Shaqooyinka Muhiimka Ah Ee Ay Kilyuhu Qabtaan Iyo Sida Loo Ilaaliyo Caafimaadkooda

caafimaadka kilyaha

Kilyaha waa labo xubnood oo u eg qaabka digirta gaduudan, waxay ku yaalaan qaybta gadaale ee ubucda. Kilyaha iyo uurkujirta kale waxaa kala saara ama u dhaxeeya xuubka loo yaqaan beritoniyam kaasoo ah xuubka ku dahaaran ama ku wareejisan xubnaha loo yaqaano uurkujirta. Cabirka kilidiiba waxaa lagu qiyaasaa inay tahay 5inch, Kilida bidix ayaa ka sareysa kilada midig sababtuna waa in beerku uu u badanyahay dhanka midig oo uu boos badan kaga fadhiyo qaybta kore ee ubucda.

Bartamaha gudaha u xoodan ee killi walbaa waxaa isagu yimaada ama ay ka koobantahay qaab dhismeedyo kala duwan sida, xiddidada kilyaha iyo kanaalka ka qaada kaadida ee loo yaqaano ureter. Kilyuhu waxay jirka u qabtaan shaqooyin aad muhuum ah, waxaana ka mid ah inay:

  • In jirka ay kasaaraan wasaqda. Beerka ayaa burburiya borotiinka aynu quudano si aan uga helno tamar, burburintaas kadib waxaan ka helnaa tamar iyo walax sun ku ah jirka oo loo yaqaano Ammonia, isla beerka ayaa u badala walaxdaan sunta ah uric acid iyo urea kuwaasoo heerkooda sunta uu yaryahay. Sidaa si lamid ah murqaheenu waxay isticmaalaam borotiinka loo yaqaano creatine si aan u helno tamar waxaana habkaan ama dhamaadka habkaan la socda walax wasaq ah oo oo loo yaqaan creatinine.

Ammonia, uric acid, urea iyo creatinine waxaa lagu daraa dhiiga taasoo killidu ay filter garayso kana saarto jirka qaab kaadi ah. Waxaa jira cadad urea ah oo dhiiga ku jira mana ahan mid sun ah.

  • Killidu waxay filtar garaysaa dhiiga iyadoo ka saaraysa wasaqda waxayna ugu dib ugu celisaa isla dhiiga macaadiinta aan u baahanahay ee la filtar gareeyay, sidoo kale waxay soo daysaa dheecaano ama hormoono ka qabta jirka shaqooyin kala duwan.
  • Killidu waxay kontorooshaa biyaha aan u baahanahay inay jirka ku jiraan ama laga saarayo, waxaya dhexyaal u tahay isu dheelitirka dareeraha jirku u baayahanyahay
  • Isu dheelitirto Asidka iyo baseka jirka oo ah laba maado uu ubaahan in si weyn loo xakameeyo si dhiiga uu ushaqeeyo
  • Kilyuhu waxay qayb wanaagsan ka qaataan kontoroolida cabirka dhiiga
  • Macdanada jirkeennu u baahanyahay ayay isku dheelitirtaa waxayna masuul katahay inay jirka dib ugu celiso macdanada uu u baahanyahay.

Xanuuno badan ayaa saameeya kilyahu kuwaasoo qaarkood ay noqon karaan khatar aad u sareysa, caafimaadka kilyaha oo la ilaaliyo ayaa muhiim u ah shaqada jirka maadaama ay boos aad muhiim ugu ah kaga jiraan shaqooyinka jirka.

Talo:

Kilyahu waxay inoo hayaan shaqooyin muhiim ah, waxaa wanaagsan inaan ka taxadarno waxyaabaha u keeni kara caafimaad darrada. Hadii aad isku aragto kilya xanuun waxaa lagama maarmaan ah inaad booqoto dhakhtar.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *