Sababaha Keena Dhalmo La’aanta (Causes Of Infertility)


Maanta waxa aynu ka hadlaynaa dhalmo la’aanta inagoo soo qaadanayna sheekada lamaanaha lagu kala magacaabo Scarlet iyo Mark.

Scarlet iyo Mark labaduba waxay ku jireen cimrigoodii 30-aadka waxayna is qabaan muddo 5 sano ah laakiin sababo la xiriira mashquulkooda shaqo oo badan waxa ay korayaan da’duna ku socotaa iyaga oo aan wada joogin.

Balse ka dib labo sano oo ay isku dayayeen inay ubad helaan hadda waxa ay ku fekarayaan in midkood xaaladdiisa caafimaad arrintaas ka hor imanayso oo aysan wadajir u dhalayn.

Haddaba waa maxay Dhalmo la’aan?

Qeexidda guud ee loo hayaa waa in la awoodi waayo in ubad la dhalo ka dib muddo sannad ah oo xaas ahaan loo wada joogay.

Scarlet iyo Mark waxay isku dayayeen inay muddo sugaan si ay xaalkooda u hubsadaan. Muddo labo sano ah, taasoo kaba badan waqtiga caadiga ah ee go’aan lagu qaato si loola xiriiro dhakhtar.

Marka aad ka shakido xaalad dhalmo la’aan ah waxa koobaad ee habbooni waa inaad la xiriirto dhakhtar. Waana in la is waydiiyo adiga iyo saaxiibkaa ama saaxiibtaa kee ayaan awoodin in uu ilmo dhalo?

Dhalmo la’aanta waxa sababa kaabyaal(Factors) aad u badan kuwaas oo la xiriiri kara lamaanaha ninka iyo naagta ba.

50% boqolkiiba kiisaska dhalmo la,aan waxa ay badi saameeyaan ama lagu arkaa Labka halka 30% ay u gaaryihiin Labka oo aan lala wadaagin. Kiisaska Labka u gaarka ahi waxa ay noqon karaan:

  1. Shahwo liidata ama diciif ah
  2. Shahwo Abnormal ah qaab-samays ahaan(abnormal sperm shape)
  3. Shahwo aan dabbaalan (Sperm motility).

Dhamaan xaaladahani waxay qayb ka yihiin kiisaska dhalmo la’aan ee lagu arko Labka balse waxaa jirta xaalad guud oo ah isu dheelli-tirnaan-la’aanta hoormonka la iska dhaxlo ee labka(hormonal irregularities in genetics).

Sidoo kale dawo ama walax kiimikeed oo jirka gaadha, shucaac(radiation), dawooyinka kor u qaada hormoonka ragga(Anabolic steroids) marka loo isticmaalo dhisidda murqaha oo ay dadka qaar u adeegsadaan, waana hab aan munaasib ahayn oo xaalado caafimaad oo adagi ka dhalan karaan, Tubaakada, Khamrada(marka loo isticmaalo masuuliyad la’aan), iyo noocyo badan oo dawooyinka lagu sarkhaamo ah ayaa labka ku sababi kara xaalad dhalmo la’aan ah (Male Infertility).

Waxaa kale oo ka mid ah caafimaad-xumo asiibta neerfaha(Neurological issues) iyo caabuqa saameeya jidhka qaybihiis sida beerka, kalyaha, sambbabada xaaladaha labka ku hoggaamin kara dhalmo la’aanta.

Xagga dumarka kororka da’du waa kaabaha guud ee dhalmo la’aanta haweenayda markastoo da’deedu siyaaddo waxa hoos u dhaca ixtimaalka ah inay hooyo noqoto.

Hoos u dhacaasi waxa uu ka bilowdaa bilowga cimrigeeda 30-aad hoos u dhacaasina wuxuu siyaaadaa markasta oo ay kor uga socoto da’deedu 35-jirka. Waxa sababaya arrinta ayaa ah Ugxanta(Ovaries) oo hadba marka ka danbaysa sii hawlgabaya.

Kaabe kale oo saameeya dhalmada haweenayda ayaa jira waana xanuunka lagu magacaabo Endometriosis oo ah in nudaha Endometrial-ku uu ku koro meel aan ahayn gudaha minka ama uu xidho marinka minka(Fallopian tubes) Endometriosis-ku waxa uu ku leeyahay saamayn 50% ah in haweenaydu uur qaadi waydo maadaama xanuunkani sababi karo in gabi ahaan ba uusan minku awoodayn inuu helo ama uu soo gaadho Sperm-ku.

Waxa kale oo haweenayda saameeya dhibaato soo wajahda Cervix-ka, marinka minka ama ugxanta haweenayda oo aan sidii la rabay u shaqayn.

Si aad uga guulaysato dhalmo la’aanta waxa la soo jeediyaa inaad beddesho hab nololeedkaaga(life style) tusaale ahaan inaad cuntid quud wanaagsan, aadan cabbin(sigaarka iyo wixii la halmaala. Ugu yaraan aa nidaamiso), jimicsi si joogto ah, in aad yarayso xaaladaha nafsadeed ee sababi kara isku-buuqa(stress) waxa raaca intaas ka war-qabka xaaladdaada caafimaad iyo inaad la tashato dhakhtarka.

Waxa jira dawooyin la gula tacaalo dhalmo la’aanta oo shirkado kala duwani sameeyaan waxa aynu is dul taagaynaa kuwa ugu mudan ee labka iyo dheddigaba filashadooda iyo waxqabadkooda dhalmo ba kor u qaada(Eebbe idankii):

Bravelle Vial: waa dawada ugu caansan ee loogu talo galay la tacaalidda xaaladda dhalmo la’aan ee haweenayda waxa ay kobcisaa Hormoonada sababa in ugxanta haweenaydu noqoto mid tayo leh waxa ayna dawadani ka saaciddaa haweenayda in ay soo dayso ugxan waxtar leh xilliga diyaarinta bacriminta ukunta.

Dhanka ragga waxa lagu sheegay dawada ugu waxtarka badan in ay tahay Gonadotrophins oo ka saacidda labka inuu soo saaro shahwo waxtar leh.

Dawada intaba ka wanaagsani se waa inaad marwalba la tashato oo aad booqato dhakhtarka si aad u ogaato nooca dawo ee kugu habboon da’ ahaan, jir ahaan, jinsi ahaan, dawooyinka uu hore ula haystay jidhkaagu iyo xaalaynta duruufo kaleba.

Sidoo kale hababka ugu caansan ee ragga lagu la tacaalo waxa ka mid ah habka loo yaqaan Intrauterine Insemination (IUI) habkani waa in la qaado shahwada ninka oo lagula shubo tuubbo minka haweenayda ujeedkuna waa kordhinta spermka gaaraya gudaha haweenayda taasoo bacriminta ka dhigaysa mid sahlan.

Ugu danbaynna habka ugu natiijo wanaagsani waa habka loo yaqaan In-vitro fertilization(IVF) waana in shahwada ninka iyo ugxanta naagta labadaba lagu bacrimiyo Lab-ka waana macquul in laba qof oo aan is aqoon uu mid kood ku deeqo shahwadiisa sidaana ka kale shahwadiisa lagula falgelsho middii ku deeqaha(Donor) IVF waxa ay ku kacdaa qiime ahaan qiyaasta 20,000 – 25,000+ oo dollar taasi waxa ay muujinaysaa baahida loo qabo hadiyadda ugu wayn ifka waa dhallaanka e! waxaana la adeegsadaa habkan marka ay adagtahay in bukaanka siyaalo kale loo caawiyo tusaale ahaan in marinka minku uu dhaawacmo, shahwada(Sperm)oo aan awoodin inay iskeed u bacrimiso ugxanta ama xaalad dhalmo la’aan oo aan la aqoonsan!

Wabillaahi towfiiq
Qore Cali Maxammed Cabsiiye
Xigasho: Demystifying Medicine

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *