Jaamacaduhu Ma Xarumo Cilmi Baa, Mise Waa Aalad Lagu Faafiyo Gumaysiga?

Muddo dheer waxaa dunida ka jirta dood ah in reer galbeedku ay waxsoosaarkooda aqooneed, iyo nidaamkooda waxbarasho ku gumaysteen maskaxaha aadamaha kale. Bare-sare Ramon Grosfoguel, ayaa ka mid ah indheergaradka hormuudka u ah doodda ah in waxbarashada jaamacadeed iyo tacliinta sare ee dunida maantu ay ku dhisantahay dhaqan iyo xadaarad reer galbeed oo aan waxba ka qaadan aragtiyihii iyo xadaaradihii ka horreeyey. Gaar ahaan, waxsoosaarkii aqooneed ee dunida islaamka lagu curiyey oo aad u sarreeyey.

Reer galbeedku tabo iyo siyaasado kala duwan, ayaa ay ku meel mariyeen waxbarahsadaas kootada ugu xidhan dhaqankooda iyo xadaaraddooda, si ay dunida ugu faafiyaan hidde iyo dhaqan reer galbeed.

Doodda Ramon Grosfoguel ee ah, in nidaamka waxbarasho ee reer galbeedku uu yahay gacan gumaysi oo dadunida ay ku qabsadeen, waxa uu ku dhisay qodobbo ay ka mid yihiin:

Ku sandullayn:

Tacliinta jaamacadeed, iyo guud ahaan nidaamka waxbarasho ee reer galbeedku uu dhaqannadii dunida dusha kaga soo rogay, waxa uu ku guulaystay in shakhsiyadda dadka, dhaqannada iyo bulshooyinka dunida lagu faafiyo nidaamka aqooneed ee reer galbeedka, falsafaddooda, hab-fikirkooda, qiyamkooda, iyo in shay kasta laga istaago dhinaca ay iyagu ka eegayaan. Arrintani waxa ay qiimatirtay, isla markaana faquuqday waxsoosaarkii waxbarasho, dhaqannadii iyo aqoontii ay lahaayeen dadyowga kale ee dunidu.

Caalaminnimo khuraafaad ah:

Ramon Grosfoguel waxa uu ku doodayaa, in nidaamka waxbarasho ee reer galbeed uu isu dhigto, ama dunida loogu sheegay, in uu yahay caalami ka sarraysa nidaamyada aqooneed ee dunida oo dhan.
Waxaa lagu qeexay in uu ku dhisanyahay xaqiiqo, iyo waaqac I tus iyo taabsii ah oo aanay ku dhexjirin, ama ka nasahan eex, fikir shakhsi ah iyo dareen qofeed (universal and objective).

Waxaa dunida laga dhaadhiciyey, in uu jiro nidaam keliya oo waxbarashada iyo waxsoosaarka aqooneed loo maro, gaar ahaan waxbarashada sare, kaas oo ay tahay in ay maraan dhammaan dadka, dhaqamada iyo xaaladaha kala duwan ee dunidu.

Waa aragti liidata oo iska indha tiraysa kala duwanaanta dhaqannada iyo xadaaradaha dunida oo mid kastaa uu nuxurkiisa iyo duxdiisa gaarka ah leeyahay.

Cadaawadda aqooneed:

Ramon Grosfoguel waxa ku dooday, in reer galbeedku ay si cunfi iyo xoog sheegasho ah sharcidarro uga dhigeen, una tirtireen ogaalkii, iyo habkii aqooneed iyo faham ee dadyawgii dunida ee ay gumaysteen. Waxa ay abuureen duruufo iyo marin habaabin sababtay in loo fahmo in hababka aqooneed ee reer galbeedku ay ka sarreeyaan dhiggiisa dunida oo dhan. Waxaana ka dhashay faham qaldan oo ah, in afkaarta iyo aragtiinka reer galbeedku ay yihiin sharci iyo run aan la dhaafi karin, wax kasta oo ka baydhaana uu yahay sharcidarro iyo jaahilnimo, qiime aqooneedna aanu lahayn.

La Soco….

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

jaamacada, aqoonta, cilmiga,

Jaamacaduhu Ma Xarumo Cilmi Baa, Mise Waa Aalad Lagu Faafiyo Gumaysiga? (Qeybtii 3-Aad)

Mar haddii aynnu ku nuuxnuuxsannay in nidaamka waxbarasho iyo waxsoosaarka aqooneed ee reer Galbeedku uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *