Sababaha Keena Cillada Labada Dabeecad (Bipolar Disorder) Iyo Dhibaatooyinka La Socda

Cillada labada dabeecad waxa loogu yeeraa afka caafimaadka “bipolar disorder“, horay waxaa loogu yeeri jiray “manic depression“, waxaa lagu yaqaannaa dabeecad isbedbedel xad dhaaf ah, waxeyna isugu jiraan shucuur kacsan iyo niyad jab. Marka aad niyad jabsan tahay waxaad dareemeysaa rajo xumo, waxaa kaa yaraanaya rabitaanka aad ku sameyn jirtay hawlaha nolosha. Marka dareenkaagu uu kor u koco waxaad dareemeysaa farxad iyo in ay tamartaadu sareyso. Isbedbedelka dabeecadaha waxey dhacaan  xiliyo kooban.

In kastoo xaaladaan ay tahay mid qasan, oo qaadata waqti dheer, waxaa lagu maareyn karaa dawooyin iyo talada dhaqtarka dhimirka.

Waa maxay astaamaha lagu garto?

Waxaa jira noocyo badan oo ah kamid ah xaaladaan, waan noocyo ku kala duwan astaamaha lagu garto.

Shuruudaha lagu baaro bipolar iyo xaaladaha la xiriira;

  • Bipolar I disorder. Waxaa ku soo maray hal dhacdo oo shucuur kacsan ah ayna daba socoto niyad jab
  • Bipolar II disorder. Waxaa ku soo maray ugu yaraan hal dhacdo oo ah niyad jab weyn, ugu yaraana socootay labo todobaad laakin ma aadan isku arkin dhacdo shucuurtaada kicisa.
  • Cyclothymic disorder. Waxaa kusoo maray ugu yaraan labo sano (ama hal sano caruurnimadaadi) oo aad marar badan isku aragtay astaamo niyad jab wata. Waa astaamo aad dareentid in kabadan labo bilood, astaamuhu waxey ciriiri daran saarayaan qeybo muhiim u ah nolosha.
  • Noocyada kale. Waxaa kamid ah astaamaha bipolar iyo xalaadaha kale ee la xiriiro ee kadhashay xanuunada qaar, sida xaalada Cushing’s, multiple scelerosis ama faalug.

Bipolar II ma ahan mid ka khafiifsan bipolar I, ee waa aqoon cudur oo kala duwan.

Waa maxay sababaha?

Waxa sida saxda ah u sababa xaalada bipolar ilaa iyo hadda lama garanayo, hasa yeeshee waxaa ku lug yeelan karo arrimo badan sida:

  • Farqi bayoloji ah. Dadka qaba xaaladaan waxey maskaxdoodu u muuqataa mid leh isbedel. Muhiimada isbedelkaan ma ahan mid ilaa iyo hada aqoon loo leeyahay, balse waxaa la rajeynaa iney ugu dambeynti caawiso sidi loo fahmi lahaa waxa sababo xaaladaan.
  • Fariin sidayaasha neerfaha. Isku dheeli tirnaan la’aan ka jirta kiimikooyinka maskaxda ayaa waxey u muuqataa arin qeyb weyn ka qaadata xaalad bipolar iyo xaaladaha kale ee dabeecad isbedelka.
  • Xaaladaan waxey caan ku tahay dadka qaba qoys lagu arkay xaaladaan sida walaal, iyo waalid.

Halista sababi karta

Arrimaha kor u qaadi kara in ay xaaladaan kula soo deristo ama kicin kara dhacdadaada koowaad waxaa ka mid ah:

  • Qoyskaaga oo lagu arko xaaladaan
  • Waqtiyada aad ku jirtid walwal daran
  • Ku xad gudubka maandooriyasha iyo khamriga
  • Isbedel culus oo noloshaada soo wajaho, sida geerida qof aad jeceshahay ama jug kugu dhacday

Dhibaatooyinka la socda

Hadii aan la daweyn xaaladaan waxey dhalin kartaa dhibaatooyin daran oo saameeya qeyb kasta oo nolosha ka mid ah, waxaana ka mid ah dhibaatooyinka:

  • Dhibaatooyinka la xiriira isticmaalida dawooyinka iyo khamriga
  • Is haligid ama iskuday is haligid ah
  • Dhibaatooyin xaga dhaqaalaha iyo mid sharciba
  • Dhibaatoyinka ilaalinta xiriirada
  • Go’doon iyo keli nimo
  • Shaqo xumo ama waxbarasho xumo
  • Kamaqnaanshaha shaqada ama waxbarashada

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *