Cilladda Ay Ilmaha Ku Dhashaan Ee Down Syndrome Iyo Daryeelka Ay U Baahan Yihiin

Cillada Down syndrome waa cillad ku dhacda jirka iyo maskaxda kana soo bilaabata khalad ku yimaada hida sidayaasha dhalashada ilmaha kahor.

Caruurta qabta cillada Down syndrome waxay leeyihiin qaab ka duwan kan caruurtaa caadiga ah. Waxay leeyihiin, waji fidsan iyo qoor gaaban. Sidoo kale waxay qabaan dhinaan xaga maskaxda ah. Taasoo ay ku kala duwanyihiin caruurta qabta cillada Down syndrome.

Cillada Down syndrome waa mid qofka ku dhashaa waligiis qabayo oo aan daawo lahayn. Balse hadii la caawiyo qofka qaba cilladaan wuxuu ku noolaan karaa nolol wanaagsan oo farxad leh.

Maxaa sababa cilladda down syndrome?

Cillada Down syndrome waxaa sababa khalad ku dhaca qaabab yar yar oo ku dhex jira unugyada jirkeena. Caadi ahaan qof walba wuxuu leeyahay malaayiin unugyo ah oo jirkeenu ka samaysan, unugyada dhexdooda waxaa kujira qaabab yar yar oo loo yaqaan koromasoomo.

Dadka caadiga ah waxay leeyihiin 46 koromasoom , balse dadka ku dhasha cillada Down syndrome waxayn yeeshaan 47 koromasoom. Sidaa daraadeed hadii qofku yeesho in kabadan xadiga caadiga ah ee koromasomada jirkeenu leeyahay waxaa isbadala qaab dhismeedka jirka iyo maskaxda qofka. Taasoo keenaysa in qofku noqdo mid jir ahaan iyo maskax ahaan wax u dhimanyihin.

Khuburada caafimaadku ilaa hada ma oga sababta keentay cilladda Down syndrome. Balse waxaa jira waxyaalo siyaadin kara inaad dhashid ilma qaba cilladda Down syndrome. Waxaana kamid ah;

  • Hooyada oo uur yeelata ayada oo da’deedu wayn tahay
  • Hadii walaalahaa qaar kamid ah uu qabo cilladda down syndrome
  • Hadii aad horay u dhashay ilma qaba cillada Down syndrome

Astaamaha lagu garto cilladdaan

Caruurta ku dhasha cillada Down syndrome waxay leeyihiin ama lagu gartaa calaamadahan;

  • Qaabka samayska wajiga oo ka duwanaada kan dadka caadiga ah, wajigu wuxuu noqonayaa mid siman oo aan lahayn qaabka dadka kale, dhagaha oo yar yaraada, indhaha oo noqda kuwa buur buuran, iyo afka oo yaraada.
  • Qoorta oo gaabata ama noqota mid ka gaaban sida dadka caadiga ah, gacmaha iyo lugaha oo gaa gaabta.
  • Murqaha oo daciifa iyo kala goysyada oo dabca
  • Qofka oo caqligiisa ama garashadiisu yaraato

Inta badan caruurta ku dhalata cillada Down syndrome waxay sidoo kale ku dhashaan xanuuno kale sida, wadna xanuun ama cillad xaga wadnaha ah, xiidmaha, dhagaha, iyo neefsashada oo dhibta. Dhamaan xanuunadan waxay nolosha bukaanka ka dhigayaan mid adag, waxayna keenaan dhibaatooyin caafimaad sida, neefsashada oo qofka ku adkaata, infekshino kala duwan, dhaga la aan. Balse nasiib wanaag inta badan cuduradaan waa kuwo la dawayn karo.

Daryeel noocee ah bey u baahan yihiin caruurta ku dhasha cilladaan?

Ilmaha ku dhasha cillada Down syndrome wuxuu u baahan yahay daryeel ka duwan midka ay u baahan yihiin caruurta caadiga ah. Sidaa daraadeed waa in si deg deg ah baaritaan caafimaad loogu sameeya marka cunnugu dhasho.

Ilmaha ku dhasha cilladaan waxaa laga baaraa inuu qabo dhibaatooyin caafimaad sida, xanuunada indhaha, dhagaha, qanjirka taroodka iyo kuwo kaloo badan. Hadii xilli hore la ogaado in cunnugu qabo qayb kamid ah cuduradaan waa in si deg deg ah loo daweeyaa, si aysan saamayn ugu yeelan koritaanka iyo nolosha cunuga.

Badanaa ilmaha ku dhasha cilladaan waxay u baahnadaan in lagu tababaro siday hadalka u baran lahaayeen iyo siday socodka u baran lahaayeen.

Sidoo kale cunnugu markuu waynaado wuxuu u baahanayaa in la baro qaabkii uu u shaqaysan lahaa si uu noloshiisa u maareeyo. Sidaa daraadeed hadii aad tahay waalid dhalay ilmo xanuunka qaba waa inaad mar walba ku xirnaataa dhakhtar aqoon u leh xaaladaan. Ogoow cilladaan malahan dawo lagu cirrib tiri karo, balse waxay leedahay qaabab qofka noloshiisa iyo caafimaadkiisa loo hagaajin karo ayadoo lala kaashanayo dhakhaatiirta.

Waalidka dhala caruurta qabta cillada Down syndrome waxaa khasab ku ah inay bartaa oo aqoon dheeri ah u yeshaan cilladaan si ay u maareeyaan caafimaadka iyo nolol wanaaga ilmahooda.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *