Ayaamaha Ciidda Iyo Caafimaadka: Talooyin Anfacaya Bukaanka Ciidaya & Dadka…

Bisha soon waxa ay dhammaataa qofka oo la qabsaday hab-nololeed dhinaca cuntada u badan oo ka duwan kii uu la soo qabsaday bilihii soonka ka horreeyey oo dhan. Soonka dartii hab-dhiska dheefshiidku waxa uu la qabsadaa in aanay maalintii dhan soo marin cunto ama cabbitaan, taas oo u ah nasasho maalintii ah, marka saacadda afurku soo dhowaato ayaanu dib u shaqo bilaabaa oo uu soo daayaa dheecaannada lagama maarmaanka u ah shaqadiisa si uu u qaabilo cuntada afurka iyo kadib soo gaadhi doonta.

Mar kale ayaa hab-nololeedkii bisha soo socday mar keliya si kedis ah isu beddelaa maalinta ciidda, waxaa isbeddela noocii cunto iyo saacadii dheefshiidku bishaa soonka soo arkayey, waxaana in badan dadka ku dhaca cillado caafimaad oo u badan kuwo ku yimi cuntada culus ee mar keliya la gelinayo caloosha oo aan muddo u soo baran in ay maalintii cunto gasho.

1. Iska jir mac-macaanka badan iyo cuntooyinka sonkortu ku badan tahay in aad badsato maalintan ciidda.

Keegga, Quraaca, xalwadda noocyadeeda, Shaaglaydhka (shukulaatada) iwm. Cuntada macaanka ama dufanku ku badan yahay waxa ay khalkhal gelisaa hab-sami u shaqaynta dheefshiidka, waxa ay keeni kartaa shuban, waxa aanay halis gelinaysaa caafimaadka dadka leh macaanka, kalastaroolka, wadne xanuunka iyo dadka miisaankoodu sarreeyo.

2. Marka ay calooshaadu madhan tahay iska jir sigaarka, shaaha badan iyo bunka:

Waxa ay keentaa caabuq hunguriga iyo caloosha gala, amateedka oo qofka ka luma, Gaastariga oo kaca, Garaaca wadnaha oo kordha, waxaanay khatar ku sii tahay dadka qaba macaanka wadne xanuunka iwm.

3. Iska jir Quraacda culus:

Maalmaha ciidda oo quraac culus la cunaa waxa ay ka mid tahay qaladaadka ugu badan ee dhaca dhinaca cuntada, waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in si calooshu ay u hesho waqti ay kula qabsato cuntada loo baahan yahay in uu qofku cuntooyin fudud oo yar ku bilaabo, haddii kale waxa ay khatar gelinaysaa hab-dhiska dheefshiidka.

4. Iska jir cuntooyinka dufanku ku badan yahay:

Dadkeenna waxaa inta badan caado u ah in maalinta ciidda hilib badan la cuno. Laakiin khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in maalmaha ciidda si gaar ah loo doorbido cunista kalluunka iyo khudradaha darayga ah noocyadooda kala duwan, iyo sidoo kale dhammaan cuntooyinka dheefshiidka ridqistoodu u fududahay.

5. Talada ugu fiicani waa in qofku uu maalmaha hore ee ciidda cuntooyinka uu cunayo u qaybiyaa illaa shan jeer oo fudud, isaga oo marka uu dhowr saaco joogaba mar cunaya cuntadiisa inyar oo ka mid ah, iskana ilaaliyo in uu markaba saddexdii xilli cunto ee cuslaa ee aynu isticmaali jirnay Ramadaan ka hor ku noqdo, balse si tartiib ah loogu soo guuro habkaas saddexda xilli ahaa.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *