Caabuqa Xubnaha Taranka Ee Dumarka (Pelvic Inflammatory Disease)

Caabuqa ku dhaca xubnaha taranka ee haweenka (pelvic inflammatory disease), ayaa ah mid inta badan lagu arko goobaha caafimaadka. Xanuunkaan ayaa ka dhasha infekshan. Bagteeriyada keenta caabuqaan ayaa ah mid la isagu gudbiyo galmada. Taasoo ka bilaabmata xubinta galmada ee dumarka una gudubta minka iyo ugxan sidaha, waxaana ay abuurtaa xaalad caafimaad oo taxadarkeeda leh.

Dumarka intooda badan ma dareemaan astaamaha xanuunkan ama waxay dareemaan waxaysan u arkin calaamad weyn oo muujinaya caabuqa xubnaha taranka. Marka uu xanuunkaan gaaro heer uu saamayn ku yeelan karo uurka ayay badanaa soo ifbaxaan calaamado muujinaya inuu jiro xanuun. Hadii uu inbadan ay qabto haweeynaydu xanuunkaan  waxaa dhacda inay dareento xanuun joogta ah oo laga dareemo miskaha.

Maxaa sababa Caabuqaan

Caabuqan waxaa sababa bagteeriya ku timid ama la isagu gudbiyo galmada, waxaa kale oo ay ku timaada jabtada ama infekshanka loo yaqaano kalaamiidiya. Bagteeriyada ayaa ah mid la isagu gudbiyo galmada hadii aan la xiran cinjirka loogu tala galay galmada. Waxaa laga yaabaa in bagteeriyadu u gudubto xubnaha taranka iyadoo aan galma la samayn arintaasina waa mid qariib ah oo aan badanaa dhicin. Hababka dhalmada la isaga joojiyo hab kamid ah ayaa isna loo aaneeyaa inuu sabab u noqon karo dhicida caabuqaan.

Waa maxay astaamaha caabuqaan

  • Xanuun laga dareemo qaybta hoose ee ubucda
  • Dheecaan urkiisu qarmuun yahay oo lagu arko siilka
  • Waqtiga caadada oo isbadbadala
  • Xanuun gaar ahaan marka la samaynayo galmo
  • Xanuun la dareemo marka la kaadinayo
  • Matag iyo qandho

Hadii aan la daweyn xanuunkaan waxaa uu boogo ku samayn karaa minka taasoo sababi karta inaysan haweeynaydu uur yeelan ama ay uurka ku qaado meel ka baxsan gudaha minka (ectopic pregnancy), waxaa sidoo kale waara xanuunka laga dareemo miskaha. Waxaana hagaagsan in la daweeyo si looga hortago saamayntiisa mustaqbalka.

Daawaynta

Waa sahlantahay sida loo daaweeyo xanuunkaan. Waxaana lagu xaliyaa qaab daaweyn ah. Loomana baahna qaliin. Waxaa lagama maarmaan ah in lamaanuhu aysan samayn wax galmo ah inta qofta dumarka ahi dhamaysanayso daawada.

Talo:

Galmada aan xalaasha ahayn waa mid mamnuuc ka ah diinteena suuban umana wanaagsana caafimaadka oo waxaa la isugu gudbin karaa xanuuno badan. Lamaanaha is qaba waxaa wanaagsan inay isu dulqaataan intay haweeynaydu ka dhamaysanayso daawada.

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *