Faa’iidada Lawska Iyo Ahmiyada Ay Leedahay In La Joogteeyo Cunistiisa

Lawska waxa uu ka mid yahay cunnooyinka loogu magac daray “superfoods” sababtuna waa waxtarka uu u leeyahay qeyb kasta oo jirka ka mid ah, faa’idooyinkiisuna ma ahan kuwo la soo koobi karo, wuxuu yareeyaa cayilka xad dhaafka ah, wuxuu ka hortagaa cudurka sonkorowga, wuxuuna sare uu qaadaa caafimaadka wadnaha. Sidoo kale cunista lawsku waxay uroontahay qurxinta maqaarka iyo timaha.

Lawsku wuu noocyo badan yahay wuuna sii kala faa’ido badan yahay, noocyada lawska ee walnuts, almonds, pistachios iyo peanuts ayaa la aaminsan yahay inay ugu waxtar badan yihiin. Peanuts-ka waxaa lagaa helaa barootiin dhif ku ah noocyada kale ee lawska.

Waxaa lawska ku jira dufanno caafimaadka uroon, fiber, barootiin, macdana magnesium, phosphorus, selenium iyo fitamiinno sida fitamiin E.

Lawsku waxa uu ragga u leeyahay faa’idooyin waa wayn, waxa uu ka ilaaliyaa kansarka qajirka xiniinyaha ee borosteytka iyo kacsi la’aanta, wuxuunasare u qaadaa tayada shahwada.

Cunista lawska dumarku waxay ka helaan qurux, waxaa ku badan fitamiin E, maqaarka wuu iftiimiyaa timahana wuu jilciyaa.

Caafimaadka wadnaha:

Lawska waxaa ku badan dufanka caafimaadka uroon ee Omega3. Dufankaan wuxuu xakameeyaa kolestaroolka dhiigga. Lawsku wuxuu sare qadaa kolestaroolka wanaagsan wuxuuna yareeyaa kolestaroolka xun. Cunista lawska nooca pistachios ayaa la arkay inay hoos u dhigto heerka aashito baruureedka loo yaqaanno “triglycerides” ee dadka cayilan iyo dadka qaba sonkorowga. Daraasad kale oo dhowaan la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in cunista lawsku ay yarayso 30% xanuunka xididka wadnaha.

Quruxda maqaarka:

Wuxuu lawsku qani ku yahay fitamiin E kaas oo aasaasi u ah qurux maqaarka jirka, islamarkaana dib u dhiga soo shaac bixidda calaamadaha duqnimada.

Sunsaarista:

Lawska waxaa ku badan maadoooyinka jirka sunta ka saara ee loo yaqaanno “antioxidants”, Maadada sunsaarista ee polyphenols ee ku jirta lawska ayaa la dagaallanta kiimikada afka cilmiga lagu yiraahdo “Free Radicals” (Xididdo xor ah) oo sababta cudurrada wadnaha ku dhaca iyo sidoo kale in uu kansarku fido.

Sonkorowga nooca 2-aad:

Sonkorowga wuxuu ku dhacaa boqolaal milyan oo dadka dunida ku nool ah. sonkorowga iyo Metabolic Syndrome ayaa aad la iskula xiriiriyaa

Metabolic syndrome waxaa loola jeedaa xanuunno ka dhasho khalkhalka dheefshiidka iyo falgalka jirka kuwaas oo kordhiya halista wadne xanuunka, faaligga iyo sonkorowga nooca 2-aad. Cunista lawska ayaa uroon dadka qaba metabolic syndrome iyo sonkorowga nooca 2-aad.

Maadada fiber:

Lawska waxaa ku badan fiber kaas oo faa’idooyin balaaran u leh joogtaynta caafimaadka jirka isagoo ka qayb kaata maaraynta xaalado kala duwan ee soo wajahi kara caafimaadka jirka, waxuu ka qayb qaataa caafimaad qabka dheefshiidka, sida ka hortagga calool istaagga iyo la dagaallanka boogaha ku dhasha caloosha iyo mindhicirada.

Caruurta:

Khubarada nafaqadu waxay ku dardaarmaan in caruurta la siiyo laws la shiiday sida in caanaha iyo cabbitaannada loogu dhex shiido sababtoo ah Lawsku waxaa ku jira borootiinno aasaasi u ah koriimada murqaha iyo lafaha ee caruurta.

Xusuusta:

Lawska wuxuu ka mid yahay cunnooyinka loo yaqaano “brain food” sababtoo ah waxaa ku jira fitamiin B3, kaas oo sare u qaadaa shaqada maskaxda, xusuustana kobciya. Lawsku wuxuu kordhiyaa qulqul wareegga dhiigga ee maskaxda taas oo kor u qaada firfircoonida maskaxda.

Caafimaadka uurka:

Lawska waxaa ku buuxo maadada folic oo caawiso koriiimada uurjiifka kana hortagta inuu cillad ku dhasho waana sababta hooyooyinka uurka leh loogula dardaarmo cunista lawska. Folic acid waa fitamiin B, waxay caawisaa inay ka hortagto cillad ku timaada tuubada neerfaha, oo ah xaalad halis ah oo soo wajihi karta maskaxda iyo xangulaha.

Kordhinta tamarta:

Lawska waxaa ku jira fiitamiinno iyo macdano waxaana lagaa helaa tamar, dhowr oo xabbo oo laws ah oo aad subaxdii cuntaa waxa ay ku siinaysaa tamar kugu filan saacado badan.

Ka hortagga kansarka:

Lawska waxaa uu qani ku yahay macdanta selenium, waxa uu ka hortagaa kansarka ku dhaco qanjirka xiniinyaha ee borosteytka (prostate cancer). Cunista lawska nooca pistachios waxay ka hortagtaa kansarka sambabada, waxaa ku jirta maado lagu magacaabo “gamma tocopherol” oo jirka ilaalisa kansarka.

Tayada shahwada ragga:

Lowska iyo yicibta waxaa ku badan barootiinka loo yaqaano “Arginine” oo door weyn ka qaata samaynta unugyada shahwada, sidoo kale waxaa ku jira macdanta zinc oo iyaduna muhiim u ah tirada iyo socodka xawada. Cunista lawska oo la joogteeyo waxay sare u qaadaa tayada shahwada.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *