Sababaha Keena Suuxdinta Ama Miyir Beelidda Iyo Xanuunnada Lala Xiriiriyo

Suuxdin waa marxalad ku meelgaar ah oo keena in uu lumo miyirka qofka, waa xaalad marar badan la arko, qof walbaana waxaa macquul ah inuu la kulmo. Inta badan suuxdinta waxay leedahay khatar caafimaad, waxaana wanaagsan in aad booqato dhakhtar si aad u ogaato waxna looga qabto waxa keenay ama sababay.

Suuxdintu waxay timaadaa marka uu yaraado cadadka dhiiga ee gaaraya maskaxda. Qeybta ugu badan ee dhiigeena waxaa loo safriyaa maskaxda si ay u hesho oksijiin iyo tamar iyo macdanta kale, hadii uu yaraado dhiiga maskaxda gaaraya waxay keenaysaa inuu yaraado oksijiinta maskax iyo waliba enerjigeeda sidaa darteed waxaa luma miyirka

Maxaa sababa suuxdinta?

Waxaa sababi kara xaalado badan qaarkoodna ay halis yihiin qaarkoodna sahlan yihiin lalana tacaali karo ama la dawayn karo. Waxaa kamid ah waxyaabaha sababa suuxdinta qodobadan hoose ku xusan.

  • Walal xad-dhaafa
  • Xanuun
  • Fuuqbax
  • Kul daran
  • Xanuunada wadnaha qaarkood sida fashilka shaqada wadnaha, laxanka garaac wadnaha oo khaldama, weelalka wadnaha oo dabca, xinjir xidha hawlbaylaha loo yaqaan pulmonary iwm.

Side looga hortagi karaa suuxdinta

Suuxdinta khatarteeda koowaad waxay la xiriirtaa xanuunada wadnaha, waxaa looga hortagi karaa iyadoo la badiyo jimicsiga lagana fakaro caafimaadka wadnaha iyo guud ahaan jirka intiisa kale. Hadii qofku uu leeyahay suuxdin waxaa wanaagsan inuu dhakhtar booqdo inta aan xaalkiisu gaarin heer aan waxba laga qabin karin. Dadka qaba dhiig yarida waxaa macquula inay la kulmaan suuxdinta waxaana looga baahan yahay inay iska daweeyan dhiigyarida ay cunaana cuntooyin dib usoo celinaya dhiigooda ama nafaqayna.

Talo

Suuxdintu waxay noqon karta halis caafimaad, waxayna xariir dhaw la leedahay xanuunada wadnaha, waxaa lagama maarmaan ah inaad ka warqabto caafimaadka wadnahaaga, joogtaysana jimicsiga iyo cuntooyinka faaidada u leh wadnaha iyo jidhka intiisa kaleba.

Waxaa wanaagsan in qofku uu raadiyo daryeel caafimaad mar hadii uu dareemo suuxdin ama uu dareemo wareer, waa muhiim in dhaqtarka uu ugaado waxa sababay suuxdinta si looga baaraan dago ineysan markale soo laaban, ama hadii ay soo laabato si degdeg ah wax looga qabto

Check Also

cuntooyinka kacsiga raga,

Cunnooyinka Sare U Qaada Hamiga Jinsiga Ee Ragga

Ragga waxaa soo wajihi kara dhibaatooyin kala duwan marka laga hadlayo noloshooda galmada sida cilladaha …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *