Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Mise Riyo? Qeybtii Labaad

Maxaa waxbarasho jaamacadeed laga dheefaa?

Marka laga tago waxbarashada uu qofku ka korodhsanayo jaamacadda oo ah midda aasaasiga ah ee uu marka horeba u tegey, waxaa jirta faa’ido kale oo arday kasta oo dadaalaa uu ka helo. Waa raad togan oo ay jaamacaddu ku reebto nolosha qofka oo dhan, waxa aynu ka xusi karnaa;

1. in ay kobciso aqoonta guud iyo xirfadda qofka,

2. in ay koriso maskaxda, una diyaariso awood fikir iyo maanshiil oo sarraysa. Tusaale ahaan waxa ay ku tababartaa tabaha xallinta dhibaatooyinka soo waajaha, la tacaalista caqabadaha, lafagurka iyo falanqaynta, doodda iyo u dulqaadashada naqdiga iyo aragtiyaha ka duwan kuwiisa, iyo sida oo kale in uu nolosha odorosi karo.

3. Waxa ay dhistaa, shakhsiyadda qofka, tusaale ahaan waxa ay u diyaarisaa in uu naftiisa ku kalsoonaado, madaxbannaani aragtiyeed, awoodda is xakamaynta ee qofku uu naftiisa ka adkaan karo, iska caabbinta saamaynta ay maskaxda ku yeelan karaan aragtiyaha bannaanka kaga imanaya. Anshaxa, iyo hab-nololeedka toosan oo ay ka mid tahay, maaraynta waqtiga, ku dhiirashada go’aan-qaadashada, maskax tuujinta, iwm.

4. Jaamacaddu waxa ay qofka u carbisaa ku dhiirashada dad barashada, xidhiidho abuurista, iyo in qofku uu u diyaarsanaado waxbarasho iyo aqoon korodhsi joogto ah. Arrintani waxa ay ka caawisaa in aanu ka dhicin tareenka nolosha adduun ee sida xawaaraha ku socota u casriyoobaysa, iyo in uu la jaanqaadi karo isbedellada joogtada ah ee ku imanaya waxbarashada, shaqada iyo dhinacyada kale ee nolosha oo dhan.

Qodobbadaas iyo kuwo kale oo badan oo laga helo waxbarashada heerka jaamacadeed, waxa ay muhiimad weyn u leeyihiin nolosha shakhsiga ah iyo xirfadda mustaqbalka qofka, waxa aanay fududeeyaan in qofku uu si toos ah ama si dadban ugu helo shaqo ama hab uun kale oo uu noloshiisa dhaqaale ku maarayn karo.

Sidaas awgeed waa ay ka tixgelin mudan yihiin, dheefta marka koowaadba maskaxda ku soo dhacda ee ah in shahaadada lagu helo shaqo, taas oo haddii ay dhaqso u dhici weydo, ardayga ku keenta in uu qoomameeyo waxbarashadii oo waqti lumis ula ekaata, iyo in uu garan waayo jiho sax ah oo uu uga dhaqaaqo halka uu taagan yahay.

Shahaadada jaamacaddu ma tahay furaha shaqo lagu helo casrigan?

Aqoonta jaamacaddu waxa ay weli kaalmaha hore kaga jirtaa furayaasha shaqo helista iyo shaqo-wanaagga qofka. Waxaana jira shaqooyin ay weli shahaadada jaamacaddu shardiga koowaad u tahay. Waxaa ka mid ah, dhakhtarnimada, Qareennimada, Injineeriyadda, macalinnimada jaamacadda iyo dugsiyada badankooda, maamulka fulinta, iyo Maaraynta ganacsiyada, shaqooyinka sayniska la xidhiidha iwm.

Si kastaba ha ahaato e, waayo-aragnimada laga helay shaqooyinka iyo hannaanka shaqo ee sii casriyoobayaa waxa ay keentay, in muhiimaddii hayshada shahaadada jaamacaddu u lahayd shaqadu ay hoos uga soo dhacdo halkii ay hore u taagnayd.

Tusaale ahaan haddii hore loo aaminsanaa in waxbarasho jaamacadeed ay tahay waxa keliya ee shaqo fiican kaa xiga, waxaa hadda la ogaaday in ay kor u soo kacday kaalinta ay waayo-aragnimada iyo aqoonta guud ku leeyihiin shaqo helidda iyo shaqo dallacistaba, iyo xitaa in marar badan uu loo shaqeeyuhu uu marar badan waayo-aragnimada iyo aqoonta guud ee qofka doorbidayo, marka loo eego shahaadada jaamacadda ee uu sito.

Gaar ahaan marka ay tahay shaqooyinka uu isbeddelkoodu joogtada yahay, sida kuwa ku tiirsan teknoolajiyada oo xirfadda iyo tayada tababarka ee uu qofku shaqada u leeyahay ay marar badan ka muhiimsan yhihiin shahaadada jaamacadeed ee uu u sito. Waxaa ka mid ah, horumarinta iyo dhismaha Barnaamijyada kombiyuutarka (Software developers / Programing). Nashqadaynta garaafigga (Graphic designers) shaqooyinka la xidhiidha la macaamilka dadweynaha iyo adeegga macmiisha, (Customer services). Qaybo ka mid ah shaqooyinka la xidhiidha waxsoosaarka iyo warshadaha, ee lagu barto farsamada gacanta iyo tababarrada.

Dilaaliadda suuqa oo dunida lacag badan laga sameeyo, suuqgeynta iyo xirfadaha iibka, qiimaynta baahiyaha suuqa, abuurista fursadaha suuqa, hal-abuurka ganacsiga iyo hindisidda ganacsiga, gaar ahaan marka la adeegsanayo teknoolajiyada. Iwm.

Shabakadda caanka ah ee LinkedIn oo dhowaan tirakoob ku samaysay sida ay shirkaduhu ku doortaan shaqaalaha cusub, waxa ay ogaatay in waxa ugu muhiimsan ee ay eegaan uu yahay waayo-aragnimada qofka. Tusaale ahaan, shirkadda warbaahineed ee saxafi shaqaalaysiinaysaa, qofka jaamacadda qaybta injineeriyadda dhismaha ka soo Qalinjebiyey, laakiin muddo saxaafadda ka shaqaynayey, ama afka Ingiriisiga ku takhasusay, laakiin xariif ku ah duubista kamaradaha iyo farsamada filim soosaarista ayaa ay ka jeceshay, qof saxaafadda bartay laakiin aan wax khibrad shaqo ah u lahayn.

Sahamin lagu sameeyey shuruudaha shaqaalaynta ee shirkadaha Ingiriiska, waxaa lagu ogaaday in ay soo badanayso tirada shaqooyinka aan dhammaysashada jaamacadda shardi looga dhigayn.

Shantii shirkadood ee kastaa ee shaqaale qaadanaya, afar ka mid ah ayaan danaynin nooca shahaadada jaamacadeed ee uu qofku sito, taas beddelkeedana waxa ay daneeyaan khibraddiisa shaqo.

Jaamacadaheennu ma soo saaraan qof shaqo tegi kara

La soco…

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jaamacado, waxbarasho, ardayda,

Jaamacaduhu Ma Xarumo Cilmi Baa, Mise Waa Aalad Lagu Faafiyo Gumaysiga?

Muddo dheer waxaa dunida ka jirta dood ah in reer galbeedku ay waxsoosaarkooda aqooneed, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *