Caabuqa Maqaarka Ku Dhaco (Cellulitis)

Caabuqa maqaarka waa xaalad caan ah, waa xaalad keeni karta infekshan daran oo ka dhasha bakteeriya. Caabuqaan wuxaa lagu yaqaanaa muuqdaa bararsan, guduud/casaan oo marka la taabto la dareemo diiranaan iyo danqasho. Xanuunkaan wuxuu si dhaqsa ah ugu gudbi karaa qeybaha kale ee jirka. Caabuqa maqaarka la isma qaadsiiyo inta badan.

Caabuqa maqaarka waxuu inta badan ku dhacaa lugaha, in kastoo meel kasta oo jirka kamid ah uu ku dhici karo. Sidoo kale wuxuu ku dhici karaa dahaarka ka hooseeyo maqaarka, wuxuuna u sii gudbi karaa qulqulka dhiiga.

Hadii aan la daweynin, infekshanka sii fidaya wuu khatar gelin karaa nolosha. Wa muhiim inaa si degdeg ah u raadisid daryeel caafimaad hadii aad isku aragtid astaamaha caabuqa maqaarka.

Waa maxay astaamaha?

Astaamaha iyo calaamdaha waxey ka soo baxaan inta badan dhinac ka mid ah jirka, waxaana ka mid ah:

  • Meel ka mid ah maqaarka oo noqota guduud/casaan siina fideysa
  • Barar
  • Danqasho
  • Xanuun
  • Diiranaan
  • Qandho
  • Dhibco dhibco guduud/casaan ah
  • Bocol

Maxaa sababo?

Caabuqa maqaarka waxaa sababo bakteeriya, khaasatan bakteeriyada loo yaqaano Streptococcus iyo Staphylococcus. Caabuqa wuxuu dhacaa marka ay bacteeriya gasho dilaac maqaarka ku sameysmay. Waxaa so badanaya infekshanada ay sababto Staphylococcus oo loo yaqaano Methicillin-Resistent Straphylococcus Aureus (MRSA) oo ah infekshano ka dhashay bagteeriya iska caabisa dawooyinka qalajiyaasha.

In kastoo xanuunkaan uu ku dhici karo meel kasta oo jirka ah, hadana waxaa inta badan lagu arkaa lugaha qeybta hoose. Bagteeriyada waxey u badan tahay iney gasho meel maqaarka uu ka dilaacay, meel dhawaan qalliin lagu sameeyay, nabarada iyo boogaha.

Cayayaanka qaar iyo caara caarada waxey fidin karaa infekshanka.

Halista sababi karta

Arrimo badan ayaa khatar kuu gelin karo inaad xanuunkaan qaadid

  • Dilaac kasta, lafta oo jabto, gubasho kuli waa kuwo wadada u xaari karo bakteeriya
  • Difaaca jirka oo daciifa. Xaaladaha daciifiyo difaaca jirka sida, sonkoroowga, kansarka dhiiga iyo HIV/AIDS
  • Xaaladaha maqaarka. Sida cambaarta, xaalada cagta orod yahanka, busbus waxey sababi karaan dilaaca maqaarka
  • Bararka gacmaha iyo lugaha joogtada ah. Bararka wuxuu sababi karaa in maqaarka uu dillaaco.
  • Dawada lagu duro xididka. Dadka aan marin habka nadaafadda ah ee dawo loogu mudo xididka waxay halis ugu jiraan xaaladaan.
  • Burnaanta daran waxey fududeysaa helidda xanuunkaan.

Dhibaatooyinka barbar socda

Bakteeriyada sababta xanuunkaan waxey ku faafi karta si baahsan, waxey gali gartaa qanjirada loo yaqaano lymph node ee jirka ayadoo u sii gudbeysa qulqulka dhiiga. Caabuqa maqaarka ee soo noqnoqda wuxuu dhaawici karaa qaadayaasha dareeraha jirka ee lymphatic drainage, wuxuuna sababaa barar joogta ah oo ku yimaada meesha ay bakteeriyada gashay.

Mararka qaar infekshanka wuxuu u gudbi karaa daaharka gudaha fog ee jirka waxaana loo yaqaanaa bakteeriyada cunto jirka necrotizing fasciitis.

Check Also

xasaasiyada, xajiinta, hindhiso,

Noocyada Xasaasiyada Ama Xajiinta, Sababaha Keeno & Sida Looga Hortago

Xasaasiyaddu waa jawaab aan caadi ahayn oo uu dhiibo difaaca jirka, dadka qaba xasaasiyad difaaca …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *