Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Iyo Riyo Iyama? (Qeybtii 4-Aad)

Jaamacadaheennu ma soo saaraan qof shaqo tegi kara?

2. MANHAJYO AAN CASRI AHAYN

Siyaasadaha waxbarasho ee dawladaha adduunka dhismay waxa ay xoogga saaraan, in ay joogto u casriyeeyaan manhajkooda waxbarasho, si uu ula jaanqaado horumarka xawaaraha ku socda ee ay aadamuhu ka samaynayaan nolosha dhinacyadeeda, ay teknoolajiyadu ka mid tahay. Nasiibdarro se, guud ahaan nidaamka waxbarasho iyo gaar ahaan tacliinta sare ee dalkeennu lama socdo tareenkaas.

Taas waxaa barbar yaalla, shaqooyinka dalka oo u badan kuwo la tallaabsaday horumarkaas dunida. Ma aha keliya ganacsiga ku dhisan teknoolajiyada, sida isgaadhsiinta noocyadeed, bangiyada iyo waxsoosaarka warshadaha, balse xitaa hay’adaha iyo nidaamyada xafiis ee kala duwan ayaa la mid ah, sida oo kale baayacmushtarkii soo jireenka ahaa ayaa bilaabay horumar casriya, sidaas awgeed mar kasta kala fuq iyo kala duwanaanshiiye weyn ayaa u dhexeeya waxa uu ardaygu bartay, iyo waxbarashada ficilka ah ee ay u baahantahay shaqada suuqa taallaa.

Taasina waa caqabad kale oo dhalinyaro badan ka dhigtay kuwo aanay shahaadadooda jaamacaddu u goynaynin in ay toos u shaqo galaan.

3. ISKAASHI LA’AANTA JAAMACADDA IYO SHAQO BIXIYAHA

Ardayda jaamacadaha dalku ma helaan fursadaha ay isku dhisi karaan aqoon iyo waayoaragnimo ahaan oo ka baxsan waxbarashada tooska ah, ama waa ay xaddidanyihiin fursadaha ay helaan ee aqoonkorodhsi, waayo-aragnimo helid, ku tababarasho shaqo, iyo hagid ah. Arrimahaas oo ah biriishka ugu fiican ee isku xidhi kara waxbarashada iyo shaqada.

Waa waajib in nidaamka waxbarasho ee jaamacadda ay ku jiraan aqoon-hawleed ardayga fursad u siisa in uu si ‘i tus iyo taabsii ah’ ficil ugu rogo waxa uu fasalka ku bartay (University fieldwork). Waa habka ugu fiican ee ardayga isugu xidhi kara aqoonta fasalka gudihiisa lagu baray iyo waaqaca shaqo iyo xaqiiqada qaabka ay u hawlgeli karto aqoonta uu bartaa.

Waxa se ay dhibtu ka imanaysaa jaamacadaha oo aan wax xidhiidh ahi ka dhexeynin shirkadaha, hay’adaha, xafiisyada iyo guud ahaanba goobaha ku shaqeeya aqoonta ay bixinayaan, tusaale ahaan jaamacadaha culuumta xisaabaadka bartaa, wax xidhiidh lama laha bangiyo. Ganacsiga, suuqgeynta, maamulka iyo maaraynta, farsamada iyo noocyada injineeriyadda, caafimaadka iyo noocyada kala duwan ee sayniska, sharciga, culuumta bulshada, siyaasadda iyo xidhiidhada caalamiga ah iyo guud ahaan kulliyadaha kala duwanina waa la mid. Sidaas awgeed uma suurtagelayso in ardaygooda ay uga helaan fursad shaqo ku tababarasho.

Waa hab ay ardaydu ku heli kari lahayd waayoaragnimo fiican oo ay shaqo ku bilaabi karaan jaamacadda kaddib, iyo hab ay ku heli lahaayeen waayoaragnimo la xidhiidha shaqada, hannaanka iyo anshaxa shaqada, hab macaamilka, iyo xidhiidhka shaqaalaha heerarka kala duwan iyo maamulka, la macaamilka bulshada loo shaqaynayo iwm. Waxa ay ardayga u fududaynaysaa in isaga oo waxbrashadii wada uu arko taakooyinka ka hor iman kara marka uu heerka ku shaqaynta aqoonta u gudbo, kaddibna fasalka ayaa uu kula soo noqonayaa si xalka halkaas loogu daraaseeyo.

Sida oo kalana waxa uu ardaygu korodhsadaa xirfado cusub oo aan fasalka lagu barin, waxa ay si run ah u dul istaagaan gorfaynta iyo falanqaynta dhibaatooyinka iyo xallintooda.

Waxaa intaas dheer in ay kobocdo awoodda maskax tuujinta ardayga iyo heerka fikirkiisa naqdiga ahi, in ay gacantu u furanto oo uu si madaxbannaan u shaqayn kari doono mustaqbalka, iyo in uu dhaqanno iyo goobo cusub barto. Sida oo kalana waxa uu isbarasho iyo xidhiidho cusub la yeeshaa dadka ay isku aqoonta yihiin ee shaqada uga horreeyey, kuwa uga aqoonta badan iyo / ama hadda waxbarashada ku jira ee jaamacadaha kale ka socda.

4. GOOBO TABABAR MA JIRAAN

Dalalka aanay hay’adahooda waxbarasho u diyaarsanayn ama duruufuhu u saamaxayn in ay xidhiidh iskaashi iyo wada shaqayneed la yeeshaan goobta shaqada, waxaa kaalintaas kaba xarumo, machadyo iyo kulliyado ay shirkadaha, hay’adaha madaxa bannaan, shaksiyaadka waayo-aragga ah, iyo sida oo kale dawladdu ka shaqaysiiyaan oo ardayda jaamacadaha ku jira lagu siiyo tababarro waxbarasho iyo waayo-aragnimada shaqadu u baahantahay.

Nasiibdarro dalka kama jiraan xarumo noocan ahi, marka laga tago goobo kooban oo si shakhsi ah ay xirfadlayaal ugu bixiyaan tababarro dhinaca nolosha u badan, kuwaas oo dabcan, aad uga duwan tababarrada iyo waayoaragnimada shaqo ee ardaygu u baahanyahay.

Ma jiraan caqabado jaamacadaha ka hortaagan in ay kaalintooda qaataan?

La Soco…

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jaamacado, waxbarasho, ardayda,

Jaamacaduhu Ma Xarumo Cilmi Baa, Mise Waa Aalad Lagu Faafiyo Gumaysiga?

Muddo dheer waxaa dunida ka jirta dood ah in reer galbeedku ay waxsoosaarkooda aqooneed, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *