Caabuqa Xangulaha (Ankylosing Spondylitis)

Ankylosing spondylitis waa caabuq ku dhaca xangulaha ama lafdhabarta gaar ahaan kalagowsyada lafdahabarta, caabuqaan ayaa sababa inuu isku dhajiyo qaybo kamid ah lafdhabarta meeshana ka saaro kalagoyska u dhaxeeyey. Caabuqaan waxuu yareeyaa dhaqdhaqaaqa lafta iyo qaabkeedaba. Wuxuu saamayn ku yeelan karaa kalagowsyada u dhaxeeya lafdhabarta iyo feeraha taasoo sababi karta inay adkaato neef qaafashada. Caabuqaan waxa mid ku badan ragga.

Maxaa sababa caabuqa xangulaha?

Caabuqaan malahan sabab gaar ah oo loo aaneeyo, balse waxaa la aaminsan yahay in dadka leh hido dhaxaleedka (gene) loo yaqaan HLA-B27 ay jaanis aad u sareeya u leeyihiin inay la kulmaan xaaladaan caafimaad. Qodobada kale ee lala xariiriyo xanuunkaan waxaa kamid ah, Ragga, iyo da’da weyn.

Waa maxay astaamaha?

Astaanta ugu badan ee la dareemo ayaa ah xanuun laga dareemo dhabarka iyo miskaha korkooda, xiliyada sida subixii markii la soo tooso ayaa la dareemaa xanuunkaan, waxaa kaloo xanuunkaan la dareemaa markii aan in mudo ah la samayn wax jimicsi ah. Xanuunkaan ayaa ugu danbayn noqon kara mid si iskiis ah ku baaba’a ama kasii dara. Meelaha ugu badan ee uu saameeya xanuunkaan waxaa kamid ah, kalagoyska u dhaxeeya lafdhabarta iyo miskaha, kalagoysyada lafdhabarta, kalagoysyada u dhaxeeya lafdhabarta iyo feeraha, kalagoysyada garbaha iyo gacmaha iyo kalagoysyada u dhaxeeya lafta kala barta xabadka iyo feeraha. Calaamadda la arki karo ayaa ah qaabka uu qofku u taagan yahay oo ay wax ka qaldan yihiin, taasoo keenaysa inuusan qofku u adkaysan karin xanuunka ama inay isku dhageen laba lafood meeshana uu ka baxay kalagowskii u dhaxeeyey.

Waa maxay khatarta ka dhalan karta?

Khatarta ugu weyn ee ka dhalan karta ayaa ah in ay isku dhagaan qaybo ka mid ah lafdhabarta taasoo keenaysa inay yaraadaan dhaqdhaqaaqa lafdhabarta, arintani waxay sidoo kale keenaysaa xanuun iyo qaabka lafdhabarta oo ay wax ka qaldamaan. Khataraha kale ee ka dhalan kara xanuunkaan waxaa kamid ah caabuq ku dhaca indhaha kaasoo wadata astaamo ay kamid yihiin indha xanuun iyo araga oo daciifa.

Lafaha khaasatan laftadhabarka ayaa ah mid u sahlan inay jabto xiliyada xanuunkaani uu yahay mid bilow ah. Waxaa sidoo kale ay dhibaato ku imaan kartaa caafimaad qabka wadnaha khaasatan halbowlaha dhiiga ka qaada wadnaha kaasoo qaybtiisa xoogan ay ka danbeyso laftanaaska, hadii kalagoyska u dhaxeeya lafta naaska iyo feeraha uu xanuunkani saameeyo waxaa sahlan in la dareemo xabad xanuun waxaana isbedel uu ku imaanayaa caafimaad qabka wadnaha.

Daawada

Ujeedka daweynta xanuunkaan ayaa ah in la xakameeyo xanuunka uu keenayo caabuqu iyo in laga hortago khataraha caafimaad ee ka imaan kara. Waxaa inta badan lagu xaliyaa laguna daweeya qaab qalliin ah si loo saxo qaabka ay isagu dhagayaan lafuhu. Waxaa sidoo kale jira dawooyin badan oo lagu daweeyo xanuunkaan. Jimicsiga ayaa  ah muhiimad aad u balaaran oo lagu daweyn karo loogana hortagi karo xanuunkaan.

Talo

Dhaqdhaqaaq la’aantu waa arin u xun caafimaadka guud ee jirka, waxaana lagama maarmaan ah in qofku uu sameeyo jimicsi ama ugu yaraan uu lugeeyo. Tani waxay hoos u dhigi kartaa imaanshaha xanuuno badan oo uu ka mid yahay caabuqa ku dhaca lafdhabarta. Hadii aad isku aragto dhabar xanuun mudo kabadan hal todobaad booqo dhakhtar kalana tasho xaaladaada.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *