Filashada Jaamacadda Kadib: Run Iyo Riyo Iyama? (Qeybtii: 3-Aad)

JAAMACADAHEENNU MA SOO SAARAAN QOF SHAQO TEGI KARA?

Jaamacadaheennu sannad kasta waxa ay soosaaraan boqollaal dhalinyaro ah oo dhammaystay heerarka kala duwan ee waxbarashada, laakiin runta nasiibdarrada ahi waa in dhalinyaradaas soo qalinjebinaysa aanay u carbisnayn shaqo in ay toos u bilaabaan, marka laga tago midhadh iyagu fursado kale helay.

Sababaha keenaya waxaa ka mid ah gaabis badan oo nidaamka tacliinta sare ee dalka ku jira, jaamacadaha, hay’adda tacliinta sare, wasaaradda waxbarashada iyo guud ahaan daneeyeyaasha waxbarashada midkoodna sidii ay ahayd uma ay qabsan shaqadooda, sababahan awgood:

1. Waxbarasho aan ficil wadan

Manhajka jaamacadaheennu waxa uu xoogga saaraa, waxbarashada aragtiinka macluumaadka guud (Theoretical Knowledge). Ardayga marnaba fursado looma siiyo in uu helo tababarro iyo waxbarasho ficil ah (Practical experience).

Arrintani waxa ay keenaysaa in ardaygii oo maskax ahaan culuumtii ka buuxdaa, aanu haddana awoodi karin in uu si ficil ah u dhaqangeliyo. Waxa ay ka mid tahay sababaha dhalinyarada jaamacadaha ka soo baxaysa ku adkaysay helitaanka shaqada.

Nidaamka shaqo ee dalka ka jira (shirkadaha, hay’adaha dawladda ama madaxbannaan, iyo ganaciyada kalaba) uma diyaarsana in qofka aqoonta leh ay siyaan fursad uu shaqada ugu tababarto. Shuruuddoodu waa in qofku maalinta la qaataba hore ka bilaabo shaqada oo uu sida ugu qurux badan u gudanayo, taas oo qasab ka dhigaysa in sooyaalka shaqo iyo waayoaragnimada qofka ay si gaar ah u daneeyaan.

Ma jiro nidaam dalka ka jira ama xilkasnimo naftooda ku jirta oo loo shaqeeyeyaasha ku cadaadinaya in ay fursado siiyaan dadka aan waayoaragnimada badan lahayn ee laakiin aqoontii leh, una darban in ay shaqada ku tababartaan.

Ceebta kale ee jirta ayaa ah in inta badan ee loo shaqeeyeyaasha qudhoodu, aanay lahayn aqoontii iyo kartidii ay shaqaale aan waayoarag ahayn ku diyaarin lahaayeen, ama sidaas ma’aha ee waxa aanay diyaar u ahayn in qof cusub ay maalgeliyaan oo shaqada ay baaan, taas oo laga yaabo in kharash yar ama waqti ay ka lumiso. Waxaa ka sii daran maamulaha shaqo oo aan diyaar u ahayn in uu u dulqaato qaladaadka ka dhici kara xilliga hore ee uu qofka cusubi kacaa-kufka shaqo ku jiro.

Waa sababta aad u arkayso dad kooban oo shaqooyinkii dalku u xidhanyihiin, intaas ayuun baa shaqada u kala warwareegta, oo hadba meel cusub tagta, halkay bannaysayna ay cid kale oo iyaga uun ka mid ahi u weydaarataa.

Xirfadaha dabacsan

Waayoaragnimada laga bartay nolosha shaqo ee adduunyada iyo isdhexgalka bulshada, waxaa ka mid ah in habdhaqanka iyo galaangalka bulsho uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro samaysashada xidhiidhada, war is gaadhsiinta iyo xitaa shaqo helidda.

Jaamacadaheennu waxa ay xoogga saaraan waxbarashada buugga ee tooska ah, ardaygeenuna in uu jaamacad bilaabo waxa uu ka qaadaa qab ah in aanu aqoon dheeraad ah u baahnayn. Labadaas oo is kaashaday ayaa noqday cudur dila ardayga mustaqbalkiisa shaqo.

Waxaa muhiim ah in jaamacaddu ay ardayga ku baraarujiso in ay jirto culuum badan oo aanay iyadu dadka barin ee bannaanka taallo. Waa in ardaygeeda ay fahamsiiso in waxbarashadu ay tahay geeddisocod, jaamacaddunna ay tahay uun mid ka mid ah boosteejooyinka la marayo, inta geeddiga lagu jiro.

Waxaa jira xirfado kaabayaal ah oo ay tahay in aynnu ku kabno xirfadda aynnu waxbarashada jaamacadda ku baranayno. Waxaa ka mid ah in ardaygu uu helo tababarro, iyo aqoonkorodhsi guud oo ay ka mid tahay; barashada waxa aynnu ku tilmaami karno ‘xirfadaha dabacsan’ (Soft Skills) dadka qaarna uba yaqaannaan xirfadaha dadka (People Skills).

Xirfadahan jaamacaduhu ma dhigaan, ardayguna kama maarmo, sidaas awgeed waa in uu ku baraarugsanaadaa raadintooda; waxaa ka mid ah culuumta iyo waayoaragnimada laga sameeyey hoggaaminta, qaabka xallinta khilaafaadka, habdhaqanka shaqada iyo shaqaalaha, Maaraynta waqtiga, shaqo-wadareedka, la shaqaynta dadka dabeecadaha iyo dhaqannada kala duwan, xidhiidhka iyo war-isgaadhsiinta, is iibinta iyo bulshada dhexgalkeeeda.

Barashada Ingiriisiga

Isdhexgalka dhaqaale ee adduunka oo noqday edeg lagu wada jiraa, waxa ay caalamiyeysay shaqadii dunida oo ay abuurtay baahi xidhiidh oo dhaqanno iyo dadyow kala duwan ah. Sida oo kale Teknoolajiyadda nolosha dhinacyadeeda oo dhan saamaynta ku yeelatay, oo afka ay ku dhisantahay yahay Ingiriisi, waxa ay qasab ka dhigtay in afka Ingiriisigu uu noqdo furaha isfahamka aqoonta, dhaqanka iyo dhaqaalaha adduunka.

Taasi waxa ay afka ingiriisiga ka sarraysiisay afafkii kale ee adduunka, illaa heer uu ku sigto in uu ka baxo afnimadii oo uu ku tirsamo cilmiyada la barto. Sidaas awgeed afka Ingiriisigu waxa uu muhiim u yahay inta badan ee shaqooyinka casrigan. Nasiibdarro se ardaygu kama helo jaamacadaheenna.

Jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee dalku waxa ay sheegaan in afka ay wax ku dhigaan uu yahay Ingiriisi, laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay in casharradu ay ku qoran yihin Ingiriisi laakiin isfahamka macallinka iyo ardayga iyo sharraxaadduba (Medium Language) ay yihiin Afsoomaali. Sidaas awgeed af Ingiriisiga uu ardaygu bartaa waa keliya erey bixinaha maadadda uu baranayo.

Jaamacadaha dalku waxa ay soosaaraan arday aan awood u lahayn afka ingiriisiga qoraal iyo hadal, sidaas awgeed waa caqabad kale oo ardayda ay soo saaraan ka hor istaagta shaqada, ama xitaa mararka qaarkood in uu waxbarasho sare dibadda ah raadsado.

LA SOCO…

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jaamacado, waxbarasho, ardayda,

Jaamacaduhu Ma Xarumo Cilmi Baa, Mise Waa Aalad Lagu Faafiyo Gumaysiga?

Muddo dheer waxaa dunida ka jirta dood ah in reer galbeedku ay waxsoosaarkooda aqooneed, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *