Lawskaan Ku Darso Quraacda Subax Walba, Sababtane Ogow

Caafimaadku waa aasaaska nolosha, sidaas darteed qof walba waa inuu ku dedaalo sidii u ilaashan lahaa caafimaadkiisa. Cunista cunno iskudheelitiran, jimicsi joogto ah, nolol bilaa stress ah, ka fogaanshaha hawada wasakhaysan, helidda hurdo kugu filan, ka dheeranshaha balwadaha xunxun sida sigaarka, jaadka iyo daroogooyinka kale, Dhammaan arrimahaani waxay ka qayb qaataan qofku inuu ku noolaado nolol bilaa cudur ah iyo cimri dheer insha allah.

Cunno isku-dheelli tiran waxaa laga wadaa cunnada uu jirka ka heli karo nafaqadii ku caawin lahayd inuu si wacan u shaqeeyo, sida carbohydrates-ka, macdanaha, barootiinka, dufannada, fiitamiinnada iwm.

Dad badan ayaa waqtiga oo ku ciriiri ah darteed subixii quraacda ka taga, ama rumaysan in quraacda oo la iska daayo ay cayilka yaraynayso, balse daraasadaha arrintaan lagu sameeyey waxa ay isku raaceen in ay quraacdu qofka u leedahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan, quraac la’aantana laga qaado xanuunno halis ah.

Quraacdu waa cunnada ugu muhiimsan ee maalintii, waa il shidaal iyo tamar qofku ka helayo si uu si wacan ugu qabsado howl-maalmeedkiisa.

Waxa ay khubaradu ku talinayaan in aynu joogteyno cunista quraac caafimaad oo waqti go’an oo subaxda ah aynu cunno. Noocyada quraacda ee la ammaano waxaa ka mid ah boorashka, cuntooyinka heedda ama qamandiga ka samaysan iyo khudradda.

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa iftiimisay in lawska nooca almond-ka oo la cuno subax kasta ay kordhiso caafimaadka iyo cimriga qofka.

Cilmi baaris ay samaysay jaamacadda Toronto ee wadanka Canada ayaa lagu ogaaday in lawska almonds oo lagu darsado quraac caafimaad leh subax kasta ay yarayso subagga xididada wadnaha fadhiisto ee loo yaqaanno kolestaroolka kaas oo sababa Wadne qabadka iyo faaliga oo ah labada sabab ee ugu badan ee dunida loogu la’do.

Lawska almonds waxa ka buuxo fitamiin E iyo dufanka caafimaadka uroon ee Omega3 kuwaas oo burburiya dufanka ku aruuray jirka dibadana uga soo saara.

Waa maxay faaidooyinka kale ee Lawska Almonds-ka?

Kobcinta shaqada maskaxda iyo xusuusta:

Lawska almonds-ka waxaa ku jira maadooyin folate, tocopherol, polyphenols iyo dufanka Omega3 kuwaas oo wanaajiya shaqada maskaxda, xusuustana kobciya. Lawska almonds waxa uu hortagaa xanuunnada xusuusta baabi’ya sida Alzheimer’s iyo dementia. Sida lagu ogaaday daraasado dhowr ah cunista lawskani waxa ay kobcisaa shaqada maskaxda ee dadka waayeelka ah.

Caafimaadka uurka:

Lawska almonds wuxuu muhiim u yahay hooyada uurka leh, sababtoo ah waxay ka helaysaa maadada “Folate” oo hooyooyinka lagula taliyo inay cunaan markay uurka leeyihiin, wuxuuna muhiim u yahay korriimada uurjiifka, sida lagu arkay dhowr diraasadood oo lagu sameeyay hooyooyinka lawska cuna, waxaa la arkay in boqolkiiba 70% ay ka badbaadaan caruur ku dhalato cillada dhabar furanka.

Daawaynta cilladaha galmada ee ragga:

Cunista lawska almonds-ka waxay wanaajisaa howsha galmada iyo bacriminta ee ragga, waxaa lawskaan ku jirta maadada “arginine” oo muhiim u ah xaga ragannimada, waxayna jirka ku kordhisaa maaddo kale oo loo yaqaan “nitric oxide”, tan oo ballaariso xididada arooriyaasha ee xubinta ragga si qulqulka ugu bato sidaasna ay awood ku yeelato. Cunista lawsku waxay kordhisaa kacsiga iyo shahwada waxayna ka hortagtaa dhaawaca waxa afka qalaad lagu yiraahdo “free radicals” ay gaarsiiyaan manida.

Xakamaynta sonkorowga:

Lawska almonds-ka wuxuu waxtar u leeyahay dadka qaba sonkorowga. Cunistiisa maalin kasta waxay caawisaa xakamaynta heerka sonkorta dhiigga ee dadka sonkorowga qaba.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *