Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Iyo Riyo Iyama? (Q: 5), Caqabadaha Jaamacadda Haysta

Caqabadaha Jaamacadda Haysta:

Marka laga tago caqabadaha iyo xakamayaasha haysta guud ahaan hay’adaha horumarineed ee dalka, waxaa jira kuwo u gaar ah tacliinta sare oo taako ku noqon kara gaadhitaanka heerka laga filayey, waxa aynnu ka xusi karno:

1. Dhaqaale xumo: Isha keliya ee ay jaamacaduhu dakhliga ka helaan waa lacagta waxbarashada ee ardayga laga qaado. Lacagtaasi kuma filnaan karto bixinta kharashaadka hawleed ee jaamacadda, iyo in la sameeyo mashaariicda horumarinta waxbarasho; sida qalabaynta, dhismaha qaybaha cilmibaadhista, dejinta iyo horumarinta manhajka, qabanqaabada kulammada aqooneed, iyo soo shaqaalaysiinta ama casuumidda macallimiinta aqoontoodu sarrayso iyo xeeldheerayaasha.

2. Hay’adda tacliinta sare waxa ay noqotay hoyga hawlgabka, dadka masuuliyaddeeda hayaa waxa ay u badan yihiin waayeel aan waxbarashadooda iyo khibraddooda lagu samayn dib u cusboonaysiin la jaanqaadaysa dunida hadda la joog, iyo masuuliyiin aan akademi ahayn oo hay’addan loo geeyey keliya in lagu gunneeyo.

3. Ma jiraan siyaasado la saxartiray iyo mabaadii’ guud oo lagu maamulo, laguna horumariyo tacliinta. Waxaa muuqata in wasaaradda, guddiyada iyo hay’adaha tacliinta ee dalku aanay waxbarashada sare siinin muhiimaddii ay mudnayn. Waxaa ugu horreeya dib u habaynta iyo xakamaynta nidaamka furista jaamacadaha, tayeynta manhajyada tacliinta sare, kormeerka iyo ka warqabka siyaasadaha iyo nidaamyada waxbarasho ee jaamacadaha, la socoshada takhasusyada ay bixinayaan iyo baahida looga qabo dalka, kormeerka tayada barayaasha jaamacadaha, iyo in jaamacadaha lagala shaqeeyo dhismaha ardayda soo baxaysa.

Tababarka macallimiinta wax ka dhigaya jaamacadaha, iyo in loo sameeyo aqoonkorodhsi iyo kor u qaadista aqoontooda iyo nidaamka waxbarasho ee ay raacayaan.

MAXAA TALO AH…

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jaamacado, waxbarasho, ardayda,

Jaamacaduhu Ma Xarumo Cilmi Baa, Mise Waa Aalad Lagu Faafiyo Gumaysiga?

Muddo dheer waxaa dunida ka jirta dood ah in reer galbeedku ay waxsoosaarkooda aqooneed, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *