Ugxan Sidaha Fiixda Leh (Polycystic Ovary Syndrome)

Xaaladda ugxan sidaha fiixda leh waa arin caan ah oo ka dhalata isku dhexyaaca habka dheecaanada jirka dumarka, waa xaalad ay dareemaan dumarka ku jira da’da dhalmada.

Dumarka qaba xaaladaan waxey lee yihiin ugxaan side weynaaday oo gudahiisa ay ka buuxaan dheecaan.

Caado aan joogta ahayn ama waqti dheer joogta, tima siyaada ah oo ka soo baxa, finan iyo buurnaan ayaa ah calaamado inta badan lagu arko dumarka qaba xaalada ugxan sidaha fiixda leh.

Waxa dhabta ah ee sababa xanuunkaan si sax ah looma garanayo, baaritaan hore iyo daweyn ay la socoto cayil dhimis ayaa ah siyaabaha lagu yareyn karo dhibaatooyinka uu keeni karo xanuunkaan, sida sonkoroow nooca labaada iyo xanuunada wadnaha.

Sababaha

Ilaa iyo hadda dhaqaatiirta si buuxda uma oga waxa sababa, hasa yeeshee waxaa la aamin san yahay in arimahaan ay qeyb ka qaataan.

  • Insulin xad dhaaf ah. Insulin waa hormoon laga soo daayo ganaca kaasoo u tilmaama unugyada jirka iney isticmaalaan sonkorta ama glucose ta ku jirta dhiiga oo aan ka helno cunnada. Insulin dheeraad ah oo uu jirka soo daayo waxey kicineysaa ugxaan sidaha si uu u soo daayo hormoonka androgen oo ah hormoon faragelin ku sameyn kara shaqada ugxaan sidaha.
  • Caabuq darajadiisu hooseyso. Unugyada difaaca jirka waxey soo daayaan walxa la dagaallama infekshanada, Jawaabtaan ee difaaca jirka waxaa loo yaqaanaa caabuq. Cilmi baaris ayaa tilmaantay in dumarka leh xaalada ugxaanta sida fiixda leh ay lee yihiin caabuq ay darajadiisu hooseyso taas oo kicineysa ogxaan sidaha si uu usoo daayo hormoonka androgen.
  • Hiddo. Hadii hooyadaa ama walaashaa ay qabaan xaaladan waxaa jira fursad uu xanuunkaan kugu imaan karo.

Astaamaha ugxan sidaha fiixda leh

Xaaladaan waxey lee dahay astaamo iyo calaamado soo ifbaxa marka ay gabadha bilowda iney hesho caado, mararka qaar xaaladaan waxey soo ifbaxdaa xiliyada dambe ee da’da dhalmada dumarka. Si lagugu sheego inaad qabtid xaaladaan, ugu yaraan dhaqtarka wuxuu eegayaa laba kamid ah qodobada soo socda.

  • Caado aan joogta ahayn. Tani waa midda ugu caansan, tusaale in labada caado ay u dhexeyso in kabadan 35 cisho, in qofka dumarka ah ay hesho in ka yar 8 caadood sanadki, ineysan caadadu imaan 4 bilood ama ka badan iyo caado culus oo waqti badan qaadata.
  • Hormoonka androgen oo xad dhaaf ah. Hormoonka androgen waa mid lagu yaqaano ragga, hadii uu ku bato qof dumar ah waxaa dhalanaya timaha wejiga iyo jirka oo siyaada ah, finan daran iyo tima daadashada lagu yaqaano ragga
  • Ugxaan sida leh fix. Ugxaan sidaha marka uu yeesho fiix wuu weynaadaa waxaana ku dhex sameysma godad yar yar oo ay ku hareereysan yihiin ukumaha.

Dhibaatooyinka la xiriira

Xaaladda ugxaan sidaha fiixda leh waxey ka dhigtaa xanuunadaan kuwo si fudud ku imaada, khaasatan hadii ay jirto buurnaan ka dhalatay.

  • Sonkoroow nooca labaad
  • Dhiig kar
  • Kolestarol kacsan
  • Caabuq daran oo ka dhaca beerka
  • Dhalmo la’aan
  • Neefta oo xiliga hurda istaagta
  • Walwal iyo niyad jab
  • Dhiig aan caadi ahayn oo minka ka yimaada
  • Kansar ka sameysma xuubka gudaha ee minka
  • Sonkoroow ku yimaada uurka
  • Dhiigka kar ka dhashay uurka

Goormaa la arkaa dhaqtar

Booqo dhaqtar hadii aad qabtid walwal xaga caadada ah, hadii aad ku jirtid xili dhalmo la’aan ah ama hadii aad isku aragtid finan badan iyo timaha lagu yaqaano ragga.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *