mid ah:

  1. Maaddooyinka qaar oo marka ay indhaha galaan keena olol, sida maaddooyin ku jira shaambooyada qaarkood iyo biyaha ay ku jirto maadadda Kolooriinta oo inta badna lagu nadiifiyo biyaha magaalooyinka Soomaalida.
  2. Daalka habeennimo ee ka dhasha shaqada saacadaha badan ah ee shaqada ah ama marka saacado badan la hor fadhiyo shaashadda Kombiyuutarka.
  3. Waxaa indha ololka isku arka, dadka xidha caagga sida muraayadda indhaha u shaqeeya oo lagu dhejiyo wiilka.

SABABAHA KHATARTA AH

Sababaha Khatarta ah ee indho ololka keeni kara waxaa ka mid ah:

  1. Bakteeriya ama Fayras indhaha caabuq ku keena ayaa sababa indho ololka. Inta badan xaaladdan waxaa ololka indhaha ku lammaan dheecaan huruud midabkiisu yahay oo indhuhu soo saaraan.
  2. Waxaa jira dawooyinka qaar sababa in ay yaraadaan dareeraha indhuhu soo daayaan ee ilmada ah, taas oo sababta in indhuhu ay engagaan kaddibna uu qofku dareemo indha olol. Dawooyinka xaladahan keena waxaa ka mid ah dawooyinka dhiig karka lagu dejiyo iyo dawooyinka xaaladaha nafsiga ah lagu dejiyo.
  3. Bukaanka ku dhaca xaydha indhaha (Isha qaybteeda cad) ama xanuunka ‘Daafta’ (Indhaha Caseeyaha) oo inta badan ka dhasha bakteeriya ‘Conjunctivitis’.
  4. Xanuunnada Roomatiisanka, Macaanka iyo qanjo xanuunka ayaa sababa khalkhal ku dhaca heerka biyaha ishu yeelanayso, taas oo marar sababta in indhuhu engag noqdaan kaddibna qofku isku arko cuncun.
TALADA

Haddii uu qofku isku arko indha cuncun dhowr maalmood socda, ama indha cuncun inta dabiiciga ah ka badan waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in uu sida ugu dhaqsaha badan ugu tago dhakhtar takhasus ah oo baadha sababta, haddii loo baahdana waqtiga ku habboon daweeya.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *