BIIJADA AFKA: Sababaha Keena & Dhibaatooyinka Ka Dhalan Kara

Biijada waa xanuun dad badan ku dhaca wuxuu dadka ka haleelaa afka, gaar ahaana bishimaha. Waa caabuq ku dhaca hareeraha bishimaha, wuxuuna kamid yahay noocyada ugu badan ee ku dhaca afka. Waxaa badanaa sabbaba bakteeriya iyo fangi, bakteeriyada loo yaqaano staphylococcus iyo fangiga Candida albicans ayaa ah tan ugu badan ee sababta infekshankaan.

Cudurkaan wuxuu lee yahay xanuun mar marka qaarkood ah.

Calaamadaha lagu yaqaano biijada:

Calaamadaha ugu badan ee lagu yaqaano waxaa kamid ah,

  • Hareeraha bishimaha oo dil dilaaca kadibna cadaada
  • Bishimaha korkooda oo ay fuulaan waxyaalo cad cad oo uu keenay caabuqa
  • Maqaarka bishimaha oo adkaada
  • Xiliyada qaarkood waxaa dhici kara in bishimaha ay biyo galaan
  • Xanun khafiif ah ayay yeelataa mararka qaarkoodna
  • Carrabka oo barara
  • Iyo calaamado kale oo badan. Balse calmaaduhu way ku kala duwanaan karaar dadka qaarkood.

Maxaa sababa:

Waxa ugu badan ee infekshan kaan keena waa bakteeriyada loo yaqaano staphylococcus iyo fangiga Candida albicans, ama labadooda oo isku darsamay.

Nadaafada afka oo xumaata ama qofka oo daryeeli waaya nadaafada afkiisa iyo bishimihiisa waxay ka dhigaysaa mid u nugul in biijadu ku dhacdo.

Sidoo kale baarayaasha caafimaadku waxay sheegeen in xiriir wayn uu ka dhaxeeyo nafaqa la aanta iyo infekshankaan. dadka aan qaadan nafaqada jirku uu u baahan yahay waxaa sahal u ah in uu caabuqaan haleelo, Siiba dadka jirkoodu tabayo fiitamiinka loo yaqaano B fitamin iyo maadada birta oo jirka ku yaraata.

Cuudrkaan wuxuu kaloo ku dhici karaa dadka qaba xasaasiyada bishimaha.

Caruurta suulka nuuga iyo kuwa bishimaha geesahooda iska qaniina ayuu sidoo kale infekshan kaan ku dhici karaa. macdanta zinc oo jirka ku yaraata ayaa sidoo kale sababi karta biijada.

Cudurada ku dhaca habka dheefshiidka jirka kuwaasoo xaniba in jirku qaato nafaqooyinka uu u baahan yahay ayaa sababi kara in qofku ka qaado cudurkaan.

Waa maxay dhibaatooyinka ka dhalan kara biijada:

Hadii aad tahay bukaan la il daran infekshanka biijada waa inaad taxadar dheeriya muujisaa si lagaaga daweeyo cudurkan. Waayo hadii aadan helin dawayn deg deg ah waxaad halis ugu jirtaa in ay kugu dhacaan dhibaatooyin ka dhalan kara cudurkaan sida; maqaarka bishimaha iyo unugyada ay ka samaysan tahay bishintaadu oo dhamaada, cudurka oo ku sii faafa xubnaha kale ee afka, cunta cunida iyo wax cabida oo dhib kugu noqota iyo waxyaalo kale oo badan.

Sidee baa loogaga hortagi karaa biijada:

Sida aan kor kusoo xusnay cudurkaan wuxuu ka yimaada waxyaalo badan oo is biirsaday balse kahor tagoodu uu sahlan yahay. Hadaba qaababka aad uga hortagi kartid cudurkaan waxaa kamid ah;

  • Nadaafada afkaaga oo aad joogtaysid
  • Cunida cunto isku dheeli tiran
  • Qaadashada fiitamiinada iyo macdanaha jirkaagu u baahan yahay sida fitamiin B, maadada birta, iyo maadada zinc.

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *