Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu weynaado, sababtuna waa shaqada maskaxda qaybteeda ‘Prefrontal cortex’ oo shaqadeedu daciifto. Waa maskaxda qaybteeda hore ee foodda ka hoosaysa, waxa aanay qaabilsantahay waxyaabaha fikirka la xidhiidha, sida qorshaynta, go’aan qaadashada, arrimaha dareenka la xidhiidha. Waxaa lagu naanaysaa maamulaha maskaxda, iyo in maskaxdu si habsami ah u shaqayso.

Marka da’da laga tago, waxaa jira waxyaabo kale oo keena in shaqada maskaxda qaybteedaasi ay hoos u dhacdo. Waxaa ka mid ah qofka oo qabta shaqooyin iyo hawlo baaxad leh aadna u kala geddisan oo ka badan inta dabiiciga ah, waxa kale oo ka mid ah qofka oo hurdo ku filan seexan waaya.

Haddaba, qofku si uu kor ugu qaado habsami u shaqaynta maskaxdiisa, ugana hortago illowga. Waxaa fiican in aad samayso jimicsiyada u wanaagsan shaqada maskaxda, sida furfurista halxidhaalayaasha, iyo ciyaaraha shaqada maskaxeed u baahan. Tusaale ahaan, qoraal dheer soo qaad, kaddibna waxa aad tirisaa mid ka mid ah xarfaha ku jira, ka soo qaad inta xaraf ee ‘S’ ah ee ku jira.

Waxa kale oo xal noqon kara in qofku mararka qaarkood ka baydho hawlaha ay maskaxdu sida joogtada ah u qabato ee ay la qabsatay, tusaale ahaan in aad barato dad cusub oo aragtiyo kala duwan leh, in aad barato meelo ama waxyaabo cusub sida luuqad cusub iwm.

Shaqada maskaxda qaybteeda ‘Prefrontal cortex’ waxaa kale oo u fiican jimicsiga jidhka, iyo ciyaaraha shaqada maskaxda u baahan, iyo in aad ka fogaato xaaladaha nafsiga ah, iyo in aad dhaqso isaga daweyso marka ay kugu yimaaddaan.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *